Alle weyne tolow ahaanshihiisa maka fikiraa?!

A
Bili-aadanku markuu caqliyaystay ee uu isku dhex arkay badwaynta nolosha waxuu bilaabay inuu suaalo badan is waydiiyo. Maxay ahayd meeshani? Seen ku imi halkan? Yaa i keenay tolow?(waayo caqliga bidaaiga ma malayn karo sabab la’aan). Sababma ayaan u joogaa halkan? Iyo suaalo kale oo badan isaga oo bilaadanku wareersan kuna jira xaalada uu Albert Camu u yaqaan (Absurd ama throwness) oo aan waxba ka duwanayn dareenkaaga markaad soo gasho qol aananad cidna ka garanayn ee inta raamsiga la joojiyo lagu soo wada eego.

Intaa ka dib bilaadanku waxuu bartay inuu macnayaal farabadan siiyo wujuudka ama jiritaanka gaar ahaan diimaha sheegta in ay samada ka yimaadeen waxay ku doodeen in dusheenan sare uu joogo (Yahweh, God ama Allaah) uuna isagu yahay ka ina abuuray meeshana ina keenay diimahaa samaawiga ah ama (Abrahamic religions) waxay ina bareen Eebbe weyne mar waxay inoo sheegeen inuu allaah yahay sidii qof inala mida oo kale kaasoo xanaaqa, farxa, murugooda, aargoosiga yaqaan saaxiibo iyo cadaw labadaba leh hiilkeenana u baahan saynu kiisaba ugu baahannahay.
Mar kale diimahaasi waxay ina bareen in Eebbe weyne yahay wax aynaan arki karin,maqli karin, kaaga daran xitaa aynaan fahmi karin.

Hadaba marna lagama yaabo in ruux Eebaha quraanka rumaysani uu alle kasoo qaado jire ama (being) aan fekerin oon caqli lahayn waayo caqliga ayaa aad uga sita cadhada ay Eebbe usugaan. halkaan u socdaa waxay tahay inta aynu noole ama jire naqaan biliaadanku waa ka ugu caaqilsan, caqligiisaasina dhib aan noolaha kale la qabin buu u keenay waxaana kamida dhibkaa su’aalaha aanu weli jawaabta lagu qanci karo u helin sida Maxaabay horta wax u jiraan?  (Why there is some thing rather than no thing).

Haddaan raacno oon ku qanacno sharraxaadda diimaha jawaabtaasi way fududahay waayo waxay wax u jiraan alle ayaa ahaysiiyay. Suaasha markii aadanuhu ka nastay hadana waxuu caqligiisu (shaydaanku) ku shukaansaday (why there is a god) oo maxuu alle u jiraa sow suuragal ma ahayn inaanu isaguba jirin xageese ka yimi.
U malayn maayo in suaasha cidi jawaab u hayso alle mooyee balse falaasifada iyo inta dadka qalqaaliyiinta ahi waxay isku dayeen inay isku noqnoqotadaa joojiyaan waxaanay sheegeen inuu jiro shay asali ah (waajibul wujuud) ama (Neccesary being).

Suaashaydu waxay tahay walow aanan jawaab filayn tolow Alle isagu ma ka fekeraa meeshuu ka yimi Iyo cidda waxanoo masuuliyada gacanta u gelisay? Tolow alle weyne maka fekeraa sababta uu u jiro?

QORMO LA XIRIIRTA:  Eebbe Metaalkiis ma jiro!
JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
1 Comment
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Saalim Xaydar
Saalim Xaydar
1 Sannad Kahor

Nabad gala saxiibayaal, ka gadaal: waxaan doonayaa dhowr su’aal oo aan is weydiiyo inaad igu caawisaan jawaabahooda, hadaad heysaan: Horta maxaan wax u rumeynaa? maxaa inagu kalifaya inaan wax rumeyno? Waxyaabaha ogaaney/ogaano, garaadku ina garadsiiyey/garadsiiyo, cilmigu ina barey/baro oo qura miyaan rumeynaa jiritaankooda ama jiritaan la’aantooda? Garaadkeena oo qura ma lagu go’aamin karaa inaanu nahay noolaha ugu caqliga badan ee jira? Garaadkeena anagoo adeegsaneyna Maangalnimada jiritaanka shey/walax…IWM ayaan go’aansanaa in xaqiiqada jirta iyo waxyaabaha khuraafaadka ah, waxaan aqoon u laheyn ama garaadkeenu haleelin ma ka dhigan tahay inaanu jirin? ma jiraan Aliens-ka? Ma aaminsan tahay jiritaanka Jinka? Haa hadey tahay,… Akhri faalladan »

W/Q: Aadan Cali