Abuurkii Aadam iyo Diinta

A
Waxaan in yar is dul taagi doonaa sidey diinta islaamka u sheegtey waxay u taqaan Aadam oo ay diimaha ibraahimiyadu yiraahdaan insaanka ayaa ka soo unkamey, mar waxay yiraahdaan waxa afka carabiga lagu yiraah “Abul Bashar” ama aabihii dadka oo ay ka wadaan dhammaan wixii insaan ah inay asaga ka soo ufarcameen, waxayna diimahu gaar ahaan diinta islaamku u yaqaanaan ibnu aadam ama faracii Aadam.

Bal aan yar milicsano sooyaalka diimaha, gaar ahaan tan islaamka sidey u sheegtey abuurkii Aadam. Haddaan soo koobo Aadam waxaa laga abuurey noocyo ciidda oo kala duwan oo la isku qasey kana kooban dhammaan midabada faraca Aadam ee maanta aynu aragno sida quraanku dhigay.

Ka gadaal maxaa dhacey, markii la simey oo loo qaabeeyey qaabka uu haddeer yahay waxaa lagu afuufey ruux alle ka timid. Quraankana waxaa ku qoran “Markaan isku hagaajiyey ayaan ku afuufey ruuxdeydii”. Walow ruuxdo ay meelo badan quraanka kaga taal ayadoo macne yaal kala duwan wadato oon ayada lafteeda qoraal ku eegi doono, hadeerse waxay ruuxda u muuqataa waxay diimuhu u yaqaanaan “naf” oo ah midda ka masuulka ka shaqeysiinta jirka iyo dareemayaasha qofka.

Markii Aadam idlaadey abuurkiisii waxaa soo baxay baahi ah inuu Aadam helo wehel, inuu sameeyo taran, inkastoo diimuhu aysan sheegin meeshuu Aadam ka heley dareenka ah inuu u baahdo wehel ay nolosha isla riixaan amaba ay isu galmoodaan si ay u farcamaan welise waxaan ku soconaa sidey sooyaalka diinta islaamka ku qoran.

Halkaas markey mareyso talo waxay noqotey in Aadam qalniin lagu sameeyo dhinaca feeraha ah, waxay ruwaayaadka ama warinta qaar sheegtaa in feerta bidixda ah laga saarey, ka dib loo soo naqshadeeyey loogana soo dhigey xaaskiisii koowaad ama wehelkiisii adduunka waa Xaawo’e, ayadoo aad moodo in loo abuurey si ka fudud sidii Adam loo abuurey. Aadam iyo feertiisa Xaawo ahayd ayaa isu galmoodey waxay isu dhaleen ayaa misna mar labaad isku boodey waxaaana ka farcamey insaanka maanta nool.

QORMO LA XIRIIRTA:  Wiil Soomaaliyeed oo ka tagay diinta Islaamka iyo fal-celinta qoyskiisa (Video)

Bal aan aan ku yara fiirino indhaha naqdiga ama waxa loo yaqaan criticism,
Waa mare sida ka muuqato ilaahay si aan qorsheysneyn ayuu u abuurey Aadam waayo kamuusan fakarin inuu Aadam lamaane u baahan doono, waayo dhiiqadii uu qooshey ee Aadam laga diyaarinayey ayuu badin lahaa halmar ayuuna naftiisa kuwada afuufi lahaa.

Waa marka xigtee Aadam haddaa la abuuraye xagee ka keeney dareenkaan iyo qooqaan. Waayo ilmaha yarka ah markey dhashaan waxaan oohin ahayn ma yaqaanaan. Hadiise isaga oo wayn oo caqli leh la abuuray waana sida aan ka dhugan karno wadahadalada dhex-maray Ilaah. aadam iyo Malaa’igtee ma garan waayay Ilaah qaab ka habboon isu galmood inuu farac badan ku sameeyo?

Waa tan saddexaade Aadam yaa ku meheriyey ama ku nikaaxshey xaawo, diintey isugu galmoodeen? Aadam soo lama oran karo waa insaankii adduunka keeney waxa loo yaqaan siigada ama waxa af carbeedka lagu yiraah “Al-Istimnaa/Al-Caadah Sirriyah”, ama qayb jirkaada ah ood u galmooto sida Aadam.

Indhaha Islaamka iyo akhlaaqaha ay wanaagga ku tilmaanto  markaan ku fiirrino meeshaan akhlaaq xumaa ka muuqatee yaa qaadaya masuuliyaddeeda ma Aadam mise Allahii sidaa ka danbeeyey? Jawaabta adinkaan idiin daayey.

Su’aalo ayaa meeshaan yaal, horta walaashaa, hooyadaa iyo aabahaa dhaleen, saaxiibtaa aad isu galmootaan ma ka dhigan kartaa? Haddey haa tahay diintee ama akhlaaqdee qabto?

Insaanka haddeer nool haddey yihiin faracaas walaalaha iyo waxa jirkooda ka yimid u galmoodo maxaa haddeer diidayo inaad u galmooto inantaada yar iyo walaashaa? Ileen awoowa yaasheen ilmo Aadam iyo Aadamlaftiisaa qayb jirkooda ka mida iyo walaalahood horey ugu galmoodeene. Haddi jawaabtaadu tahay in shareecooyinka hore xukumo gaar u ahaa ay jireen oo diinteennu la wadaagin, miyaan la dhihin karin Allaah garasho fog ma leh oo wixii shalay la qurux badnaa ama akhlaaq ahaan wanaagsanaa ayuu maanta dadka ka reebayaa kuna ciqaabayaa?

QORMO LA XIRIIRTA:  Dooro/digaagad qoorqabad biyo kuma cabto!

Ma la oran karaa insaanka nool waa farac aan meher ku dhalan walaalnimana isugu soo galmoodey, ayuu ka soo farcamey, sidaa owgeed waa fir ku yimid xarig la’aan ama meher la’aan?

Culumada fiqaga muslimiinta waxay yiraahdaan wuxu haduu asalkooda xaaraan yahay waa xaaraan iyagana intey doonto ha gaareene.
Tusaale hadaad xoolo soo xado ama aad dhacdo oo ay firaan waa xaaraan badatey un. Waana meesha ay soomaalidu ka tiraah hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho.

Gunaanadkii waxaan ka rabaa asxaabta haddaan u raacno sidey diimuhu ka sheegaan abuurka insaanka maxaa noo diidayo inaan ku dayano awoowe yaasheenkii walaalahood ay isu galmoon jireen.

Midbaa maalin hore igula doodey mulxidiinta ama dadka aan diimaha rumeysneyn hooyadood iyo walaalahood inay u galmoodaan ay qabaan. Markuu saas iyiri ayaan soo xusuustey heestii ahayd ismoog aqalkiibey asleysaa ismana oga.
In ilma Aadam isu soo galmoodeen iyo weliba Aadam laftiisa qayb jirkiisa ka mida uu ka ilma dhaley.

Dhigaalkaan wuxuu hogo tusaaleynayaa dadka lagu harowsadey beenta fakatey ee runta ka dheereysey ee ah waxaa jira ilaah garasho badan oo kownkan jiritaankiisa ka danbeeya balse sheeka xariirada diimaha kama duwana tii aan caruurnimadii aan maqli jirnay ee diin iyo dawaco.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments