Af-Soomaaliga

A
Af soomaaliga waxaa ka muuqata in uu yahay luqad fil weyn oo xilli aad u dheer jirtey oo geeska Afrika lagaga hadlayey muddo ku siman ilaa gooshkii Faraacinada, waxaana la caddeeyey in afkii Faraacinadu uu ahaa afka Kushitiga, waxa ayna boqortooyadii Faraacinadu geyiga afrikada Bari iyo Woqooyi ka talinaysey 5000 (shan kun) oo sano. Waxaa la malayn karaa in Kushitigu uu waayadaas hal luqo ahaa, laakiin maanta waa afaf ka la duwan oo ay ugu weyn yihiin afka Oromo iyo soomaaligu. In kasta oo uu Kushitigu afaf ka la duwan noqday haddana weli aad buu isugu dhow yahay oo dadkii mid ku hadla midka kale barashadiisu aad bay ugu fududdahay. Afka Kushitigu bah ahaan waa luqad aad uga fog afafka u degaanka dhow sida Amxaariga iyo Carabiga, waxaana jira soomaali diinta darteed u aamminsan in uu soomaaligu carabiga qaraabo la yahay, laakiin haddii si cilmiyaysan loo hadlo oo qiirada iyo caaddifadda meel la iska dhigo afka Kushitiga iyo carabigu waa luqado aad u ka la durugsan, waxaa se jira ereyo badan oo afkeenna carabiga ka soo galay maaddaama aynu xiriiro dhinacyo badan la lahayn caalamka carabta. In ereyo la ka la amaahdo luqaduhu qaraabo ku ma noqdaan ee waxa ay xigto ku noqdaan qaab dhismeedka naxwaha iyo sida ay u wadaagaan ereyada asalka ah oo qaddiimiga ah. Dhismaha afkeenna iyo dhismaha carabigu aad bay u ka la durugsan yihiin, in aynu isku diin haysannaana ma keeni karto in ay afafku qaraabo yihiin.

Fil weynanka afkeenna oo cilmiyan looga soo xaqiijiyey luqaddii Faraacinada ka sokow waxaa ka muuqata in uu yahay mid hodan ah oo ka qoddo fog afaf badan oo ku faafay caalamka. Ereyo ahaan waxa uu afku leeyahay kalmado badan oo qaab kasta wax loogu sheegi karo ama loogu cabbiri karo, laakiin waxaa nasiib darro ah in dadka maanta warbaahinta iyo xogo isdhaafsiga sameeyaa ay ku kooban yihiin ereyo xaddidan oo dadka magaalooyinka joogaa afka ay ishaafsadaan aad buu u kooban yahay marka la eego ereyada uu afku ka kooban yahay baaxaddooda. Waxaa laga yaabaa in qofka soomaaliga ahi markii uu arko afafka muddada dheer qornaa oo aad looga shaqeeyey kalmado ku jira oo uusan markiiba u helin ereyo u dhigma oo af soomaali ah uu la soo boodo in uusan afkeennu ka haqab la’ayn ereyada oo uu sabool yahay, laakiin sidaas xaqiiqadu ma aha.

QORMO LA XIRIIRTA:  Ilaalinta Xuquuqda Dumarka iyo Waddamada Islaamka!!

Arrinta noocaas ah si aynu uga biskoonno waa in la ogaadaa af kastaa in uu ereyo u leeyahay waxa degaankiisa laga yaqaan oo wixii aan aaggaas ka jirin uusan kalmado u lahayn, waana sababta keentay in ay afafka caalamku ereyo meelo ku cusub ka la qaataan. Af kasta oo hodan ah waxaa ka buuxa ereyo afaf kale ah oo tusaale ahaan afka farsamada cusub waxa ay qolo kastaa qaadatay ereyadii ay u bixiyeen dadkii farsamadaas hindisey, afka caafimaadkuna waa sidaas oo kale. Sidaas darteed af hodannimadiis iyo saboolnimadiis lagu ma eego waxyaalo aan ka jirin geyiga lagaga hadlo ee waxaa hodannimada laga eegaa waxyaalaha aaggaas ka jira sida uu afkaasi ereyo badan ugu hayo iyo sida uu wax ugu cabbiri karo. Tusaale ahaan dhulka soomaaliga waxaa laga yaqaan macnaha ”Nacas” oo dadkaasi waa ay garanayaan ujeeddada uu ereygaasi u taagan yahay ee bal hoos waxa aad ka eegtaa inta erey oo uu macnahaasi af soomaaliga ereyadiisa ku leeyahay oo laga yaabo in aan qaar illaawo! waxayna yihiin; Nacas, Naanaab, Doqon, Dabbaal, Axmaq, Baqdhoos, Sabyaan, Soonge, Sacsac, Sagagar, Sabsaab, Dhoys, Caaq, Caall, Coobil, Qaballuus, Mohollog, Calaan.

Waxaa la hubaa afafka lagu sheego in ay hodanka yihiin haddii macnahaas ereyada ay u yaqaanniin laga eego qaamuusyadooda kalmadaha isku macnaha ah qora in aysan ku qornayn 18 erey, sidaas ayuuna af soomaaligu macnayaasha geyigiisa ka jira oo dhan ereyo badan ugu leeyahay. Nasiib darradu waxa ay tahay afka dhawaan baa la qoray oo ma jiraan qaamuusyo waa weyn oo ereyadiisa badankooda lagu koobay, isla markaas adeegsiga ereyo badan qoraalka iyo warbaahinta la ma geliyo. Labada meelood oo ay afka hodannimadiisu ku kaydsan tahay waa maansada oo loo kaydin jirey in afka la isaga tebiyo, xoogaa ka mid ahna la qoray iyo miyiga oo ay dadku afka isaga hadlaan ee aysan aqoon ay ku turxaan bixiyaan u hayn.

QORMO LA XIRIIRTA:  Ilgayr

Maansada inteeda qoran dadka magaalooyinka joogaa ma jecla in ay akhriyaan, sababtuna waa in aysan garanayn kumanyaalka iyo kumanyaalka erey ee ku jira. Waxaa caadi ah qofku wixii uusan fahmayn in uusan xiisayn, waxa maansada soomaalida magaalooyinka looga jeclaan waayeyna waa arrintaas. Dulucda hadalkayga waxaa ila habboon in aan maansada qoraalka laga dayn, waayo waa bakhaarka ugu weyn ee afkeenna, isla markaas waa in ay dadka afka ku fiican oo aqoonta lihi isku taxallujiyaan in la helo qaamuusyo waaweyn oo afka maansada iyo miyiga ku kaydsan lagu fasirayo. Intaas ka dib ereyada hodanka ah ee afka waa in la geliyaa warbaahinta iyo goobaha waxbarashada, dadka qoraallada curiska ah sameeyaana waa in ay adeegsadaan afka ubucdiisa ee aysan kalmado kooban ku soo gudbin hadalka ay dhisaan. Hawsha ugu adagi waa sidii meelaha ay kalmadaha afku ku kaydsan yihiin looga soo qufi lahaa oo dadka magaalooyinka jooga loogu fududayn lahaa, taasina waxa ay saaran tahay dadka wacyiga iyo aqoonta leh oo ka tiiraayoon kara in uu afku dadka oo jooga dabargo’o.

Afku marka maansadiisa iyo halkudhegyadiisa la daraaseeyo waa luqad xeeldheer oo tacbiiraad sare leh, waxa ayna maansadiisu leedahay miisaanno uu midba mid ka shubaal wacan yahay oo labaataneeye gaaraya. Halkan ugu ma aynu talogelin in aynu maansada luqaddeenna ku daraasayno, ee waxa aynu xoogaa ka taabanayney in uu afkani guud ahaan yahay barwaaqo aan gacanta ugu jirin ciddii dheefsan lahayd oo baylah ah.

Ereyada badan iyo tacbiiraadka sarreeyaa qofka ay dareenkiisa ka buuxaan aad buu uga maskax weyn yahay qofka kalmadaha kooban ku laalaabta, ereyaduna waa qalabka ay maskaxdu adeegsato marka ay fakarayso. Waxa aan malayn karaa haddii afkeenna shaqo run ah laga qabto in aynu ka maarmi lahayn ereyo badan in aynu ka amaahanno afaf qalaad, waxa aanna sidaas u leeyahay siraha hoose oo aan afkeenna ka hayo.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments