Taariikh Kooban (Evolution)

T
TAXANAHA: Ibo Furka iyo Fahanka guud ee Aragtida Horumarka Noolayaasha (Evolution)
Ibo Furka iyo Fahanka guud ee Aragtida Horumarka Noolayaasha (Evolution) waa silisilad qormooyin taxane ah oo Aadan Cali kaga jawaabayo waydiimo la xiriira aragti cilmiyeedka Horumarka Noolayaasha (Evolution).

 

Taariikh kooban

Fikradda ah in noolayaasha noocyadooda kala duwani is bedeli karaan, kuwa hadda jiraaana kasoo farcameen kuwa hortood noolaa waa mid aad u da’weyn. Waa fikrad xididadeedu daadsan yihiin laga soo bilaabo Giriigii hore, Roomaniyiintii, Jayniiskii hore iyo weliba sayniska Islaamkii dhexe (medieval Islamic science).

Aragtidan ah in nooc kasta oo noolayaasha kamida walow ay aadanaha ku tahay ay kasoo farcami karaan kuwo hortood jiray, waa mid laga soo heli karo fikradaha falaasifadii reer giriig ee Suqraad ka horreeyey (pre-Socratic Greek philosophers).

Faylasuufkii la odhan jiray Anaximander of Miletus oo noolaa intii u dhaxaysey (c. 610 – 546 BC), wuxuu qabay in xayawaanadii ugu horreeyay noloshu ay dhammaan biyo ku-nool ahaayeen waqtigii uu dhulku qoyanaa. Faylasuufkani wuxuu qabay in Aadanaha aan hadda aragnaa uu mar ahaa noole kale khaasatan uu ahaa kalluun, inkasta oon hadda laysku raacsanayn sifooyinka aragtidii Anaximander hadana waxa ilaa hadda lagu amaanaa inuu ahaa Darwin yahankii u horreeyay “First Darwinist”.
Sidoo kale Heraclitus oo noolaa (c. 500 B.C.E), waxuu qabay in isbedelku yahay sifaha asalka ah ee kownkeena wax suganina aanay suuregal ka ahayn.
Faylasuufkii isaga dhaxlay oo la odhan jiray Empedocles waxuu qabay in noolayaasha hada jira dhir iyo xayawaanba ay yihiin hadhaagii kuwo hortood noolaa waana isla halkaa meesha ay ka bilaabantay in la arko cid qabta wax u eg fikradda horumarka iyo isbedelka noolayaasha ee haatan jirta.

Faylasuufyadii kale ee saamaynta badan ku yeeshay aragtida asalka noolayaasha waxaa ka mid ahaa Plato iyo aradaygiisii Aristotle.

Plato oo marmarka qaar loogu yeedho aasasaha iyo aabaha aragtida abuurka tooska (special creation) ama Darwin diidkii abid taariikhda ugu waynaa waxuu qabay fikradda (essentialism) aragtidani waxay sheegaysaa in nooc kasta oo noolayaasha kamid ahi uu leeyahay sifooyin aan la doorin karin dabcigiisana kamid ah.
Plato waxuu qabay in noocyada wax walba oo jira oo ay ka mid yihiin naflaydu uu jirtaankooda si khaasa Eebbe u farsameeyay.
Waxyaabaha plato laga xasuusto waxa kamida inuu horumariyay aragtida Foomamka ama (theory of Forms) taas oo ah inuu shay walbaa oo koonka yaallaa uu yahay tilmaan iyo tayo aan dhamaystirnayn oo laga soo dheegtay foomkii asalka ahaa “ideal form”, taariikhyahanno iyo diin baadhayaal badanina waxaabay qabaan inay isla fikraddaa Foomamka ay ka dhalatay aragtida nafta ma dhimatada ah ee inagu dhex jirta, asalkana u ah ka fikiridda inay nolol danbe jiri karto.

Aristotle oo ah faylasuufka ugu saamaynta badan falasifadii reer giriig wuxuu wax ka qoray Biology-ga waxaana buugtiisa ina soo gaadhay kamida De anima (On the Soul), Historia animalium (History of Animals), De generatione animalium (Generation of Animals), and De partibus animalium (On the Parts of Animals). Buugtan afarta ah waxuu Aristootal ku falkiyay aragti odhanaysa kownka waa mid sugan oon socod ku jirin ama (static universe).
Aristotle waxuu dadaal badan ku bixiyey dersidda noolayaasha waxaanu isku deyay inuu muujiyo xidhiidhada ka dhexeeya noolayaasha iyo derejooyinkooda, buuggiisa (Historia animalium), wuxuu noolayaasha u qaybiyay isagoo u fiirinaya halka ay kaga jiraan waxuu ugu yeedhay sallaanka abuurka ama (ladder of creation).
Aristotle wuxuu si cad oo qayaxan u diiday aragtidii Empedocles ee ahayd in noolayaashu is bedeli karaan.

QORMO LA XIRIIRTA:  Luqadda Nolosha (DNA) iyo Hab-qoraalka Hidde Sidayaasha (Genes)

Mufakiriinta jayniiskii hore sida Zhuang Zhou (c. 369 – 286 BC), waxuu qabay in ay noocyada noolaayshu is bedelaan, sidoo kale guud ahaan falsafadda Taoism-ku waxay si cad uga soo horjeeddaa aragtida sugnaanta noocyada noolayaasha waxaanay aaminsanyihiin in noocyada noolayaashu ay yeeshaan astaamo kala duwan kuwii hore kolka dabeecaddu is bedesho.

