Alle-Kood mid maaha!

A

Professor-kii ku caan baxay cilmi-nafsiga, Abraham Maslow, ayaa waxa laga haayaa in uu yidhi, “waxa dhan ee aad haysatidba haddii uu burus (dubbe) uun yahay, wax kastaa musbaar bay kuula ekaadaan.

Soomalida badankoodu waxa kaliya oo ay haystaan ama ay af garanayaan waa diin, iyada luuqaddeeda umbeyna qofkaste oo ay is qabtaan oo ay naqdinayaan ama ay la jiraan oo ay guubaabinayaan kula hadlaan.

Sida sooyaalkaba ku cadna, diimuhu marka ay is durayaan ama ay is naqdinayaan waxay iska weeraraan buugaagta muqaddaska ah ama ashkhaasta lama taabtaanka ah ee ay diimuhu buunbuuniyaan.

Marka, ilxaadka soomaalida dhexdeeda markii uu ka soo daahiray, sidii ninka buruska haysta ay caadadiisu ahayd, musbaar umbaa u muuqday dadkii oo alle-koodnimadii laftirkeedii bay diin moodeen.

Mooditaan oo qudhaa kuma aysan ekaaninee, waxa ay bilaabeen in ay alle-koodnimada u weerareen sidii ay diimuhu waligood isku weerari jireen iyaga oo beegsanaya shaqsi mulxid ah ama qormadiisa.

Laakiin mida ka hoos baxday aya waxa ay tahay, alle-koodnimadu ma’ahan diin oo qormo shaqis mulxid ah uu qoray khalad laga soo helay ama shaqsi mulxid ah xumo uu gaystay kuma waxyeeloobi karto.

Alle-koodnimadu waxa kaliya oo ay ka mideysantahay waa diidmada ilaahyada, intaa wixii ka soo hadhay shaqo iskuma lahan oo qofba falsafad gaar ah buu adduunka, nolosha iyo akhlaaqiyaadka ka haysan karaa.

Shaqsi in aad ku dhaliisho fikir shaqsi kale maadaama ay diidmo ilaah wadaagaan wax mandiqiyan caqli gala ma’ahan, waayo qofna qof kale ra’yigiisa shaqsi masuul kagama noqdo diidmo koraa mideysa awgeed.
Tusaale: hadda adiga iyo aniga iyo yarka al-shabaabka ah waxaa na mideysa diidmada ilaahnimada sanamyada, intaa wixii ka soo hadhay, waxaa macquul ah in aan ku kala aragti duwannahay wax kaste.

QORMO LA XIRIIRTA:  Sooyaalka Sekularnimada Soomaaliyeed

Marka maadaama aan yarkaa is qarxinaya wadaagno diidmada ilaahnimada asnaamta taa ma waxay ka dhigantahay in aan isku falsafad-nololeed nahay oo wuxuu khaldo aniga la i waydiinayo? Waa maya!

Sidoo kale, haddii aad aragto shaqsi wax kula khaldan dhahaya ama sameynaya, shaqsigaa iyo anigana aan wadaagno diidmada ilaahay taas micneheeda ma’ahan in aad aniga igu naqdin karto odhaahdiisa.

Warka oo kooban, alle-koodnimadu diin ashqaas lama taabtaan ahiyo buugaag muqaddas ah leh ma’ahan oo “hebel baa sidaa yidhi” iyo sheekadaa jilicsan wax lagula dagaal geli karo ma’ahan.

Marka, alle-koodnimada dhan haddii ay kula qaldantahay, ilaahaaga jiritaankiisa uun cadeey, haddii aad shaqsi fikradiisa is haysaanna, waxba allekoodnimada guud ha isku soo xoqxoqinee iyada u hub aruurso!

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments