Alle-diidka Soomaalida ee la kulma hanjabaadaha dilka ah

A

Soomaalida Alle-diika ah ee ku nool qurbaha ayaa sameeyey group Facebook ah si ay u naqdiyaan diinta bulshadoodu aaminsan tahay ee islaamka, laakiin waxay inta badan la kulmaan hanjabaado dil, ayay qortay wariye Layla Mahmood.

“Waan ku dili doonnaa. Waan ogaan doonnaa halka aad ku sugan tahay. Madaxa ayaana kaa jari doonnaa” ayaa ka mid ahaa hanjabaadihii Ayaanle, oo ah Alle-diid Soomaaliyeed oo ku nool Canada, loo soo diray.

“laakiin taasi waa wax iska caadi ah,” aasaasaha group-ka ‘True Somali Freedom Page (TSFP)’ ayaa si kaftan ah u yiri isaga oo ka hadlaya hanjabaadaha dilka ee buux dhaafiyay sanduuqiisa farriimaha.

Group-kan caanka ah ee Facebook, oo ay xubno ka yihiin dad kor u dhaafaya 80,000 xubnood, ayaa u badan Alle-diid, ama “Muslimiin hore”, sida ay jecel yihiin in loogu yeero.

Bilowgii waxa loo abuuray group-kan si uu u noqdo madal nabdoon oo soomaalida diinta ka baxday uga doodaan arrimaha diinta balse immika wuu ka sal-ballaartay sidii hore oo waxa uu qayb wayn ka yahay dhiirri gelinta dhammaan noocyada xorriyadaha dadka soomaalidu ka arradan yihiin, waxa uu hoy u yahay cid walba oo dareemaysa inay dhaqankii ka jan-jeedhsadeen ama ku xadgubeen oo rajada inay bulshadu aqbashaana libidhay.

Man looking at a computer screen

Laga tuuray group-yo Soomaaliyeed

Qiyaastii sannadkii 2016, Ayaanle wuxuu ka dul dhacay group Facebook uu filayay inuu yahay gole lagu doodo oo xorriyad hadal ka jirto.

“Waxaan galay dood ku saabsan diinta, qof walbana xanaaq dartii ayuu ku sigtay inuu qarxo. Way i faquuqeen. Waxay i dareensiiyeen sidii inaan qof dilay. ”

Waxaa si dhakhso leh looga saaray group-ka, waana arrin ku dhacda qof walba oo golayaashan ku soo bandhiga aragtiyo liddi ku ah dhaqanka ama diinta soomaalida.

Goob ay xorriyadi jirto

Ayaanle ayaa markaa dareemay in wadada kaliya ee u bannaani tahay in la abuuro madal cusub, oo leh xeerar cusub.

Waxaan doonayay in TSFP uu noqdo meel ay dadku xor u ahaan karaan in ay yiraahdaan wax kasta oo ay jecel yihiin.

Arrimaha ku dhaliyay Ayaanle inuu qolkan sameeyo waxa kamida ahaa ogaalkiisa in doodaha la xiriira diimaha ay bulshada soomaalida dhexdeeda adkaadeen dagaalkii sokeeye kadib oo waddanku tobanaankii sano ee danbaba cagaha kula jiray.

“Islaamka lama taaban karo. Ma dhalleeceyn kartid , waxbana lagama sheegi karo’.

“Waqtigaan la joogose waxa muuqda is bedel dhinaca dhalinyarada, waxay u muuqdaan kuwa u dulqaadan kara ilaa heer doodaha diimaha iyo dhaliishoodaba”.

“Laakiin qaar badan oo kamida dadka ku soo koray Soomaaliya balse wadamada reer galbeedka u soo qaxay dagaalada sokeeye kadib, waxay aaminsan yihiin fikradda ah in qofkii diinta dhalleeceeya la dili karo, waxayna ula muuqataa arrin saxan”.

Sidaa darteed hanjabaadaha dilka ah ayaa u bilaabmay.

Waxa uu yiri “Tani waa mid kamida arrimaha aan doodda ka qabay ee igu kallifay inaan qolkan sameeyo bilowgiiba, waxaan doonayaa inaan muujiyo in islaamku uuna ahayn lama taabtaan gaashaaman, balse ay bannaan tahay dhalleecayntiisa waliba si muuqata oo bannaanka ah.

QORMO LA XIRIIRTA:  Yaa muslim ah?

Man walking out of prison

Soomaaliya iyo gobolka gooni isu taagay ee Somaliland, taabashada muqadasaadku waa mid lagu mudan karo xabsi, balse xubnaha boggan TSFP ma ogolaan inay taasi hor istaagto.

Waxa kooxdani garab istaagtay oo lacag u uruurisay akaademiga Maxamuud Jaamac Axmed Xamdi. Waxa uu ahaa macalin jaamacadeed oo loo xiray qoraal uu barta facebook ku baahiyay, kaas oo shaki galinayay waxtarka ducada ama baryada ilaahay xilli abaareedkii waddanku soo maray sanaddii 2019.

Waxa uu xirnaa muddo 10 bilood ah, ugu danbayna waxa lagu sii daayay cafis madaxwayne balse wali waxa uu ku nool yahay cabsi maadaama mid kamida culimada waawayn ee deegaankiisu ku baaqay dilkiisa.

Arrintani waxay muujinaysaa kakanaanta sida ay awooddu uga shaqeyso Soomaaliya iyo Somaliland, iyada oo khadka u dhexeeya hoggaamiyeyaasha diimeed iyo dawladda uusan muuqan.

Cabsida in nala aqoonsado

Waxa xusid mudan in soomalidu aysan madashan u isticmaalin inay kaga doodaan aragtiyahooda diimeed oo qudha balse mararka qaar waa  waddo suuragelisa noloshooda iyo badbaadadooda.

Waxa adeegsada group-kan kooxaha la beegsado ee naftoodu halista ku jirto sida masiixiyiinta, mulxidiinta iyo bahda LGBT.

Dadkani waxay ku jiraan cabsi joogta ah oo ay ka qabaan in warkoodu bannaanka yimaado taasina horseeddo xadgubyo ka yimaadda bulshada iyo xabsiba.

Waddooyinka uu boggan TSFP u caawiyo dadkan waxa kamida ololayaal taburacaad uruurin ah si loogu iibiyo tikidho duulimaad oo ay uga baxsadaan Soomaaliya, sidoo kalana damaanad qaadaan kharashaadka noloshooda inta ay saldhiganayaan.

A woman being man-handled

Tusaale ahaan cabsidani waxay dhabawday markii gabar masiixiyad soomaali ah oo degan Kenya ay adeegsatay magaceeda dhabta ah xilli ay qoraal soo dhigtay groupkan facebook.

Si fudud ayaa loo aqoonsaday gabadhaas, durbana waxa ku furmay mawjado xadgudubyo ka imanaya dad caraysan. waxa baraha bulshada qabsaday muuqaal ay ka muuqato gabadhan oo taksi gudihiisa looga jiidayo qaab arxan darro ah. Qolyahaas soo weeraray waxay ku hanjabeen inay bulsha waynta Soomaalida gaarsiin doonaan aflagaadada ay kula kacday nabi Maxamed qoraalkeeda TSFP.

Groupkan TSFP ayaa bilaabay tallaabooyin loogu rarayo gabadhan waddan kale, immikana waxay ku sugan tahay goob nabdoon iyadoo ku dhex jirta bulsho masiixiyiin ah oo waddankaas joogta.

Baaritaan XEELDHEER

Laakiin dadka gargaarka waydiista group-kani kuma koobna diinlaawayaasha iyo bahda LGBT.

Tusaale ahaan nin Soomaaliya oo dalka Suudaan ku nool ayaa la soo xiriiray boggan kadib markii ay wadada dhexdeeda ugu gacan qaadeen niman loo badinayo inay ka tirsanaayeen kooxda aaminsan fikirka qallafsan ee wahaabiga.

Nimankan ayaa ka warhelay kadib markii uu qoraalo uu ku naqdinayo qayb kamida axaadiista ku baahiyay group-kan TSFP.  Group-kuna waxa uu bilaabay sidii uu ninkaas uga samatabixn lahaa xaladdaas adag ee uu ku sugan yahay loona rari lahaa waddan nabada.

QORMO LA XIRIIRTA:  Ciilka Soomaalida

Tirada dadka codsanaya caawimaadda oo badan awgeed maamulka group-kan waxay sameeyaan baaritaano xeeldheer oo lagu hubinayo xaqiiqada sheegashooyinka dadka la soo xiriira

A woman smiling

Waxay leedahay Kaaha Dhiin oo ah gabadh u doodda xuquuqda dumarka fadhigeeduna yahay dalka Norway kana tirsan hormuudka boggan, “Waxaan saameynaa baaritaano mug ballaaran”.

“Waxaan weydiinnaa magaca qabiilkooda iyo qoysaskooda. Markaas waxaan fiirinnaa sawirka Facebook u saaran oo aan la hadalnaa xubnaha ku jira groupkan si aan u helno in cid iyaga taqaan ay jirto oo xaqiijin karta warkooda..  Haddii ay diidaan inay macluumaadka nala wadagaan waxa noo caddaata inaysan ka run sheegayn sheegashadooda”

Kaaha inkasta oo ay la shaqayso boggan sidoo kale waxay leedahay madasheeda gaarka ah, boggeeda Facebook iyo Youtube ayaa kamida goobaha ay ku baahiso farriimaheeda wacyigelineed iyo doodaha arrimaha saamaynta ku leh bulshada soomaalida.

Kaaha waxa ay diiradda saartaa awood siinta haweenka soomaaliyeed, iyaduna sida Ayaanle gaalnimadeeda ma qarsato, waana sababta ka dhigtay bartilmaameedka.

Waxay ku hanjabeen inay mindiyo igu dili doonaan waxayna dhaheen ‘Muslimiintu way ku dilayaan, gacmahooda ayaadna ku dhiman doontaa’.

Laakiin hanjabaadaha ayaa u muuqda inaysan wax ka bedelin go’aankeeda “Kama baqayo iyaga. Waxay rabaan inay igu aamusiyaan cabsi.” ayay raacisay hadalkeeda.

Xiritaankii Norwey

Cabsi la’aanteeda waxa sii xoojiyay kalsoonida ay ku qabto waddanka ay joogto oo hanjabaadaha noocanileeyihiin cawaaqib.

Soomaaliya, dilalka iyo weeraradu laguma sameeyo baaritaano balse Norway way ka duwan tahay oo Kaaha marar badan ayay booliiska wacday.

“Laba ka mid ah ragga ii hanjabay waxay isticmaaleen magacyadooda dhabta ah taasoo booliiska u suuragalisay inay gacanta ku dhigaan” ayay tidhi.

Ayaanle arrintan wuu ku raacsan yahay, laakiin wuu ogyahay inaysan cid waliba sidooda u nasiib badanayn.

“Soomaalida ku jira boggan badankoodu  ma muujiyaan wajiyadooda – gaar ahaan mulxidiinta – maxaa yeelay waxay u baqayaan naftooda” ayuu yidhi.

Ka fogaanshaha Kaaha iyo Ayaanle ee diintu kama dhigno inay xooreen soomaalinimadoodii, inkasta oo labadaasi isku maran yihiin oo xiriir waynu ka dhexeeyo.

“Xaqiiqdii waxaan dareensanahay in soomaalinimadaydu ka xooggan tahay sidii hore, waxaadba moodaa inaan soo ceshtay aqoonsigaygii dhabta ahaa” ayay tiri Kaaha.

Laakiin Ayaanle ayaa ku nuux-nuuxsaday in ujeedka group-kani  ahayn in loo beddelo muslimiinta soomaalida ah diin laawayaal, ama fikiro kale, laakiin wuxuu ku kooban yahay madal u taagan xorriyadda hadalka iyo afkaarta. Waxa uu aaminsan yahay in Soomaalidu baahi badan u qabaan madal tan lamida waliba si ka wayn xilliyadii hore.

“Waa tallaabooyin yar-yar, laakiin quluubta dad badan ayaan ku guulaysanay. Waxaan dhabtii rumaysnahay in cid waliba u madax bannaanaato rumaynta iyo noqoshada waxay doonayaan” ayuu ku gaba-gabeeyey Ayaanle.

Maqaalkan waxa lagu daabacay BBC laanta afka Ingiriisiga 02 June. Waxa tarjumay bahda Kaasho Maanka.
JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
2 Comments
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Yassin
Yassin
16 Maalmood Kahor

Sifican baad wax qortay. Aniga waxa si gaara ii khuseeya qoraalkaaga ee ku qoran halkan (Somalia iyo GOBOLKA gooni isu taagey ee Somaliland) Wax cadayn ah ma u haysaa in Somaliland gobol ka mida somalia tahay. Sida tariikhda ku cad Somaliland waxay noqotay sovereing State 26 june 1960. Wax cadayn ah ma u haysaa in Somalia xoriyad qadatay ka heshey gumaystihi itali Waddan somalia la dheho oo 1960 sovereign state noqday oo xoriyad iyo dawlad nimo qaatay tariikhda ma jiro. Dawladda somalidu haysatay waa tii Republic of Somaliland ka qadaatay Britain. Dawladdii Somaliland way ka noqotay in ay casimad Muqdisho… Akhri faalladan »

W/Q: Kaasho Maanka