Qolyahani waxa ay ka simanyihiin in ay meesha ka saareen in xad u dhaxeeyo Alle iyo inta kasoo hartay. Waqti aanan sidaa usii fogayn baan soo qoray su’aal u dhignayd, ‘Allaah iyo abuurkiisa halkee ayaa xuduud u kala ah?’ Waxaa suuragal ahayd in dad badani aysan si qoto dheer u eegin su’aasha amaba ay la yaabeen, balse xaqiiqda ayaa ah in haddii la isku dayo in lakala sooco Alle iyo inta kale ay dhacayso in lasii kala sooco waxa Alle ah. Tusaale, Alle haddii uu gacan leeyahay iyo maskax (inkastoo gacanta iyo maskaxdu aysan ahayn teena oo kale), gacanta ma Alle bay noqonaysaa mise abuur ayay noqonaysaa oo maskaxda ayaa noqonaysa sadhigga ‘Allenimada’.
Arrinta kale ee ay qolyahani daaqadda ka saareen ayaa ah in uu Alle tiro yeesho, oo la yiraahdo hal Alle ama labo Alle. Alle marka loo yeelo tiro gooni waa uu ka cukanyahay marka uu tirobeel yahay. Maxaad ugu baahantahay in aad tiraahdo hal Alle ayaa jira, maxaadna ula jeedaa marka aad leedahay, ‘hal Alle ayaa jira’? Adeegsiga tirada waxaa dhaliya sabab, sababaha dhaliyana waxaa ka mid ah in waxa la tireeyay ay leeyihiin saldhig iyo bar bilaw ama in ay jiraan/jiri jireen waxa la tireeyay wax la mid ah.