Af-Soomaaligu waxa uu baahan yahay badbaadin

A

Af soomaaligu waxa uu u baahan yahay doodo lagu lagu eegayo in uu sii dhimanayo iyo in kale, waxa aynuna eegaynaa waxyaalo dhawr ah.

Dadka soomaalida ah dadka ugu badan oo ay maanta dhegaystaan waa wadaaddada wahaabiyada oo uu hadafkooda koowaad yahay in soomaalida la carabeeyo. Waxa ay aamminsan yihiin in uu af soomaaligu yahay af shaydaan oo ummadda ku hadasha diinta kaga gudban oo ay waajib tahay in soomaalida laga xoreeyo si ay ugu biiraan caalamka carabta. Iskuulaadka ay wahaabiyadu saamaynta ku leeyihiin waxaa laga dhigaa manhaj carbeed oo dhallinyarada ka soo baxdaa waxa ay qalinjebiyaan iyaga oo carab ah, isla markaas magacyada goobaha ka la duwan waxaa laga dhigaa magacyo af carbeed ah ama magacyo wadaaddo carbeed. Afka carabigu waa luqadda kowaad oo weerar ku ah jiritaanka af soomaaliga, waxaana keenaya wacyi gaabnida qofka soomaaliga ah. Aqoon darrida iyo hoosaynta wacyiga soomaalidu waa sababta keentay in wadaaddo wahaabiyo ah oo carabi baaliyoobey iyo aragtiyo dhintay sheegaya la ag dhoobto oo nolosha oo dhan wax laga weydiiyo. Wadaaddada soomaalida waxaa laga madoobeeyey in ay waayaha soomaalida ummad ahaan uga fakaraan iyaga oo aan carab ku xirayn, waxaana la wada og yahay in aysan carab iyo soomaali ka dhexayn taariikh aan ahayn diinta islaamka.

Wadaaddada carabta badankoodu waxa ay diinta islaamka u faafiyaan in ay tahay afkooda, dhaqankooda iyo taariikhdooda oo baahaya, isla markaas kuwooda xagjirka ahi waxa ay aamminsan yihiin in ay carabtu xilliyo hore ummado badan qabsan jireen oo boobi jireen oo addoonsan jireen, waxa ayna rabaan in carabnimadii sidaas ahayd dunida lagu soo celiyo, laakiin caalamka isbeddello waaweyn baa ka dhacay oo taariikh duugowdey dib loo ma soo celin karo.

Wadaadka soomaaliyeed ma uu haysto taariikh uu isagu lahaa oo dunida saamayn ku lahayd ee waxa uu iska xambaarsan yahay fartiimo ay wadaaddada carbeed fareen oo aan ummaddiisa dan u ahayn. Maskaxda wahaabiga soomaaliyeed ku ma ay jirto in uu soomaali yahay oo ay taariikhdiisu tahay midda soomaalida ee waxaa laga dhaadhiciyey ay taariikhdiisu tahay middii carabtii hore, waxa uuna ka boodsan yahay in ay carabtu isaga u arkaan addoon madow oo aan taariikh lahayn oo si riqiis ah loogu adeegto. Haddii la soo koobo soomaalidu carab deris la ma aha oo dhinacyada ay baduhu ka xigaan ma aha ee dhinacyada kale waxaa ka xiga dad madow ah oo ay badankooda af iyo dhiig wadaagaan, waxa ayna leeyihiin af dhawr kun oo sano lagu hadlayey. Haddii ay caddahay in aysan soomaali iyo carab ka dhexayn wax aan diin ahayn maxaa keenaya in la inaga dhaadhiciyo in ay soomaalidu carab yihiin ama noqon karaan? Maxay soomaalidu kaga duwan yihiin turkida, bakistaanta, iiraanta iyo indhoyarta muslimiinta ah oo aan weligood carab sheegan, isla markaas leh afafka iyo dhaqamada u gaarka ah? Diinta islaamka ma waxaa loo keenay in ay dadku muslimiin noqdaan ma se waxaa loo soo dejiyey in ay carab noqdaan? Haddii uu Qur’aanku sheegay in ay aayad Eebbe tahay ka la duwanaanta afafka iyo midabbada dadku maxaa aayaddaas loogu dhaqmi waayey? Labada arrimood ee ay aayaddaasi sheegtay waa aynu kaga duwan nahay carab oo af iyo midab midna la ma wadaagno, waxaana aayadda ku sarbeeban in labadii qolo oo af iyo midab ku ka la duwani ay gebi ahaanba ka la geddisan yihiin.

Xilliga aynu joognaa waa markii uu afka soomaaligu ugu qoraallo badnaa, laakiin qoraallada soomaalidu waxyaalo ayey kaga duwan yihiin qoraallada afafka kale. In aan ka ogahay dunida markii buug la qoro waxa uu qofka qoray u diraa shirkado tayada buugga iyo dadka iibsan kara qiimeeya oo ay u shaqeeyaan dad khubaro ah oo arrintaas ku takhasusay, waxaana sida badan dhacda in ay shirkaduhu diidaan buugaag badan in ay faafiyaan oo waxaa laga yaabaa shirkad hal sano gudeheed kumanyaal buug loo soo diray in ay toban buug keli ah qaadato. Qoraagii ay buuggiisa shirkaduhu diidaan waxa uu u qaataa in uusan buuggiisu lahayn tayo fiican, waana uu iska daayaa oo halkaas ayuu uga haraa. Dhanka soomaalida ma ay jiraan shirkado soomaaliyeed oo buugaag qiimayn karaa, waxaana qoraallada soomaaliga oo daabacan faafiya qofkii qoray oo wax aysan cid garanaysaa baarin madbacad iska geeya inta uu lacagta iska dhiibo ama waxaa faafiya qof kale oo aan isaga dhaamin oo madbacad lacag siiya.

Arrintaasi dhowr dhibaato ayey keentay, waxaana ugu horraysa in uusan jirin buug soomaali ah oo ay cid khibrad iyo aqoon lihi go’aamisey in soomaalida lagu dhex faafiyo, waxaana soo baxay buugaag badan oo oo aan tayo lahayn. Haddii ay jiraan kuwo yar oo u qalmi lahaa in ay shirkad aqoon lihi faafiso waxa ay dhex socdaan boqollaal qashinka lagu dari lahaa haddii khibrad iyo aqoon lagu eego, waxaana meesha ka baxday in la ka la fahmo buugga la akhrisan karo iyo midka aan macnaha lahayn. Waxa kale oo ay kalsooni ay qabi lahaayeen ka maqan tahay qoraayada soomaaliyeed oo qori kara wax tayo leh, waayo ma ay jirto cid aqoon leh oo buugaagtooda faafisay oo waxa ay la heer yihiin kuwa ugu qoraalla liita mar haddii aysan jirin cid aqoon leh oo miisaantey qoraalkooda.

QORMO LA XIRIIRTA:  Afka dhexe iyo aagga dhexe

Dunida shirkadaha buugaagta faafiya iyo qoraayada laftoodu waxa ay leeyihiin qaybo bulshada ka mid ah oo ay qoraallada ka la duwan u qoonteeyaan sida in buug loogu talogalo dhallinyarada, mid loogu talogalo macallimiinta, mid loogu talogalo dabaqadda fakarka, mid loogu talogalo dadka oo dhan, waxa ayna shirkaduhu qiyaasaan dadka akhrisan doona tiradooda oo waxaa laga yaabaa labo buug in mid la daabaco dhowr malyan, midna la faafiyo toban kun. Dhibaatada kale oo buugaagta soomaalida ee uu qof iska daabaco haysataa waa in qofka daabacay uusan garanayn sidii uu soomaalida ku gaarsiin lahaa. Iyada oo wax akhriska soomaalidu uu aad uga hooseeyo ummadaha kale oo ay dad dhif dhif ah buugaagta gataan ayuusan qofka daabacay garanayn sidii uu soomaalidu in ay buugga uu daabacay arkaan ku gaari lahaa. Waxaa laga yaabaa boqolkii qof oo arka in uu mid gadan lahaa sidaasna ay ku gadmi lahaayeen kun buug, waxa aanna kun u leeyahay waa in sida badan buugaagta soomaalida kun mir laga daabaco. Hawsha gaarsiinta ah oo uu qoraaga soomaaliyeed kunka xabbo tuurta ku sito oo uusan helayn cid hal xabbo ka gadata waxaa dunida qabta shirkado qorshayn kara kharashka iyo aqoonta buugaagta dadka lagu gaarsiiyo, waxa ku baxaya iyo waxa ka soo laabanaya, mana uu jiro malaha buug aan soomaali ahayn oo uu qofkii qoray bixiyey lacagtii daabacaadda oo uu isla isagii culayskiisa la daalaadhacayo.

Dunida qofka wax qoraa ku ma uu mashquulo waxa aan ahayn in uu buug qoro oo uu shirkado u diro, dadka wax qoraana ma ay garanayaan sida buugaag loo faafiyo ee waxa ay yaqaanniin sida buug loo qoro, bulsho kastaana waxa ay leedahay dad xirfado badan oo ka la duwan leh.

Dhibaatooyinka aynu ka hadallay iyo kuwo kale sababtoodu waa aqoon darrida ay soomaalidu dhan kasta ka baaba’san yihiin oo aysan dhexdooda waxba ka jirin. Waxaa la oran karaa ”Soomaalidu dhan kasta waa ay ka qaawan yihiin”, wax kasta oo jirana sida arrintaas aynu ka hadalnay bay uga faromaran yihiin, waxa ayna adduunka la joogaan dadyow wax kasta boqollaal jeer cilmiyeeyey oo heerarka aqoontooda iyo shaqadooda aan la suuraysan karin.

Haddii laga soo qaado in dhulka soomaalida ay ku jiraan macdan iyo shidaal badani yaa iska leh macdantaas iyo shidaalkaas? Haddii ay ku muranno dadka dhulka ay degaan ay ku jiraan in ay leeyihiin iyo in ay leeyihiin dadka soo saari kara oo maammuli kara waxa aynaan ku murmi karin in aysan macquul ahayn in la soo saaro soomaalida oo sidan ah, waayo dhinac nolosha ka mid ah oo ay wax uga diyaarsan yihiin ma jiro. Aqoonta maanta la shafeecsado badankeeda waxaa laga hindisey dunida galbeedka oo dadka kale oo dhammi iyaga ayey ka xigteen haddii taariikhda run laga sheego, waxaana jirta aragti gaaban oo ay dadka qaarkood sheegaan in gaalada in laga barto loo baahan yahay sayaniska keli ah sida caafimaadka iyo farsamada, waxaana hadalkaas ka soo noqonaysa dood weyn oo run ah. Sida ay dunida galbeedku noloshooda oo dhan u dhiseen ku ma koobna caafimaad iyo farsamo qur ah, wax aan nolosha looga baahnayn oo dheeldheel ahna sida badan ma ay sameeyaan. Dunida islaamku maanta inta ay dhakhtar iyo injinneer u baahan tahay waxaa ka badan inta ay mufakir u baahan tahay, waxaana dawada iyo mashiinnada maskaxda dadka qaarkood ku koobay waa in ay yihiin maaddi ay caruurtu u jeeddo, halka cilminafsiga bulshadu uu yahay wax aan markiiba ishu qaban karin, laakiin waxaa run ah in warshado la dhiso in ay ka fiican tahay in dad la dhiso. Waxaa jira jaamacado aan caan ahayn oo waaweyneyn oo takhasusyada lagu sameeyaa ay 300 kor u dhaafayaan, waxaana hubaal ah tiradaas in uusan saynisku dhaafi karin 50 ka mid ah. Sayanisku haddii uu yahay wax uu indhokugaraad luhu dareemayo in baahi gaar ah loo qabo dadku waxa ay uga sii baahi badan yihiin in la helo bulsho sida daar dabaq ah u habaysan oo ay xubin walbaa boos ay u qalanto u kallahdo.

Hadalkan haddii la soo koobo ummaduhu sida ay u ka la horemarsan yihiin qof maangaab ahi ma suuraysan karo, waxaa se la yaab leh sida loo ka la xoog badan yahay in aan la isu addoonsan ama la isu iibsan oo dhulka la iska wada joogo, laakiin kolley dadkii aan waxba ogeyn si dadban baa loo addoonsanayaa, waayo waxaa socota in uu masuul kastaa danaha dalkiisa iyo waddamada ay danwadaagta yihiin u dhaarto oo uu meelmariyo inta uu fahanka dadkoodu gaarsiisan yahay, cid kastaana waxa ay khayraadka dhulka oo la ka la hororsanayo ka helaysaa inta ay aragtidooda iyo fiiradoodu u gooyaan.

Af soomaaliga ayeynu ka doodayney ee waxa ay dad badani aamminsan yihiin ama runba ah in af soomaaliga ereyadiisa iyo dhumucdiisu ay miyiga taal oo siiba gobollada qaarkood ku sii fiican yihiin. Xilliyo la soo dhaafay waxaa socotey in madaxda soomaalida iyo dadka warbaahinta ka shaqeeyaa ay ahaayeen dadka miyiga ka soo jeeda, waxa ayna arrintaasi ahayd barwaaqo weyn oo ay ummaddu haysatey, waayo haddii ay madaxda iyo warbaahintu afka hagaajiyaan waxaa laga yaabaa in ay carruurta soo korayaa af fiican bowsadaan.

QORMO LA XIRIIRTA:  Afka dhexe iyo aagga dhexe

Muddo gaaban baa waxaa cirka ka soo degey ayax Magaalooyinka ku koray oo siyaasaddii iyo warbaahintii la wareegey, laakiin inta aynaan ayaxa hoos u sii gelin horta Muqdisho af ama lahjad dheh ee maxaa lagaga hadlaa? Waxaa laga yaabaa magaalada lafteeda in lahjado ka la duwan lagaga hadlo, laakiin dadka badankoodu waxa ay ku hadlaan lahjad malaha xilliyo dhexe samaysantay oo u badan lahjadaha magaalada u dhowdhow oo siiba u sii dhow lahjadaha magaalada koofur ka xiga sida lahjadaha Shabeellada hoose, waxaana jira dad sheega in aan aad loo ka la saari karin lahjadaha Muqdisho iyo Shabeellaha hoose.

