Akhlaaqda iyo Diin la’aanta

A

Qolyaha diimaha rumaysan si guud gaar ahaan kuwa Ibraahimiyada waxay aaminsan yihiin in diintu ay saldhig u tahay akhlaaqda, si kale haddii aan u dhigo waxay aaminsan yihiin in wixii ay diintoodu xumaan ku tilmaantaa ay xun yihiin wixii ay wanaajisaana ay wanaagsan yihiin, xumaanta iyo wanaagguba agtooda waa wax ay kitaabo la qoray qarniyo hore kasoo dheegtaan balse maaha mid ay garaadkooda ku kala sooci karaan.
Qofka Muslimka ahi wuxuu meesha ka saaraa oo inkiraa adeegsiga caqliga, wuxuuna aaminsan yahay naska ama aayadda Quraanka ahi inay ka mudan tahay caqliga (النص قبل العقل), aayadda haddii caqligu diido iyo hadduu yeelaba mar walba waxay qaataan oo hormariyaan aayadda. Muslimiintu waxay aaminsanyihiin in akhlaaqdu tahay wax Illaahay soo dejiyey, waxayna diyaar u yihiin inay sameeyaan waxkasta oo xumaan ah haddii kitaabkoodu sax ama wanaag u arko.
Culimada Islaamka badankoodu qofka muslimka ah ee caqliga adeegsada ama kahor mariya dhigaalada Islaamka waxay ugu yeedhaan Caqlaani waana gaalaysiiyaan, qofka jaahilka ah ee indho la’aanta ku liqa wax walba oo loo sheegana waxay ugu yeedhaan mu’min.

Qofka Muslimka ahi wuxuu ku cel-celiyaa hal waydiin mar walba uu la doodayo dadka diimaha ka talo baxay taasoo ah; maxaa diideya inaad waalidkaa fuusho ama ehelkaaga haddii aadan diin haysan? Qofkaasi wuxuu is hilmaansiinaya in diintiisu sida ay qabto dadku kasoo jeedaan Aadan iyo Xaawo caruurtoodii is-guursatey, ilma nebi Aadan iyagoo walaalo wada dhashay ah ayay isu galmoodeen, tolow taasi miyaanay agtiisa ka ahayn xumaan ama akhlaaq darro?

Kala garashada xumaanta iyo wanaaggu waa dareen ku abuuran dadka oo dhan, aklaaqahaasna qaybo kamida nolosha iyo waqtiga ayaa baray dadka, ma jirto diin iyadu keentay akhlaaq gaara balse dhaqamo ay u arkayeen inay wanaagsan yihiin oo deegaankooda ka jiray ayay dhiirri galiyeen, mana jiro halbeeg wanaagga iyo xumaanta u dejisan oo ay diimaha oo dhami isku raacsan yihiin, waxa suuragal ah shay akhlaaq xumo ka ah Islaamka inuu dhaqan wanaagsan ka yahay Kiristanka ama diin kale.
Qofka aan weligii akhrisan kutubta diimahan la qoray xilliyo ay aqoonyarida iyo xadgudubka xuquuqda insaanku baahsanaayeen kama dhigna inuu yahay bahal dad cun ah oo ka arradan akhlaaqda wanaagsan.

QORMO LA XIRIIRTA:  Baratanka Alshabaab

Nabi Maxamed waxa uu guursaday gabadh yar oo lix jir ah, dumar kale inta uu raggoodii hortooda ku diley ayuu isla goobtii iyagana kula seexday halka kuwo kalena ka barakiciyay hoygooda amaba addoonsaday, waxaasoo dhammi si ay wanaag agtaada uga noqdaan waa inaad adeegsiga caqliga ka tanaasushaa oo aad ku bedeshaa aayad ama xadiis dhaqan xumadaas wanaag ku tilmaamaya.

Waxa xun iyo waxa wanaagsan uma baahnid in cidi kuu kala sheegto, kala garashada xumaanta iyo wanaaggu waa dareen kugu beeran, haddii aad u baahantahay kitaab kuu kala sheegaya xumaanta iyo wanaagga oo aanad lahayn garashadii ama dareenkii aad ku kala saari lahayd waad jirran tahay oo waxa habboon in dadka lagaa qabto maadaama haddii aad ka tagto diintaada aad bahal isu bedelayso.

Haddii aynu dhahno wanaagga iyo xumaanta waxaa laga soo dheegtaa kutubahan loo tiiriyay ilaah, saw ma mudna inaan is waydiino diimuhu ma noqon karaan saldhigga akhlaaqda? Wixii aan diinta ku jirin ama aanay kaa reebin saw micneheedu maaha waa bannaan yahay?

Dadka diimaha rumaysan si guud waxay isku xidhaan xumaanta iyo diin la’aanta iyagoo leh qofku haddaanu diin lahayn maxaa diidey inuu siduu rabo sameeyo? Qofka muslimka ahi waa qof ka cabsanaya awood sare oo aan jiritaankeeda la hubin, awooddaasi haddey meesha ka baxdo qofkaasi wuxuu doono ayuu samaynayaa. Wanaagga iyo xumaanta qofka muslimka ah ama si guud dadka diimaha rumaysan ka timaada waxaa asal u ah cabsi.

Akhlaaqda qofka laguma qiimayn karo lebiskiisa, midabkiisa iyo diintiisa. Inaad xijaab teendho madaw oo kale ah ku dhex jirto micneheedu maaha inaad akhlaaq leedahay. Wadaadka gadhka wayn ee ubadka dhallaanka ah dugsiyada quraanka ku jidh dila ama wadaadka kaniisadda ee caruurta kufsada maxay diintiisu uga reebi waydey? Muxuu qof wanaagsan oo naxariis leh u noqon waayey?

QORMO LA XIRIIRTA:  Soofaynta Maskaxda Bulshada Soomaalida

Diintu waa xeerar ay samaysteen dadyow inaga dhaqan iyo fikir duwanaa kuwaaso noola qarniyaal badan kahor, dadkaasi waxay ku noolaayeen tuulooyin yar-yar oo qofka wax xada, galmo sameeya ama kaadi taga la ogyahay oo la arko. Xeerkii waagaa loo sameeyey in lagu dhaqo tuulooyin sida Madiina iyo Makka oo kale ah laguma dhiqi karo Muqdisho iyo New York oo aan dad ahaan iyo baaxad ahaanba is aqoon.

Qofka diintu kama dhigto qof wanaagsan oo akhlaaq leh balse waxay ka dhigtaa qof xun oo isu haysta inuu wanaagsan yahay. Qofka muslimka ah inuu haweeney addoonsado qasabna ugu galmoodo wuxuu u haystaa inay wanaag tahay danteeduna ku jirto.

Qofka muslimka ahi wuxuu wax walba ka horreysiiya aayadda ama xadiiska. Xumaan hadduu ka joogo waxay ka tahay fulaynimo ama cabsi uu ka baqayo awood loo sheegay inay xagga sare kursi dhigatay, wanaagga haduu sameeyo uma samaynayo damiir dadnimo ee abaal-marin ayuu ku raadineyaa noloshiisa oo dhan waxay ku dhisan tahay wax is dhaafsi. Haddii diintu akhlaaqda masdar ama il u tahay maxaa keenay in wadamada diimaha aadka ugu dhagani ku liitaan dhinaca xuquuqul insaanka iyo xorriyaadka? yaase ka masuul ah akhlaaq xumooyinka baahsan ee ka jira dhulkaas?

Diin la’aantu maaha in wax walba oo xumaan ahi bannaan yihiin balse waa ku dhiirashada adeegsiga garashada. Qofka diinlaawaha ahi uma baahana inuu wanaagga muxaadiro ka dhegeysto ama kitaab waaya hore la qoray ka akhristo. waa qof aaminsan in wanaaga iyo dadnimadu ku beeraan yihiin waana qof aan cabsi darteed xumaanta uga joogin balse isagu go’aansaday inaanu xumaan samayn isagoo aan cidna ka baqayn, wanaagga uu sameeyana aan abaal-marin ku raadineyn balse aaminsan inuu yahay waajib dadnimo oo saaran.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
2 Comments
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
jiike
jiike
2 Sano Kahor

walaal qore -Khaled Hassan-, waan ku salaamayaa. waxaan ahay ruux Muslim ah.hadaa ka faaloodo qormadaada. 1. kala garashada xumaha iyo samaha ruux walba wuu ku dhashaa, waa sax. laakiin su’ashu waxay tahay yaa ku abuuray qofkaa garaadka kala garashada xumaha iyo samaha?. Toyota waa Jaban, BMW waa Germany, adiga iyo aniga iyo bini aadamkana yaa na sameeyay?. micnahayga ma shaki baa kaaga jira ineey awood sare jirto?. Hadaad aaminsantahay wax diin la dhoho ineey jirin, taa macnaheedu waxa weeye awood sarena ma jirto. hadaba su’aashu waxa weeye, hadii shaar aad xirantahay uu yahay made in Eurpe , kabahana Australia ma… Akhri faalladan »

Idiris mustafe
Idiris mustafe
1 Sannad Kahor

Mahadsanid sxb qofku inuu wanaagsan haddii uu diin aaminsan yahY

W/Q: Khaled Hassan