Addoonsiga diimaysan ee ay Carabtu kula kacday dadka diirka madaw

A

Aduunyada Carabta waxaa iska caadi ah in qofka diirka madaw la faquuqo oo la takooro weliba si dadnimada ka baxsan. Carabtu waxay badankoodu aaminsan yihiin in dadka madoobi ay yihiin nijaas ka derejo liita iyaga waxaana jirta sheekoooyin badan oo facba faca ka danbeeya u gudbiyo waxaana ka mid ah huuhaadaas ay carabtu isu-weriso sheeko odhanaysa dadka madaw asalkaadu waxay kasoo jeedaan wax ay ugu yeedhaan inkaarti Saam(لعنة سام) waa sheeko aaney waxba ka jirin laakin takoorka lagu sharciyaynayo asalka dadka diirka madawna lagu liideyo.

Dalkasta oo Carbeed hadaad tagto waxaa iska caadi ah in si joogta ah ay dhegahaaga ugu soo dhaco eryaga adoonyohow (يا عبد ) ereygan qof madaw ayaa loogu yeedhi ama adigaaba laguugu yeedhi. Dhamaan dalalkaa Carbeed waxa degan bulshooyin diir madow kuwaaso ku nool meelaha ugu liita dadkana aan soo dhex geli karin cunsuriyad darteed.

Is-adoonsigu waa qayb ka mid ah dhaqanka Carabta,diintooda lafteedu waa u jideysey inay wax adoonsadaan. Nebi Maxamed 572-632 wuxuu lahaa adoon.

Diinta islaamku in haweenka la adoonsado welibana loo galmoon karo meher la’aan bay jideysey ( ملك اليمين ) waxay Quraanka ku jirta 15 jeer. Sidoo kale Cumar Binu Khadaab oo ahaa ninki ugu cadaalada fiicna siday sheegaan culimadu wuxu bud ku garaaci jirey dumarka adoonta ah ee u lebista sida kuwa xorta ah, waxaa kaloo la sheega inuu yiri Carabi adoonsi ma gasho ( ليس على عربي ملك) xiliyada qaarna wuxuuba amri jirey in dhamaan dadka Carabta ah la xoreeyo welibana dawlada islaamku ka bixiso qarashka isagoo kala cararaya Carab inay taariikhda u gasho adoonsi waa siduu yidhiye خوفا ان يكون السبي سنة) (على العرب

QORMO LA XIRIIRTA:  Quraan mise Maanso carbeed?
Image result for obama slave
Brack Obama – Madaxwaynihii hore ee Maraykanka

Nebi Maxamed 571-632 wuxuu yiri isagoo waanineya dadki taabacsana “Yeela oo adeeca xata haduu idiin taliyo addoon madaw oo xabashi ah oo timihiisu yihiin sida sabiibta adayg darti” hadalkani wuxu la micne yahay hadii cid talisa la waayo oo qof madow oo tima adagi talada qabto raaca. Qofka madoobi wuxu agtiisa ka ahaa qof aan wax micna ah lahayn oo aan talo geyn iyado mucjiso dhacdo mooye.
Nebiga waxaa kaloo laga weriyey adoonka aan adeecin seydikiisa ama ninka iska leh in aan salaad laga aqbalayn.

Bilaal ninkii la odhan jirey waxay ku caayi jireen midabkiisa weliba nebigoo jooga iyagoo leh ( يا ابن السوداء) waxayna ku qanciyeen inuu eedaanka ku koobnaado talada islaamkana Qureysh u daayo.

Nebiga laftiisu laba aadoon oo madaw ayuu dhaafsaday hal adoon oo cad. Ayaad Quraan ahi waxay leedahay maalinta wejiyo madoobaneyaan (يوم تسود وجوه) kuwa naarta geleya wejiyadu madoobaan. Waxaan is waydiiyey tolow kuwiinan maanta aduunyada jooga ee diirka madoobi hadhow aakhiro ma midab cad baad yeelanaysaan.

Maanta oo aan qoraalkan kooban qoreyo dadka diirka madaw ee ku nool wadanka Muuritaaniya ama liibiya sida xoolaha ayaa loo kala gata waayo diintooda ayaa u fasaxday cid mamnuuci kartaana ma jirto wixii diintu jideysey.
Waxaanse aad ula yaaba in Illaahay soo dejiyey aayado mamnuucaya khamriga iyo turubka laakin aanu soo dejin aayado mamnuucaya adoonsiga la adoonsanayo qof nool, taa bedelkeeda Illaahay wuu jideeyey in la is adoonsado.

Aduunyada waa ka dhacay is adoonsi laakin waxba laga bedeley sharciyo adag baa laga soo saaray waana la laalay in la is adoonsado, laakin sharciga Illaahay yaa wax ka bedeli kara? Yaa ku dhiiran kara inu laalo haweenka iyo caruurta Illaahay baneeyey in la adoonsan karo si loogu galmoodo ( استرقاق الجنسي) ee Quraankana ugu jirta ( ملك اليمين )

QORMO LA XIRIIRTA:  Ciilka Soomaalida

Waxaa ayaan darro wayn ah in dadka diirka madoobi ay qaataan diin iyo dhaqan shisheeye oo iyaga liideya.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

Aragtidaada kudar qormadan

avatar

My Bookmarks

Follow Us

[likebtn theme="padded" counter_type="subtract_dislikes" tooltip_enabled="0" white_label="1" newline="1" popup_disabled="1"][cbxwpbookmarkbtn]

Send this to a friend