Lahjadda intii uusan ayaxa cusubi soo yaacin aad loogu ma fiirsan jirin oo waxaa loo arkey af soomaali ka mid ah luqaddaas guud ee la isku afgarto oo kolley anigu la ma yaabi jirin in kasta oo aan ku arki jirey naxweyaal kharriban sida in aysan lahjadu ka la aqoon ”Keenna” iyo ”Kaayaga” oo sideedaba aysan ka jirin ”Kaayaga” oo ah wax uusan qofka aad la hadlaysaa ku la wadaagin, halka ”Keenna” ay tahay wax qofka aad la hadlaysaa ku la wadaago. Waxaa jira meelo uu af soomaaligu luqado badan kaga hodansan yahay oo afaf kale ayaan lahayn ”Kaayaga”, hodannimada af soomaaliguna yey kaa yaabin, waayo carabiga oo aynu u aragno luqad ballaaran ”Annaga” iyo ”Innaga” ma ka la leh oo waa ”Naxnu” keli ah labaduba. Lahjadda Muqdisho intii aan loo fiirsan jirin la ma ogeyn in ay gebi ahaanba tahay mid kharriban naxwe ahaan, qoraalkan koobanna lagu dhammayn karo ayaxa ummadda ku habsadey oo aan meel looga baxo lahayn ee idaacad walba ku xoonsan. Tusaaleyaal kooban haddii aynu sheegno carruurtu inta aysan 2 sano gaarin bay ka la bartaan ereyada ”Noo” iyo ”I noo” oo ”I noo” haddii aad tiraahdid qofka aad la hadlaysaa waa uu ku la wadaagaa sida ”Waxaa warkan i noo soo diray”, laakiin ”Noo” qofka aad la hadlaysaa shaqo ku mal aha sida ”Waxaa waraaq noo soo diray hebel”. Sida aan u fahmey lahjadda Muqdisho maba laha ”Noo” oo wax kastaa waa ”I noo”. Tusaale kale sidee loo fahmayaa ”Madaxweynaha waa xanaaqey”, ”Wasiirka waa safray”, ”Xildhibaanka waa codeeyey”? Qofkii naxwe af soomaali u eegaa waxa uu u fahmayaa in ereyada ”Madaxweynaha”, ”Wasiirka” iyo ”Xildhibaanka” laga wado qof la la hadlayo oo loo yeerayo, ereyada ku xigana in uu qofka wax u yeerayaa xanaaqey, safray ama codeeyey. Meesha waxaa ku jirta in Muqdhisho aysan soo gaarin risaalada ah in magaca wax sameeya ”U” lagu dhammeeyo, halka magaca wax lagu sameeyo ”A” lagu dhammeeyo oo ”Madaxweynaha waa xanaaqey” waxa ay uga jeedaan ”Madaxweynuhu wuu xanaaqey” oo magac kastaa ”A” buu iyaga ugu dhammaadaa, waxaana jira marar badan oo arrintan darteed aan wax ay sheegayaan la fahmi karin siiba markii ay jumladu dheer tahay. Bal adigu sheeg sida aad u fahmi karid ”Labaatan ciidan baa dagaalka ku dhintay” iyo ”Toban geel baa la dhacay” in kasta oo ereyada ”Baa” iyo ”Ayaa” aysan iyagu halkaas gelin oo u tahay ”Toban gelaa la dhacay”! Oraahaha sidan ahi af soomaaliga waa ay ku badan yihiin, la mana fahmayo ujeeddada haddii aan ereyada ”Ciidan” iyo ”Geel” laga danbaysiin ereyga ”Ah” si uusan macnuhu u noqon in ay dagaalka ku dhinteen labaatan cutub oo ciidamo ka la socda ah. Haddii dadka lahjaddan ku hadla oo sida aynu sheegnay warbaahinta iyo siyaasadda iska buuxiyey khaladaadkooda la taxo dunidu waxa ay idlaanaysaa iyada oo aan kow la joogin, sidii masiibada naxwaha afka ku habsatay la isaga banbaanin lahaana in runta wajiga lagu diiro fursan mayso.

Lahjaddaas ceebeheeda dhafoorka iyo gacantu isku daaleen warbaahin iyo siyaasad badan ha ku faafto ee joqoraafi ahaan haddii ay Muqdisho iyo Shabeelle ku koobnaan lahayn ummadda bil baa u caanoshuban lahayd, laakiin nasiib darro waxa uu cudurku ku faafay gobollada dhexe iyo Puntland oo ay dadka badankoodu maanta naxwahaas khaldan ku hadlaan, la mana garanayo sababta ay gobolladaasi uga tageen afkii saxnaa ee ay ku hadli jireen.

Dhulka keli ah oo inta la hubo aan maanta lahjaddaas lagaga hadlini waa Dawladda Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, Somaliland iyo Jabbuuti oo laftooda laga yaabo in ay mar aan fogeyn ku hadlaan. Haddii ay lahjaddani geyiga wada gaarto waa in la iska daayaa in af soomaaliga naxwihiisa laga fakaro iyo in la qoro oo waa in uu afku noqdo wax lagu wada hadlo ha la isfahmo ama yaan la isfahmine, waayo ma dhici karto in la saxo ama la qoro waxa maanta badi madaxda soomaalidu ku hadasho.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxeexan

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments