Addoonsiga iyo Islaamka

A

Ujeedka qoraalkani ma aha duridda diin gaar ah, maadaama diimaha badankoodu ay Addoonisga hal meel ka wada taagnaayeen laakiin waxaan isku dayayaa inaan soo bandhigo aragtida Islaamku ka qabo addoonsiga sidoo kalana daaha ka qaado indhaha Muslimiin badan oo ilaa maanta aaminsan in Islaamku soo afjaray dhaqanka foosha xun ee addoonsiga iyo kala sarraysiinta dadka.

Inta aynaan dhex jibaaxin aragtida uu Islaamku ka qabo addoonsiga aynu horta isla meel dhigno qeexitaanka Addoonsi, addoonsigu waa in qofi qof kale si xoog ah ugu adeegto una yeesho sida hantida loo yeesho ama xayawaanka oo kale, qofka addoonka noqdayna uu ka mid noqdo hantida qofka leh.
Taariikh ahaan marka aynu dib u raacno addoonsigu waxa uu ahaa caado soo jireen ah oo caan ka ahayd bulshooyin kala duwan iyo ilbaxnimooyin horeba sida Mesopotamiyiinta(3100 CH), waxyaabo badan ayaana sababay oo ay ka mid ahayd colaadaha oo loo adeegsan jirey ciidan dagaal ama doonyaha hagaajintooda iyo kaxayntooda, sidoo kalena waxa loo adeegsan jirey qaybaha kale ee nolosha sida falidda beeraha iyo dhisidda guryaha, waxay ahaayeen kuwa la kala iibsado oo leh suuqyo gaar ah oo lagu soo bandhigo, waxa iyana jirtey in dumarka adoomaha ah loo iibsan jiray si ay u gufeeyaan baahiyaha galmo ee sayidkeeda, mararka qaar way heesi jireen halka kuwa kale lagu khasbi jiray inay rag qalaad la caweeyaan si ay lacag u soo xareeyaan.
Waxaa addoonsiga keenay colaadaha, duulaanada iyo damacyada dhul balaadhsi, waxaana dhici jirtey in lasoo qabsan jirey dumar iyo caruur iyo ragba si loogu adeegto.
Xilligii diinta islaamku soo baxday dhaqankani si xoog ah ayuu uga jirey jaziiradda Carbeed gaar ahaanna Makka oo ahayd xarun ganacsi oo wayn, dadkii ugu horreeyey ee rumeeyey nebiga(Maxamed) cusub kuna hanwaynaa in Ilaaha soo diray xaqdarradan uga hiilin doona oo garab istaagi doono waxa ka mid ahaa addoomo dhib badan lagu hayay oo ku rajo waynaa in ay dhadhamin doonaan macaanka xoriyadda haddii ay raacaan Ilaahan cadaaladda badan ee aan marnaba ogolaan doonin in addoomihiisa la kala sarraysiiyo, laakiin nasiib xumo wax aan niyad jab ahayn kama qaadin maadaama nabigan laftisiisu uu hantiyay addoomo aad u tiro badan markii uu awood yeeshay waxaana ka xusi karnaa Usaama bin zeyid, Abu raafic alqibdi, Safiina abu cabduraxmaan.. Sidoo kale waxa jirey dumar addoomo
ah oo nebigani dagaalo ku soo qabsaday una haystey keliya inuu u galmoodo oo ka
mid ahaa hantidiisa, waxaana ka mid ahaa kuwa uu dagaalka ku soo qabsaday ee uu
markii danbe xaasaystay Juwayriya bintu xaarith, Maariya alqibdi iyo Safiya
bintu xayyi.
Nebigu wuxuu ka qayb qaatay oo dhankiisa ka raacay nidaamkii ijtimaaciga ahaa ee ay ku dhaqmi jireen reer tolkii, waa run way dhici jirtey xiliyada qaar inuu odhan jirey adoonta ha la xoreeyo, laakiin sidaa si lamid wuxuu dhiiri gelineyay oo fasaxayay jiirtaanka dhaqankan xun ee xuquuqda aadanaha meel ka dhaca ku ah mana mamnuucin falkan sida uu xaaraanta uga dhigay waxyaabo aan cidna dhib ku hayn sida cunista hilibka doofaarka..iwm
Diinta Islaamku si cad ayay usharciyaysay in la is adoonsado oo dadku ay dad lamida duudsiyaan xaqooda madaxbanaanida ulana dhaqmaan sida xoolaha, sidoo kalena waxay diinta islaamku xooga saartay halkay ka xoreyn lahayd addoonta in ay samayso sharciyadi lagula macaamili laha addoomaha.
1. ( يايهاالذين آمنوا كُتب عليكم القصاص في القتلى الحر بالحر والعبد بالعبد والانثى
بالانثى)1
Aayaddan waxa ku cad addoonta iyo xortu in aanay ilaahay iyo nebigiisa u sinayn markay denbi galaan, tusaale ahaan hadii nin xor ahi addoon dilo loo dili mayo, laakiin haddii nin addoon ah dilo nin xor ah waa la dilayaa addoonka looma ooyaanka ah. Sidoo kale cawrada naagta xorta ahi way ka duwan tahay cawrada naagta addoonta ah, addoonta cawradeeda waxay lamid tahay cawrada ninka (inta u dhaxaysa xudunta iyo ruugga), addoonta xilligaad rabto ayad fuuli kartaa guur la’aan iyadoo aan raali ka ahayn ama xitaa haddii ay tahay oori nin kale.
2. Xadiiskan hoose waxa ku cad in nebigu addoon in la xoreeyo uu ka jeclaa in hadiyad ahaan ehelka loogu geeyo isaga oo xusay inay taasi ka ajar badan tahay in xorriyad buuxda loogu deeqo.
وعن ميمونة بنت الحارث: { أنها أعتقت وليدة لها ولم تستأذن النبي صلى الله عليه وسلم, فلما كان يومها الذي يدور عليها
فيه , قالت: أشعرت يا رسول الله أني أعتقت وليدتي؟ قال: أو فعلت ؟ قالت: نعم , قال: أما إنك لو
أعطيتها أخوالك كان أعظم لأجرك }2
3. Diintu waxay xooga saartay in ay ilaaliso xuquuqda kuwa addoonta leh laakiin wax waajib ah iskama saarin addoonta laftooda, waxa ku cad xadiiskan in aan addoonka wax salaad ah laga aqbali doonin hadii uu ka baxsado ninka addoonsada ee uu xoolihiisa yahay ilaa uu ka soo laabanayo, haddii uu sidaa ku dhinto isaga oo xorriyadiisa raadinayana uu gaalnimo ku dhimanayo.
– (العبد
الآبق لا تقبل له صلاة ، حتى يرجع إلى مواليه)3 – (إذا أبق
العبد لم تقبل له صلاة وإن مات مات كافرا فأبق غلام لجرير فأخذه فضرب عنقه)4
5. Waxa dhacday in nebigu addoon cad uu ku iibsaday ama dhaafsaday laba addoon oo madaw ah, xadiiskan hoose waxaad ka dheehan karaysaa ku lug lahaanshaha nabiga ee ganacsiga addoomaha iyo in addoonta iyo xooluhu isku mid yihiin.
عن جابر رضي الله عنهما «أَنَّ رسول
الله صلى الله عليه وسلم اشترى عبدا بعبدين أسودين»5
Dhinaca kalana waxa ka muuqata cunsuriyad ka dhan ah dadka duubka madaw iyo in addoonka cadi u dhigmo laba addoon oo madaw. Addoonka madaw wuxuu ahaa noolaha ugu liitta nabiga agtiisa taasna waxa marag u ah marka uu lahaa “Maqla oo raaca xittaa haddii uu madax idiin noqdo addoon xabashiya oo timihiisu taygas yihiin”.
