Aragtida Hobbes, Spinoza iyo Kanta ee Diinta

A
Dadku waxay dhashaan iyagoo diin la’aan ah. Diinta uu qaadan doono waxa uu ka dhaxlaa deegaankiisa barbaareed iyo dadka ku nool diinta ay rumaysan yihiin. Waxa uu bilaabma in uu weyneeyo wax aanu garanayn, oo aanu ku qaadan caqligiisa intuu rogrogay. Xilliga uu barbaarka yahay waxa maankiisa buux dhaafiya su’aallo tiro beel ah, oo aanu jawaab waafi ah u heli karin. Wakhti ka bacdi waxa uu la qabsada habka ay u noolyihiin dadkiisu isagoo ku qanca jawaabaha ay u hayaan su’aalihiisi caruurnimo. Arrinkaas oo keena in caqligiisu istaago, oo u rumeeyeeyo dhaxalkii la isu soo sheegayey qarniyaal badan.

Qaab noocee ah ayey falaasifada qaarkood u arkaan su’aasha ah: Diimuhu waa maxay?.

Thomas Hobbes

Filasoofarkii la odhan jiray, ‘Thomas Hobbes’ ee reer Ingiiris, oo noolaa intii u dhexeysey (5 April 1588 – 4 December 1679), mar uu su’aashan ka jawaabayey waxa uu yidhi: Diimuhu waa wax ku gaar ah dadka. Waayo, astaamaha ay ka mid yihiin soomitaanka, salaadda iyo sako bixinta, oo ah kuwo ay la gaar yihiin dadka diimaha rumaysan waa ficil dadeed. Xayaawaanku ma leh ficillada noocaas. Sabaabaha ugu waweyn ee dadka ka soocay xayaawanka waxa ugu muhiimsan caqliga. Diin, waxa dadka ku kellifa saddex sabaabood, oo waweyn, oo kala ah:

  1.  Insaanku waxyaabaha uu la gaarka yahay waxa ka mid ah wax badhbaadhista iyo raadinta ogaalkiisa wax ka baxsan ee uu yaqaanno.
  2. Insaanku waxa u garwaaqsan yahay in waxkasta, oo jira ay leeyihiin bar bilow iyo bar dhammaad. Bilow kastana ay ku lammaantahay sheeko ka warramaysa; dhammaad kastana leeyahay sheeko oddorosaysa. Isu geynta labadaas iyo jawaabaha loo hayo, oo ay diimuhu sheekooyin u hayaan baa dadka ka dhigta kuwo rumeeya diimaha jira.
  3.  Xayaawaanku kama fekeraan dhacdooyinka dhici doonna mustaqbalka, taas caksigeedu dadka waxa werwer ku haya dhacdooyinka dhacaya iyo kuwa mustaqbalka isna weydiiyaan sababta ka dambeysa dhicistooda. Jawaabo kolka ay u waayaan waxay keentaa in ay iyagu samaystaan jawaabo qanciya. Taasina waa sabaabta diimo badani u samaysmeen iyadoo loo tiiriniyo dhacdooyinka loo mara waayey cid aan la aqoon.
QORMO LA XIRIIRTA:  Wadaadku waa bahal gadh leh

 

Baruch Spinoza

Filasoofarkii reer Holland ee ‘Baruch Spinoza’ (5 April 1588 – 4 December 1679), oo mar laga warsaday weydiintii kore ayaa kaga warceliyey sidan: Diimuhu waa laba nooc, oo kala ah ‘Diin muhmal ah’ iyo ‘Diin dhab ah’. Diinta muhmalka ahi waa mid ku dhisan baqdin iyo cabsi, kuwaasoo keena aaminaadda khuraafaad kasta, oo la sheego. Baqo gelinta ayaa keenna in u dheeraado waaritaanka iyo xoogaysiga khuraafadku. Khuraafadku waa mid taageersada xasdiga iyo khiyaanadda. Waayo, ma aha mid ku dhisan ama ka abuurmay caqli saxan, oo fekerraya ee waa mid ku yimi dareen laab-la-kac ah iyo hawo. Diinta dhabta ah, waxa uu u arka Spinoza in ay tahay mid ku dhisan laba tiir, oo ah ‘Caddaalad iyo wanaag falis’. Haddii aad tahay mid diin rumaysan waa in aad tahay caddaalad fale wanagsan. Waayo, Ilaahay baa dadka ugu yeedha caddaalad. Qofka labadaas sifo ku sifooba xitaa haddii aanu tukan waa mutadayin sidaa Spinoza qabo.

Immanuel Kant

Filasaforkii Jarmalka ahaa ee ‘Immanuel Kant’ (22 April 1724 – 12 February 1804), ayaa su’aashan kaga jawaabay buugiisa ‘Diintu Waa Xadka Caqliga/ Religion within the Limits of Reason Alone’, diintu ma aha mid ku jirta ama ka baxsan caqliga gudihiisa ee waa mid ku sugan xuduudda caqliga. Diinta, waxa uu u kala qaaday mid muhmal ah, oo ku salaysan asal-raaca cibaado iyo duquusaad hore iyo Diin dhab ah, oo dhaxaleed kuna dhisan akhlaaq. Kant, Diinta rasmiga ah waxa uu arka akhlaaq. Akhlaaqduna ma ahaa mid ka unkanta diinta ee waa wax damiirka qofka ku xidhan, oo aan u baahnayn diin. Diintu, waa amarro akhlaaqeed kuwaas, oo ku dhisan tafsiir diimeed. Kanta, waxa uu arka dadka akhlaaqdooda ay diimuhu qaabeeyaan ay yihiin kuwo akhlaaqdooda ku dhisan tahay baqdin iyo ciqaab haddii ay fulin waayaan.

QORMO LA XIRIIRTA:  Aadan dheere iyo dhashiisii is guursatay!

Guntii la iskuma waafaqsanna diimaha iyo waxay yihiin, oo waxa jiraa aragtiyo badan, oo kala duwan iyo warar badan, oo ka warrama falkintooda iyo hababka ay u abuurmeen diimaha tirada badan ee ka jira kownka. Qofka wanaagsan ee caddaaladda fala, xorriyadda iyo xuquuqda dadka kale dhowra; sinnaanta jecel, kala sarraynta, cunsuriyada iyo addoonsiga neceb; waa qof rumaysan diinta ugu wanagsan, oo ah ‘Diinta Insaaniyadda’.


Tixraac:
-Religion within the Boundries of Mere Reasons/الدين في حدود العقل, Immanuel Kant
-اللفيتان، توماس هوبس
-رسالة في اللاهوت والسياسة، سبينوزا

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments