Aftahmo iyo afjuxuunsi

A

Qof kasta oo dad la doodayaa wuxuu malaha jecel yahay in uu aftahmo ay guuli ugu soo hoyato leeyahay iyo in uu dadka lidka ku ah afjuxuunsado. Haddaba sidii lagu garan lahaa labadaas arrimood ayuu qoraalkaani inoo lafogurayaa, waxaase ugu horrayn fiican in aynu ogaanno macnaha labada erey ee ”tahan” iyo ”juxuun”. Ereyga ”af” waxaa la moodaa in uu xoogaa iska roon yahay, oo ay dadku maalin kasta maqlaan, waxaase lagu xariiriyey labo kale oo aan jilicsanayn.

”Derrinkaan fariistaba dhulkaan, tahan dalooshaaye”

Waxaa yiri Khaliif shiikh Maxamuud, wuxuuna uga jeedey in uu markii uu meel fariisto dhulka faalin jirey, oo uu ul iyo qori wixii uu gacanta ku hayo ku faarfaari jirey, ka dibna ay meeshii uu faalinayey aad iyo aad u qodmi jirtey. Sidaas waxaa dhulka u qoda dadka sida daran u murugaysan, oo inta ay is illaawaan dhulka xarriiqo ku jeexjeexa.

Haddaba ”aad iyo aad” buu ereyga ”tahan” macnihiisu u dhow yahay, waxaana cad in haddii ”af” laga hormariyo loola jeedo in uu afku aad iyo aad u daran yahay, oo aan loo babac dhigi karin.

”Juxuun” iyo ”guxuun” malaha waa isku mid oo haddii geed salka laga gooyo waxaa meeshii ku haraysa jirrid juxuuman ama guxuuman, waxaana markii ”af” laga hormariyo laga wadaa mindhaa in qof afkiis la juxuumo oo uusan ruuxii afkaas lahaa hadal u bannaanayn ee afka laga jaray.

Afjuxuunsigu ma aha in had iyo jeer qofka si daacad ah loo qanciyo oo doodda xaqiisa u habboon la siiyo ee waa in hadalka laga sirgaxo oo uu galo jahawareer, markaas ka gadaalna laga faa’iidaysto, dabadeedna la maamusho asaga oo liid ah, oo afjuxuusan.

”Harowsi” waa erey ka macne ballaaran afjuxuunsiga, waayo afjuxuunsigu waa harowsiga qayb yar oo ka mid ah, kaas oo aalaaba doodda ka dhex dhasha. halka uu harowsigu yahay dhammaan siyaalaha dadka loo caalleeyo, oo dano aysan ku baraarugsanayn looga fushado ama maskaxdooda wax aan dhab ahayn loogu shubo.

Seddex tusaale ee harowsiga lagu xasuusan karo waxaa ah markii kacaankii Siyaad uu qabiilka xabaalay, markii uu Ismaaciil Cumar Geelle tuulada Carta joogey iyo marka ay wadaaddadu dumarka shukaansanayaan.

Tusaalaha ugu danbeeya waxaa ku jira afjuxuunsi, waayo markii ay wadaaddadu dumarka xodxodanayaan ama ay qabaan waxay ku afgoostaan waxyaalo aysan dumarka masaakiinta ahi ka doodi karin oo sidii la rabo laga yeeli karo.

Markii aad qoraalkaan iyo kuwa ka danbeeya fahamtid waxaa malaha yaraanaysa in lagu afjuxuunsado, waxaana badanaysa in aad adigu ikhyaarta wax afjuxuunsada ku soo biirtid, oo aan inta lagu afjuxuunsado geeliinna iyo boosaskiinna la duudsiyin.

Waagii hore ”aftahan” iyo ”afmiinshaar” waxay ahaayeen isku mid, laakiin Maxamed Siyaad baa qabiilooyinka qaarkood markii uu xukunka boobay ka dib ”afmiinshaar” u bixiyey oo cay uga dhigay, waxaana faddaroobey ereygii oo dhan. Maanta ereygaas markii la maqlo waxaa la dareemaa xumaan, laakiin lixdamaadkii waxaan u malaynayaa in uu ahaa erey la isku ammaano, oo ”hebel waa afmiinshaar” waxay ahayd ammaanta ugu weyn oo qof aftan ah lagu maamuuso.

”Miinshaar” waxaad ka dhadhansan kartaa in laga wado in uu afmiinshaarku leeyahay karti hadal oo sida miinshaarta uu wax ugu goyn karo.

Sida badan waxaa afjuxuunsiga sameeya dad ka aftansan kuwa ay afjuxuunsanayaan ama fursad kale haysta. Aftahmadu waxay aalaaba cuskataa labo arrimood. Midda kowaad waa in uu qofku markii uu hadlayo dareen iyo fakar sare leeyahay. Waa in uu dareemi karo sida ugu sahlan oo uu u qancin karo dadka uu hadalkiisu ku socdo iyo sida ugu qancitaan dhow in uu hadalka u yiraahdo.

Dadka aan aftahmada dareenka sare u lahayni waxay hadalka ka bilaabaan in ay dhahaan, oo waxa ay sheegayaan ma ay dareemi karaan in ay sidii lagu qanci lahaa yihiin iyo in kale, mana ay diyaariyaan waxa ay sheegayaan, haddii ay diyaariyaanna ma ay guulaystaan. Marka aan diyaarin leeyahay ugama aan jeedo in ay aftahmadu ku kooban tahay wax la allifo, ee waxaan uga dan leeyahay in uu aftanku wax kasta oo oranayo dhaqso ama daahid ku diyaariyo.

Luqadda oo dareen fiican loo leeyahay, awood fakar iyo khiyaalida hal-abuurka ayaa saldhig u ah aftahmada. Haddaba waxaa la og nahay in ay jiraan dad badan oo afka aad u yaqaan haddana aan aftahmo lahayn iyo kuwo afka yaqaan oo jidadka hadalka u leh dareen xeeldheer oo ay ugu talaxtagaan, ayna khayaano ku maamulaan maskaxaha dadka oo ay addoonsadaan ummadda inteeda kale. Marka aynu addoonsi leenahay waxaynu uga jeednaa in ay bulshooyinku saf u galaan shineemo, tiyaatar, duwaanno buugaag hadal ah lagu iibiyo iwm.

Awoodda sidaas dadka loogu addoonsado waxaa loo jeedin karaan ”xumaan” iyo ”samaan” waxyaalaha ay dadku u yaqaanniin. Dadka qaar baa hadalkooda la dhegaystaa ayada oo aan la neefsanayn, qaarna markii ay hadlayaan waxaa la jeclaadaa in ay soo koobaan, arrimahaasina waxay ku xiran yihiin sida ay khiyaaliga iyo afka u kala adeegsanayaan in ay kala sarrayso.

Tabarta aftahmada in uu qof kastaa baran karo iyo in ay tahay wax dabiici ah oo dad gaar ah dareenkooda ku samaysan labadaba waa la sheegaa, laakiin ayada oo aan waxbarashada la dafiri karin ayaa waxaa iska cad in ay jiraan dad hibo gooni xambaarsani.

Fakarka iyo humaagyada khiyaaliga ka sokow waxaa aftahmada tiirar u ah luqadda, waxaase arrimahaas oo dhan dugsi u aha xilliga iyo meesha la joogo, waayo guri aan boos loo hayn lama dhisi karo.

Hadalka dadka dareenkooda lagu xukumi karo inta aan la oran waa in la ogaadaa arrinta laga hadlayaa in ay u qalanto dadka ay ku socoto in ay shucuurtooda si habboon u dhaqaajin karto. Dareenka aftahanku wuxuu la socdaa dareenka dadka oo hadalku inta uusan ka soo bixin buu helaa daliilo iyo arrimo uu qalbiyada dadka ku ruxi karo.

Wax kasta oo uu qofka aftahanka ahi ku dhiiranayo wuxuu cuskiyaa sababo iyo salal uu ku fariisiyo si uu dadka u tuso in ay suurtogal yihiin. Daliilaha aftahmada dhisaa in ay run yihiin iyo in ay been yihiin muhiim ma aha, ee waxaa lamahuraan ah in ay yihiin wax ay qaadan karaan dadka lagu wajahayaa, waxayna dadku u kala bixi karaan qaar qanca iyo qaar wiswisa, hase yeeso ee aftahanku waa in uu og yahay heerka ay shucuurta dadku joogto.

Aftahanka dhabta ah waxaa agtiisa macne weyn ka leh arrimo dhawr ah, oo uu aftahmada la eegto, waxayna kala yihiin ”Yaa lala hadlayaa? Maxaa laga hadlayaa? Sababtee loo hadlayaa? Xaggee la joogaa? Goorma ayaa la joogaa? Sidee loo hadlayaa?”. Dadka hugunka iska raaca aftanno sugan ma ay aha, oo aftanku waa uu ka dheeraadaa wax uusan shishadooda u jeedin oo aan u caddayn in uu ku lugdarsado.

Haddii arrin uu hadal ka oranayo waa in uu hubaa waxa ay tahay, sida in ay u caddahay in laga doodayo “Maxay tahay caddaalad?” ama “Waa maxay madaxbannaani?”. Markii uu arrinta sidaas ku hubsado ayuu maskaxdiisa ka daawanayaa sidii uu doodda ugu guulaysan lahaa, oo uu dhegayteyaasha qalbiga uga xadi lahaa, isla markaas uu dadka la doodaya u afjuxuunsan lahaa.

Tillaabada hadalka ugu horraysaa waa in uu aftahanku ku riyoodo khiyaali uu ka daawanayo sidii uu hadalka uu jeedin doono qaybihiisa isugu aaddin lahaa. Qaab uu asagu dareen shishe u leeyahay oo ku habboon dadka uu la hadlayo ayuu hadalka u xardhadaa.

Arrintaan marka laga falanqoonayo waxaa aftahanka lagu metelaa shinni geedo kala duwan wax ay ayadu taqaan ka soo guraysa, oo ay dadku markii ay diyaariso macaanka malabka u boqaan, laakiin aysan garanayn sidii la isugu soo dubbaridey.

Wuxuu aftanku dareemi karaa sida ay in hadalka qaybihiisa la isugu xijiyaa dadka u soo dabi karto, oo tilaabooyinka hadalka wuxuu horqaadaa mid uu dareemayo in ay dareenka dadka soo hormarinteedu sasabi karto, wuxuuna ku sii xijiyaa mid u suurtagelinaysa in hadalka la sii jeclaado.

Dadka ugaarsada oo kalluunka ama ugaarta birriga helaa waxay kala og yihiin noocyada ay rabaan meelaha laga heli karo, oo buuraha badda waxaa ku nool mallay gaar ah, halka moolka caadiga ah laftiisa ay ku kala nool yihiin jaadad kala geddisan ee mallay ahi. Sidaas oo kale birriga geriga, biciidka, goodirka, garannuugta, cawsha, badotaagta, deerada, callayrta, qusleyda iyo golcastu waxay malaha ku kala dhaqan yihiin meelo kala duwan oo uu qofka ugaartaa ugu kala hagaago.

Hadalka laftiisa dad baa sida ugaarta u dabta ama sida xoolaha u dhaqda oo noocyadiisa mid kasta meel u qeexan ugu hagaaga. Marka qof ama koox lala hadlayo waxay aftahannadu hadalka u maraan waddo lamafilaan ah, oo aalaaba bilowga hadalkoodu wuxuu leeyahay dabeecado aysan dhexda iyo dhammaadku lahayn.

Caaradka hadalka waxay ku gabbadaan ereyo aan dantii ay lahaayeen toos u abbaarayn ee ay ugu marmarsiinyoonayaan. Tusaale ahaan qofka aftahanka ahi wuxuu horraanta warkiisa adeegsadaa ereyo guud, oo metelan sidaan ah ”Dhammaan, weligeed, qofna, marnaba, sideedaba”.

Ereyadaas guud wuxuu u weeqaalayaa in ay dadka uu la hadlayaa galaan xero aysan ka bixi karin, si uu ujeeddooyinkiisa ugu sii durko markii uu dadka soo xereeyo. ”Dhammaan” marka uu leeyahay wuxuu dadbayaa in aad adigu si weecsan u dareentid in ay arrintu kugu saabsan tahay.

Haddii aynu jaranjaro yar oo tusaaleyaal fudfudud ah soo qaadanno markii uu aftahanku rabo in uu kuu sheego in aad qabyaaladayste tahay, wuxuu ugu horrayn oranayaa ”Soomaalidu dhammaan waa qabyaalad miiran”. Xeradaas markii uu ku geliyo ayuu wuxuu ku xijinayaa ”Adigu soomaali baad tahay”. Markaas ka dib buu wuxuu dhahayaa ”Qabyaalad miiran baad tahay”.

Qofka afgarooca ahi ma uu garan karo hadalladaas kor ku yaal midka in la hormariyo uu qofka lala hadlayaa ku qanci karo, oo waxaa laga yaabaa in uu ka bilaabo ”Qabyaalad miiran baad tahay”, waxaana dhacaysa ceeb, waayo qofkii oo aan xerada la soo gelin baa lagu dhiirradey.

Bal u fiirso haddii uu qof kugu yiraahdo ”Waa aad dhimanaysaa!”. Markiiba waxaad gelaysaa difaac, laakiin haddii uu hadalka ka soo bilaabo ”Nafleyda oo dhammi waa ay dhintaan”, oo uu ku xijiyo ”Adigu nafley baad tahay”, dabadeedna uu dhaho ”Waa aad dhimanaysaa”. Adiga oo raalli ah buu wuxuu kugu qanciyey in aad dhimanaysid, wax hadal ah oo kuu furanina meesha kama ay muuqdaan, waayo markii hore ayuu xero kugu ooday.

Soomaalida maansooda waxaa ka mid ah qaar dhifdhif ah oo hadalka xeeshaan ugu durki kara ee aan isku qulubqasin. Waxaa jirey rag markii ay qabiil u gabyayaan oo ay qof qabiilkaas ka mid u bisobisoonayaan hadalka ka soo bilaaba jilibka ugu fod qabiilkiisa oo sidii ay u soo durkayaan jilibkiisa soo duljoogsada, dabadeedna shakhsiyaadkii ay u dan lahaayeen magacaaba. Haddii ay qof dad laga laayey kala hadlayaan waxay ka soo bilaabaan midka ugu fog, waxayna ku soo ururaan walaalkiis, si uu hadalka dhammaadkiisu ugu murugo badnaado!

Qaabkaas jaranjarta ah oo aynu soo sheegnay markii uu aftahanku diyaariyo waxaa ku xigta in uu dareemi karo sidii uu hadalkii uu iskuxigiddiisa qorshaystay ugu xardhi lahaa ereyo iyo hawraaro macaan, oo uu dareensan yahay in ay dadka shucuurohooda u qancin doonaan sida ugu habboon. Ereyada iyo hawraaruhu waa in ay aad u qayaxan yihiin oo ay dadka maqlaya oo dhan dareenkooda toos u xuli karaan, oo qiiro loogu riyaaqi karo.

Marxaladdaani waa markii uu aftahanku dadka dareenkooda kicin lahaa. Wuxuu diyaarinayaa daroogadii uu xiska dadka ku sarqaamin lahaa oo ku barxan daliilo uu og yahay in ay uga qaadanayaan, wuxuuna ku gilgilayaa oraaho la socda shucuurtooda oo aysan neefsan karin. Kalsooni iyo jacayl buu dhedhinsiinayaa, wuxuuna u hoggaamiyaa meeshii uu rabo, waayo waa addoomo uu asagu xero ku ootay, oo sida uu asagu rabo ayey madaxyada u ruxayaan!

Ogow waxa aynu weli ku jirnaa isdiyaarin ee aftahanku weli ma uu hadlin! Imminka ayuu aftahanku wixii uu diyaariyey ku hadli karaa, waxaana laga yaabaa in ay dadka qaarkood moodaan in uu aftahanku u baahan yahay xilli dheer oo uu hawlahaas ugu diyaargaroobo! Haddaba wakhti waa loo baahan yahay, laakiin wuxuu ahaan karaa hal ilbiriqsi, wuxuuna noqon karaa cabbaar dhan, oo waxaa kala dheereeya kartiyaha ay dadku aftahmada ku maalaan xawaarohooda.

Waxaynu soo ogaanney in uu hadalku ka bilowdo in la helo mawduuc laga hadlo oo dadka dareenkooda saamaynaya, waxaana halkaas ka cad in uu aftahanku yahay qof ay ku soo dhici karaan arrimo xiiso ama dhibsasho ama si kale loogu qanci karo. Qancitaan marka aynu leennahay waxaynu uga jeednaa in si qayaxan loo fahmo arrinta laga hadlay ee ma aha in uu qofka lala hadlayaa ku farxayo hadalka keli ah.

Waxaa kale oo inoo caddaatay in xubnaha uu hadalka taxani ka kooban yahay sida la isugu xijiyaa ay tahay aftahmada marxaladdeeda labaad, oo xubiniba midda kale ay ku kordhiso dareen aan la heleen haddii xubin kale lagu xijin lahaa.

Ereyada iyo tuducyada xubnaha hadalka loogu lebbisayaa waa darajada saddexaad ee uu aftahanku isku hawlo, oo waxay la socdaan hadalka. Haddaba ereyada iyo jumlooyinka hadalku in la saxo keli ah macaan kuma ay yeeshaan, ee waxaa jira xeelado kala duwan oo uu dhadhanka hadalku ku kala sarreeyo.

Sixitaanku waa waxa ugu horreeya, laakiin maxaa sixitaan ah? Ma naxwaha ayaa ah? Waxaa jira hadal naxwe ahaan ku saxan oo haddana khaldan, waxaana tusaale ah hadal aan internetka mar ku arkay oo aanan qofkii qoray xasuusan, kaas oo sidaan ahaa: ”Madaxweyne hebel baa markii uu ciiddii dadka u khudbeeyey ka dib gurigiisa u huleelay”!

Hadalkaasi naxwe ahaan uma khaldana, laakiin waxaa dhaawacay in uu qofkii qoray islahaa hadalka qurxi, dabadeedna uu ereygii ”aadid” oo uu yaqiin booskiisa balaaqo kaga doonay ereyga ”huleelid” oo uusan si fiican u aqoon. Bal ereygaasi gabay uu ku jiro oo Cali-Kogay Sugulle niman beer ay lahaayeen laga duudsiyey uu waa danbe u tiriyey aynu eegno halka uu kaga daray. Wuxuu nimanka ugu soo gabbaday in uu geelooda ku halqabsado. Beerta magaceeda waxaa la oran jirey ”Hal qalloocan”, waxaana mirihii Cali ka mid ahaa:

  • ”Hunguri bayga galay qaalmo aan, soo hareermaraye
  • Haddaan horin ka goostaan, Dulmadow igu haliileene
  • Kii kaloo hingaarnaana waa, haadmasugihiiye
  • Halqalloocan baa ugu hilnayd, haynta xoolaha’e
  • Ayadana rag baa ka hantiyoy, uga huleeleene”

Meesha uu Cali Sugulle ereyga geliyey waxay muujinaysaa in ay ereyadu xaq weyn ka mudan yihiin qofka aftahanka ah, oo aan meel kasta kalmadaha la isaga tuurin. Ereygaasi wuxuu khusayn karaa dad dagaal ama dood lagu quusiyey, oo ayaga oo cagojiid iyo caalwaa la dhaqaaqi waayey meeshii ka taga.

Cali-Kogay Suggulle waa nin ay aftahmadiisu aad ugu fog tahay marxaladda danbe oo aynu ku sheegnay in ereyada iyo tuducyada xaq weyn la siiyo si dadka loo qanciyo. Waxaa jira gabay uu ka tiriyey mar uu gaadiidkii ka dhammaaday, oo uu niman ay xigto yihiin ugu duurxulayey, waxaana ina deeqa in aynu afar mir oo ka mid ah eegno sida uu Cali ugu durki karey macaaninta ereyada iyo cabbiraadaha:

  • ”Wuu iga xayeesiyey duqii, xaaska hayn jiraye
  • Intaan labo xab soo saaray buu, xeebta joogsadaye
  • Xayn bay dabtaan wiilashii, ii xigto ahaaye
  • Aniguna sidii tuug xillaan, xarigga duubtaaye”

Xarigga awrta lagu hoggaamiyo labo jeer ayuu ninka sitaa qarsadaa, waana marka uu tuug yahay iyo marka uu xishoonayo oo ay baryada uu gaadiidka ku doonayaa la foolxun tahay. Midda kale tuuggu xariga meel gooni ah uma uu sito, ee wuxuu rabaa in uu helo awr dagan, oo uu xado. Sidaas oo kale ninkii ay dadka xigtadiisa ahi gaadiidka ka qadiyaan xarigga meel uu u sito ma uu yaqaan.

”Dabasho” sida caadiga ah waa in awr la isku xariiriyo, laakiin markii hoos loogu sii dego waa in awr caddaysin (aan rarnayn) ah lagu xariiriyo awr raran, oo haddii aad maqashid ”Afartaas rati waa la dabaa” macneheedu waa in ay yihiin kuwo aan loo baahnayn in la rarto.

”Xab” waa sibraar oo badanaaba ah harag ari oo biyaha lagu shubto, waxaana aalaaba awrta lagu dhaamiyaa markii ay caatoobaan oo ay haamaha qaadi kari waayaan, waase meeshii ay haamo ka jiraan. Xeebta badda maaddaama uusan dhul ka shishayn waxaa cad in uusan ratigu meeshii uu ceelku ku yiil ka dhaqaaqin markii uu joogsadey.

”Waa uu joogsadey” loogama jeedo joogsiga la isla yaqaan, ee waxaa la isticmaalaa markii ay nafleydu macaluul ka dhaqaaqi weydo, waxaana si cad u sheegaya ereyga ”xayeesiyid” oo mirahaan Cali horraanta kaga jira. Xeebtu sida badan waa bacaad oo sawirka meeshii uu awrku joogsadey laga bixiyey waxaa ku sii duugan murti kale oo socodka xoolaha weyda ah ku saabsan.

Sida korontadii bay u qabanayaan ereyada iyo cabbiraadaha Cali Sugulle qofkii afka ku fiican, waxaana keenay dareenkiisa aftahmo in uu xoog badan yahay.

In aftahmada dadka lagu qanciyo tilmaamahaas aynu soo sheegnay waxaa weheliya kuwo kale, oo muhiim ah. Haddii aftahmo la qoro iyo haddii raadiye laga sheegayo iyo haddii telefishin laga daawanayo oo laga maqlayo iyo haddii qofka aftahmoonayaa uu ku horjoogo kee baa aftahmada lagu qanci og yahay?

Aftahmo qoran haddii labo qof midba mar loo dhiibo oo ay si fiican raadiye uga akhriyaan waxaa hubaal ah in ay kala weynaanayaan saamaynta iyo qancidda dhegeysteyaashu. Haddaba halkaas waxaa laga ogaanayaa in codadka dadka iyo qaabka ay hadalka isu raacraaciyaan ay aftahmada qayb weyn ka tahay.

Markii raadiye la dhegaysanayo looma jeedo qofka hadlaya wajigiisa iyo dhaqdhaqaaqiisa jirka, laakiin telefishinka waxaa muuqda qofkii oo hadlaya. Sidaas awgeed haddii aftahmo qura laga soo wada daayo raadiye iyo telefishin waxaa u dhexeeya farqi weyn xagga saamaynta iyo qancinta dadka. Waxaa arrintaas keenay in uu muqaalka jirka qofka aftahmoonayaa qayb aad u weyn ku leeyahay tayada aftahmada.

Telefishinka waxaa aftahmada uga tayo fiican in uu aftahanku ku horjoogo, oo uu weliba kugu dhow yahay, waayo shucuurta dadku markii ay isla joogaan aad bay isu saamaysaa. Nin soomaali ah baa wuxuu noo sheegay in uu marmar la joogey Khaliif shiikh Maxamuud oo gabyaya, wuxuuna sheegay arrin xoojinaysaa hadalkeennaas.

Wuxuu sheegay in uusan u adkaysan karin in uu horjoogo Khaliif oo gabay marinaya, wuxuuna inta uu ka tago hadhow dhegaysan jirey cajaladaha la duubo intii uu maqnaa. Wuxuu caddeeyey in uusan awood u lahayn in uu dhegaysto ilaa tayada aftahmada qaar la dhimo, oo markii ay aftahmadu kafool-kafool tahay wuxuu sheegay in uu ka baqayey in uu suuxo. Intaas wuxuu ku daray in uusan awoodi karin in uu indhaha u dhammeeyo wajiga Khaliif oo gabyaya, oo uu inta uusan tegin hoos fiirin jirey, si uusan u suuxin!

Sida uu codku yahay iyo muuqaalka jirka ee qofka aftahmoonaya waa labada wax oo ugu waaweyn koruqaadidda tayada afmaalnimada, waxaana laga yaabaa in ay qaybta ugu weyni tahay dhaqdhaqaaqa jirka iyo shucuurta ka muuqata qofka aftahmoonaya.

Waxaa jira qof markii uu dadka soo eego ay asaga oo aan hadlin qoslaan iyo mid ay dareemaan in aysan waxba ka diidi karin. Sidaas darteed qofku sida uu u abuuran yahay cod iyo muqaalba waxay codkarnimadiisa ku leedahay macne ka weyn inta ay ku leeyihiin iskudubbarididda iyo ereyadu. Codadka dadka muusigga ku dhafani wuxuu u kala duwan yahay sida cirka iyo dhulka.

Qofka aftahanka ahi markii uu hadlayo haddii uu baqayo ama uu filayo in aysan dadka dhegaysanayaa fahmayn ama ay neceb yihiin oo ay xasdayaan waxaa laga yaabaa in ay kartidiisa cod iyo middiisa kaleba hoos u dhacaan. Arrintaasi waxay ku xiran tahay qofka dadnimadiisa oo qaarbaaba aftannada ka hela in ay had iyo jeer sheegaan wax lala anfariiro! Waxaynu hore u soo sheegnay in aysan qancintu ku koobnayn in dadka laga farxiyo ee ay noqon karto in laga shakisiiyo ama laga nixiyo, waayo qofka naxsani wuxuu ku qancay in uu naxo.

”Hebel si fiican buu u hadlay” maxay tahay? Dadka qaarkood waxay ka eegaan in uu qofka hadalkiisu waafaqay aragti ama mabda’ ay ayagu qabaan, sidaas darteedna waxay fiicnaan uga jeedaan in uu wax niyaddooda ku jirey oo ay rabeen ka sharqamiyey!

Kuwa sidaas ahi haddii ay arkaan ama ay maqlaan qof sheegaya wax aan aragtidooda ama diintooda waafaqsanayn waxay dhahaan “Si xun buu u hadlay”. Tusaale ahaan haddii ay kuwaasi yiraahdaan “hebel waa nin gabay xun” waxay ka eegeen in uusan fakraddooda gaaban ku raacin ee cilmi ahaan uma ay baarin kartidiisa hal-abuurnimo!

Dadka noocaan ahi xagga aftahmada waxay kaga jiraan mugdi, mana ay garanayaan waxa ay tahay fiicnaanta hadalku. Tilmaamihii aynu ka soo sheegnay hadalku kuma ay xirnaan karaan aragti iyo diin, waayo qof tilmaamahaas leh baa toban sannadood oo isku xiga wuxuu midba haysan karaa aragtiyo kala duwan iyo diimo kala duwan. Sanad kasta oo tobankaas sano ka mid ah wuxuu leeyahay isku tilmaan oo waa in uu yahay “Aftahan”. Waxaynu uga jeednaa haddii uu Aftahan SNM ahi ku biiro USC waxba iskama ay beddelayaan kartidii uu u dhashay xagga aftahmada.

Dad kale oo kuwaas caaqyada ah oo aynu kor ku soo sheegnay aan waxba dhaamin baa jira, waana kuwo u qaba in ay aftahmadu tahay hadaltiro! Waxaa maqlaysaa kuwo yiraahda ”Alla ninku aftahansanaa! Wuxuu hadlayey lix saacadood”! Kuwaas ku dheeraan mayno, waayo waxay illaaween in ay jiraan shinbiro markii ay qorraxdu dhacdo inta ay ci’ bilaabaan uu waagu baryo ayaga oo weli fooryaya!

Waxaa jira dadka qaar aftahmada ku qiimeeya sida ay dadku qabiil ahaan ugu kala xigaan, oo aan qofka codkarnimadiisa dareemi karin haddii uusan tolka ahayn! Waxaa kale oo jira kuwo aan dadka u dhow aftahmadooda dareemin ee dhulal kale wixii looga soo sheego laabraaca. Haddaba waxaas oo dhammi aftahmada ma ay khuseeyaan ee waa caaqnimo iyo liidnimo, waxaana sidaas u fakara dadka aad uga dhimman xagga caqliga oo xoolaha u macne dhow.

Calaamadaha hadalka loogu riyaaqaa waa ay u kala duwan yihiin dadka, oo qofba midka uu ka caqli yar yahay wuxuu ka sii xigaa in uu aftahmada ku qiimeeyo aragtiyaha la kala qabo iyo qabiilooyinka ama dalalka laga kala yimid.

Aftahmada iyo hadalku ayaga ayaa ah wax jira oo leh xushmad iyo xeerar ay gaar u leeyihiin oo la siiyo, oo haddii uu afgarooc aad isku aragti tihiin hadlo waa in aad oran kartid “Si xun buu u hadlay”, halka aad aftahanka aan kula aragtida ahayn ku dhiirran kartid “Si fiican buu u hadlay”.

Qofkii aan lahayn aqoon uu ku qiimeeyo aftahmada iyo wanaagga hadalku waa in uu iska aamuso oo uusan ka hadlin fiicnaanta hadalka oo uu ku gaabsado “Isku diin baannu nahay hebel” ama “Isku qabiil baannu nahay hebla” ama “Isku xisbi baannu nahay hebel, waana ku raacsanahay fakraddiisa”, haddii kale wuxuu ku xad-gudbayaa wax weyn oo ah tilmaamaha aftahmada iyo fiicnaanta hadalka.

Dareenka aftahanku kuma koobna in uu hadalkiisa diyaarsan karo keli ah ee waxaa u weheliya “afjuxuunsi”, oo dadka ka soo horjeeda wuxuu dareemi karaa in aysan garanayn humaagyada hadalka, oo ay u dhisayaan si liidata. Isla markaas wuxuu dareemi karaa aftahanka asaga u dhigmaa sida uu u gaadayo iyo sidii uu gaashaanka ugu daruuri lahaa.

Marka aynu arrintaan ka hadlayno waa in niyadda lagu wada hayaa in aysan aftahannadu murmin ee ay aftahmoodaan, oo sida doodda loo kala helaa ma aha jariibban ee waa qaab waafaqsan cilmigii aynu soo aragnay oo lagu kala harayo.

Qofka aan aftahanka weyn ahayn waxyaalaha ugu waaweyn ee lagu afjuxuunsan karaa waa in su’aalo dhadhan fiican laakiin kharbudaad ah laga geliyo meelaha uu hadalkiisu ka daldaloolo, waxaana daldaloolkaas daalacan kara aftahanka. Su’aalahaasi waxay keenayaan in uu isku buuqo iyo in ay dhegaysteyaashu ka aammin baxaan, oo ay aftahanka la jirsadaan.

Aftahanku markaas guul iyo liibaan buu dareemaa, wuxuuna ku sii durkaa sidii uu dadka u addoonsan lahaa, oo wuxuu weerar halis ugu duqayn lahaa ujeeddooyinka lagala soo horjeedey, waayo cadowgii indhosarcaad baa ku dhacay, dhegaysteyaashiina gacantiisa ayey soo galeen.

Waa in uu cadowga mayd-garaaco, isla markaas uu dhegaysteyaasha sii sarqaamiyo, wuxuun markaas sidii uu rabey u qalloociyaa su’aalihii uu cadowga ku kharbuday jawaabohoodii, isla markaas wuxuu xididdada u siiba oo afka ka juxuumaa wax kasta oo ay wateen dadkii la doodayey.

Markaani waa wakhtiga uu aftahanku aad u raaxaysto, waayo wuxuu hadba hoos u eegayaa cadowgii la doodayey oo ilmirigle ah oo afjuxuunsan, wuxuuna dhegaysteyaasha ka dareemayaa in ay ujeeddadiisa u dhamayaan sidii caano dhay ah!

Sir baa fashilantay! Waa sir aad isku ogaan kartid in aad aftahan tahay iyo in kale. Adiga ayaa naftaada imtixaan ka qaadi kara si aad arrintaas u ogaatid. Teer iyo markii aad caqlisatay waxaa qabtey dhibaato! Dhibaatadaas cid kaaga garawda ama kula fahamta ma aadan la kulmin, haddii aad la kulantayna ma ay badna dadka kula fahmey, oo waxay ummaddu kuu arkaan marka aad ka hadlaysid qof qarwaya!

Haddaba dhibtaasi qofka ay haysataa waa aftahan dabiici ah, oo haddii uu adiga yahay ku seexo in aad aftahan tahay, haddii kalena ka seexo in aad aftahan tahay. Waa maxay? Waan in aad dadka badankooda hadalkooda dareentid in ay jirto si kale ka fiican sida ay u oranayaan oo ay geesmarayaan quruxdii hadalka.

Haddii aad kala garan kartid dadka hadalka quruxdiisa soo saara iyo kuwa iska damagsada, laakiin aadan garanayn kuwa damagsanayaa qaab ay seegeen oo sida laamigii kuugu muuqda aftahan ma ahid!

Haddaba kuwa hadalka dhamayska ah iyo midka dhiciska ah kala yaqaan, laakiin aan hadalka dhiciska ah dhammays ka dhigi karini maxay kaga duwan yihiin dadweynaha aysan waxba u kala soocnayn? Xagga hadalka dadku waxay u qaybsan yihiin dhawr ummadood, oo tusaalahaan hoos ku qorani uu kala saarayo.

Sakeel ama baaldi ay kaadi dameerood ka buuxaan iyo mid ay caano geel ka buuxaan iyo mid uu barafuun ka buuxo iyo mid ay xareedi ka buuxdo haddii loo keeno afar qof oo uu mid lixdiisa lixaad qabo, midna uu indho la’ yahay, midna uu indho iyo san la’ yahay, midna uusan carrab, indho iyo san lahayn oo ”Ku weesaysta!” lagu yiraahdo wuxuu malaha midka aan carrabka, sanka iyo indhaha lahayni ku weesaynayaa barafuunka ama kaadida, mana uu kala ogaan karo weesadii in ay u ansaxday iyo in uu faddaroobey!

Haddaba midka lixdiisa lixaad qabaa biyaha iyo caanaha waa uu kala garan karaa, oo la iskuma hayo in uu biyaha ku weesaysanayo, hase yeesho ee waxaa laga yaabaa in uusan aqoon sida biyaha ceelasha looga soo saaro.

Midkaas shaqo fiican ayaa loo hayaa, waayo lixdiisa lixaad ayuu qabaa oo waa uu xammaalan karaa. Waa qofka hadalka tayadiisa dareenka fiican u leh, laakiin aan asagu hadal tayo leh abuuri karin. Wuxuu ka shaqayn doonaa in uu kuwa aan indhaha, sanka iyo carrabka lahayn u kala sheego biyaha iyo kaadida! Ka warran haddii adiga oo caano ku weesaysanaya lagaa akhriyo internetka ama BBC lagaa maqlo adiga oo ku qubaysanaya kaadi dameerood?!

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

Aragtidaada kudar qormadan

avatar