‏عن ‏ ‏أنس بن مالك ‏رضي الله عنه ‏ ‏قال: ‏ قال رسول الله ‏ ‏صلى الله عليه وسلم ‏ (‏اسمعوا
وأطيعوا وإن استعمل عليكم عبد حبشي كأن رأسه زبيبة)6
Halkan waxa si cad ugu qeexan in dadka madoobi xor iyo adoonba ay yihiin kuwa dadka ugu liita, sidoo kale waxa muhiim ah in aan ogaano in xitaa saxaabadii rasuulka kuwii ugu waaweynaa ay dulmigan ku jireen sida Cumar bin Khadaab oo ay muslimiintu ku sheegaan inuu ahaa aabaha cadaaladda, Cumar haduu arko miskiin addoon ah oo xijaaban inta uu garaaco ayuu qaawin jirey isaga oo ku doodaya in xijaabka sababta loo jideeyey ay tahay in naagaha addoomaha iyo kuwa xorta lagu kala aqoonsado sidaa darteedna ayna bannaanayn inay addoonto xirato oo isu ekaysiiso gabdhaha xorta ah.
عمر بن الخطاب أمير المؤمنين كان يطوف في المدينة فإذا رأى أمة محجبة ضربها بدرته الشهيرة حتى يسقط الحجاب عن رأسها ويقول :فيم الإماء يتشبهن بالحرائر،” وقال أنس “مرت بعمر بن الخطاب جارية متقنعة فعلاها بالدرة وقال يالكاع أتتشبهين بالحرائر ألقي القناع،” وروى أبو حفص أن “عمر كان لا يدع أمة تقنع في خلافته،” ويقول كتاب المغني الجزء الأول ص٣٥١ عن ابن قدامة أن عمر رضى الله عنه ضرب أمة لآل أنس رآها متقنعة وقال اكشفي رأسك ولا تتشبهي
بالحرائر،” وفي سنن البيهقي الجزء الثاني ص٢٢٧ يروى عن أنس بن مالك “إماء عمر كن يخدمننا كاشفات عن شعورهن.”
Ma jirto ayaan darro ka wayn in Cumar noqdo astaanta cadaaladda isagoo addoonta sidaa ula dhaqmi jirey, sidoo kale waxa u bannaan qofka muslimka ah ee iibsanaya naag addoon ah inuu meel walba gacanta ka geliyo oo ka taabto sida naasaha, badhida iyo caloosha ee dumarka lagu soo bandhigo suuqyada waawayn ee addoomaha.
‏ Sidoo kale xadiisakani sugani wuxu leeyahay qofka addoonka ah ee ilaahay caabuda seyidkiisana adeeca laba ajar buu leeyahay..
عن ‏أبي موسى‏ ‏‏عن النبي‏ ‏ ‏قال:
‏(المملوك الذي يحسن عبادة ربه ويؤدي إلى سيده الذي له عليه من الحق والنصيحة
والطاعة له أجران7.
Xadiiskan kale waxa ku cad in addoonka guursada isagoa aan fasax ka haysan seyidkiisa uu yahay dhiley qaadanaya xukunka qofka sinaystay.
عن جابر قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم (أيما عبد تزوج بغير إذن مواليه فهو عاهر)8
Is addoonisgu waa qayb ka mid ah diinta islaamka, waa sunnadi nebiga iyo amarki Ilaahay, waa sunnadii khulafada iyo ahlu baytka, qofka yiraahda ma jirtana ama beeniyaana wa qof beenineya Quraanka iyo Sunnada, maanta oo aynu noolnahay qarniga 21aad saw wax lala yaabo ma aha in aan addoonsi isugu baaqno oo isku dhiiri gelino ama carruurteena dugsiyada ku barno habka loola dhaqmo qof addoon ah.
Qof walba hadaba waxa la gudboon in uu caqligiisa kaashado, dadnimadana aanu ka tegin lana jaanqaado qarnigan 21aad oo iska ilaawo sheekooyinkii iyo dhaqamadii qarnigii 7aad, sidoo kale waa inuu ogaadaa qof walba oo madoobi in uu ka liito dadka kale sida nabigiisu qabay, hadduu doono Soomaali minja dhuuban oo Wahaabi toob xiran ha ahaadee, waa in aan is waydiinaa sidee isu waafaqayaan cadaaladda iyo raxmada ilaahay, iyo in uu ogolaado in la is addoonsado? Sidee aniga oo nin madaw ah u aamini karaa nabinimada nin cunsuriya oo dadka madaw aaminsan inay ka liitaan dadka kale?
Waxaa laga yaabaa inaad is waydiinayso sidee ayay ku timid in maanta addoonsigu danbi noqdo maadaama qarni kahor adduunka si baahsan uga jiray, waxaynu jalleecaynaa ololihii reer galbeedku ay u galeen sidii ay falkan foosha xun ee ay iyaguna qaybta ka ahaayeen u cidhib jari lahaayeen xilli dawladaha Muslimiinta ay ka furnaayeen suuqyo aad u waawayn oo ganacsiga addoomaha u gaar ah.
1792 ayay Denmark mamnuucday adoonsiga dadka iyo wax kastoo xidhiidh la leh.
1807 Koongareeska Maraykaku wuxuu mamnuucay ka ganacsiga addoomaha iyo in dekedaha iyo dhulwaynaha Maraykanka laga soo dejiyo wax xidhiidh toos ah ama mid dadban la leh addoonsiga dadka, sidaan ognahayna waxa dhacay dagaal sokeeye oo aad u xun oo dhex maray gobolada koonfureed iyo kuwa woqooyi ee Maraykanka waxaana ku dhintay dad aad u tiro badan si addoonta loo xoreeyo dhiig baa loo huray.
1827 Baarlamaanka Ingiriisku wuxuu ka dhigay addoonsiga iyo ka ganacsiigiisaba fal budhcadnimo ah waxaana laga dhigay ciqaabtiisa in dil lagu xukumo qofka ku kaca falkan.
1833 Boqortooyada Ingriisku waxay gebi ahaanba ka mamnuucday dhulka ay gumaysato oo aad u waynaa ka ganacsiga addoonta iyo wax kasta oo xidhiidh toos ah ama dadban la leh addoonsiga.
1865 Guushii dagaalkii loo galay xoraynta addoonta kadib Maraykanku wuxuu si toos ah u soo saaray sharci mamnuucaya addoonsiga nooc walba oo uu yahay.
1877 boqrtooyadii Ingiriisku waxay ku qasabtay Masar inay joojiso gebi ahaanba ka gancsiga dadka, waxaana albaabada la isugu dhuftay suuqyadii ka ganacsiga addoonta ee waddankaas.
1924 Ingiriiska oo xilligaa Suudaan haystey wuxuu ka mamnuucay ka ganacsiga addoonta iyo is addoonsiga, laakiin weli waxa ka jira adoonsi lagula kaco dadka koonfurta waddankaas ka soo jeeda maadaama ay jecel yihiin Suudaaniyiintu inay si buuxda u dhaqan geliyaan diintooda addoonsigu qaybta ka yahay.
1927 boqrtooyada Ingiriisku waxay la gashay heshiis mamnuucaya addoonsiga boqrtooyada Reer Aala-Sacuud, laakiin xaga reer Aala-Sacuud ma hirgalin heshiiskani oo mayna fulin maadaama ay u arkayeen inuu kahor imanayo dhigaaladda diintooda Islaamka, waxaase ugu danbayn la mamnuucay sannadkii 1962 kadib cadaadis badan oo kaga yimi adduunka, laakin weli xiisihii ay u qabeen addoonsiga kama bixin oo mid dadban baa ka jira oo ah nidaamka loo yaqaan kafiilka (الكفيل) inkasta oo aan la bar-bar dhigi karin addoonsigii hore.
Image result for libya slavesLiibiya waxa soo laabtay dhawaan ganacsigii addoomaha oo aan gabasho lahayn iyada oo dadka madaw ee Soomaalidu ku jirto la xaraashayay oo lagu gor-gortamayay qiimahooda jaban, welina lama hayo wadaad addoonsiga si guud u cambaareeya oo ku tilmaama fal xun oo xuquuqda aadanaha kahor imanaya ileen waa qayb diinta ka mid ahe, sidoo kale wali rabitaanka addoonsigu wuxuu ku haray oo degan yahay maskaxda muslimiinta tabar yaridu hayso ee jecel inay soo laabtaan maalmihii duulaanka la qaadi jiray ee gabdhaha cad-cad ee la soo qafaalan jiray.
Jamhuuriyadda islaamiga ah ee Mooritaaniya (جمهورية موريتانيا الإسلامية), waxay noqotay waddankii u danbeeyey adduunka dhan ee mamnuuca ka ganacsiga addoonta sannadkii 1981, waxaana mamnuucay kelitaliyihii la odhan jirey Maxamed Khoona Wald, waxa sidoo kale muhiim ah in aan ogaano in Faransiiska uu ka mamnuucay wadanka Mooritaaniya addoonsiga iyo ka ganacsigiisa sanadkii 1905 xilligii uu gumaysanayay, laakiin markii ay xornimada qaateen ee faransiisku ka baxay ilaa waqtigan qoraalka aan qorayo ganacsiga addoomuhu uu ka jiro si qarsoodiya iyo mararka qaar si badheedh ah maadaama sida magaca dawladda ka muuqdaba ay tahay dawlad Islaamiy oo dhaqan gelinaysa shareecada Islaamka ee addoonsiga bannaysay.
Waxa jirtey in xilliyada ay mamnuuceen wadamada Islaamku addoonsiga ay ku jireen gacanta wadamada reer galbeedka ama uu cadaadis kaga yimi xagooda, laakiin iyagu marnaba aanay raali ka ahayn in ay adoontooda xoreeyaan ama joojiyaan addoonsiga, taana waxa sabab u ahayd in adoonsigu ahaa welina yahay qayb ka mid ah diinta islaamka oo nasiib xumo caruurteena masaajidka iyo Macaahidda diinta lagu baro habka loo hantiyo ama loo dhaqdo addoon iyada oo aan danbi la dareemayn maadaama ay kamid tahay dhigaalada Islaamka ee wanaagsan, haddii ayna wanaagsanayna Ilaahay Quraanka kuma xuseen naagaha addoomaha (ملكات اليمين)
in ka badan 20 jeer.
Qof kasta oo madaw waa in uu ogaado in diinta Islaamku ay sabab u tahay addoonsiga iyo dhibka haysta dadka madaw ee Libya, maadaama Ilaaha islaamku isaga oo awoodda inuu falkan foosha xun soo afjaro doorbiday inuu sharciyeeyo oo ogolaaddo jiritaankiisa, nebiguna uu raali ka noqday addoonsiga welibana ka ganacsan jiray addooomaha sida aan soo xusnay.
Mawqifka uu Islaamku ka istaagay addoonsiga ee ah ogolaanshaha iyo sharciyayntiisa wuxuu caddaynayaa in diinta Islaamku ayna ahayn mid la jaan-qaadi karta waqti walba oo ay tahay xeerar ay dad hore dajisteen iyaga oo ka dab qaadanaya dhaqamadooda.
Ninki sinaantaada diida adiguna sarayntiisa diid.
__________

 

QORMO LA XIRIIRTA:  Nebi Maxamed maaha nabigii u danbeeyey!
JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
  1. البقرة: 178
  2. متفق عليه
  3. صحيح الجامع: 63697
  4. صحيح
    الجامع: 28989 ، الراوي: جرير بن عبدالله البجلي
  5. صحيح مسلم: 1602
  6. صحيح البخاري
  7. صحيح البخاري
  8. سنن أبي داود: 2078
guest
1 Comment
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Guled A.A
Guled A.A
9 Bilood Kahor

Adoonsigu waa wax aad u liita, gaf la galana waa ka u weyn inta aynu garanayno.

W/Q: Khaled Hassan