Arrinka xiisaha leh waxuu yahay markii ay duntay boqortooyadii Roomanku yurubna mugdiga ku jirtay aqoontii iyo aragtiyihii adduunka kolkaas yaalayba waxay soo magan galeen islaamka, kolkanina waa waqtiga loo yaqaan casrigii dahabiga ahaa ee islaamka (golden age of islam) waana intii u dhexaysay qarnigii 8aad ilaa qarnigii 13aad. Aqoonyahannadii islaamka ee xilligaa noolaa waxa kamid ahaa qoraagii waynaa ee muctasiliga ahaa Abu Cuthmaan Camar Bin Baxr Al-Kanaani (أبو عثمان عمرو بن بحر الكناني البصري) oo loo garan og yahay Jaaxid (الجاحظ), aqoon-yahankan waxaa kutubtiisa kamida kitaabka (كتاب الحيوان), taariikhyahankii waynaa ee sayniska (Conway Zirkle) mar uu wax ka qoray taariikhda aragtida Xulashada dabeecada (Natural selection) buuggiisa ( “Natural Selection before the “Origin of Species””) wuxuu soo xiganayaa hadalkan jaaxid;

 يخرج الجرذ من مخبأه باحثاً عن طعامٍ له، وهو حاذقٌ في الحصول عليه، فهو يفترس جميع الحيوانات الأضعف منه، والأصغر، وكذلك الطيور الصغيرة والبيوض، والمولودة حديثاً… فإن جميع الحيوانات لا تستطيع العيش بلا غِذاء، فالحيوانات المُفَترسَة ليس لها المقدرة أن تتفادى إفتراسها، فالحيوان الضعيف يفترس الحيوان الأكثر منه ضُعفاً ا
Jiirku wuxuu godkiisa kasoo baxaa isagoo raadinaya wuxuu quuto, waxaanu quutaa dhammaan xayawaanada ka yar-yar kana itaalka liita… Ma jiro noole noolaan kara bilaa cunto, xayawaannada ugaadhsadaana nasiib ayay u yeesheen inay wax ugaadhsadaan, waayo xayawaanka itaalka daranina waxuu sii ugaadhsanayaa ka kasii itaalka daran”

Sida qoraalkan ka muuqata Jaaxid wuxuu tilmaamayaa fahamka fikradda u halgamida ku haritaanka nolosha (struggle for survival) ee noolayaasha deegaan kuwada nool ka dhaxeeya, kaas oo ah hab kamida hababka dabeecaddu u kala xulato noolayaasha.

Conway Zirkle wuxuu ku doodayaa kolkaas inaanay jirin taariikhda cid aragtida xulashada dabeecada (natural selection) uga hadashay qaab ka faah-faahsan qaabka jaaxid uga hadlay.

Sidoo kale taariikh yahankii waynaa ee islaamka Ibn-Khalduun (ابن خلدون), kitaabkiisa caanka ah ee (مقدّمة) cutubkiisa lixaad wuxuu ku sheegay;
( مخلوقات على هيئة من الترتيب والإحكام وربط الأسباب بالمسببات … وعالم التكوين ابتدأ من المعادن ثم النبات ثم الحيوان بحيث يتصل آخر أفق المعادن بأول أفق النبات ويتصل آخر أفق النبات بأول أفق الحيوان).
“Makhluuqaadku waxay u habaysan yihiin qaab tartiibsan sidoo kale leh asal iyo farac, waxaa u horreeyay macdanaha, waxaa ku soo xigtay dhirta, kadibna xayawaannada…”

QORMO LA XIRIIRTA:  Mindida waqtigaa af-tira (2/2)

(واتسع عالم الحيوان وتعددت أنواعه حتى انتهى إلى الإنسان صاحب الفكر والروية، ترتفع إليه من عالم القردة الذي اجتمع فيه الحس والإدراك ولكنه لم ينته إلى الروية والفكر أول أفق الإنسان من بعده)
“Kadib badashada iyo isbedbedelka noocyada xayawaanku waxay ku dhamaadeen dadka oo ah mid leh firkad iyo aragti waxaana kusoo xiga daanyeerka oo kulansaday dareenkii iyo iska warqabkii balse aan yeelan fikrad iyo aragti”
Ibn-khalduun waxuu si cad u qeexaya aragtida horumarka iyo dabeecadda (والوجود كله في عوالمه البسيطة والمركبة على ترتيب طبيعي).

FG. Kelmada (عالم القردة) way ka maqan tahay dhammaan daabacaadaha danbe ee muqadimada waxaana loo bedelay (عالم القدرة). Laakiin waxay sida hore ugu qoran tahay buugga faransiiska lagu turjumey, kaas oo ah koobiga ugu dhamayska tiran muqddimada Ibn-Khalduun.

Hadaba ka gadaal seexashadii muslimiinta iyo dib u soo tooskii Yurub iyo bilowgii iftiinka ee yurub (Enlightenment) waxaa dib u soo xoogaystay aragtidii ahayd in noolayaashu is bedeli karaan, waxaana la daah-furay culuum cusub oo Geology-gu ka mid yahay kuwaas oo tusiyay in qalfooftu (fossils) ay yihiin noolayaal hadda ka hor noolaa.
Dabeecad baadhihii weynaa ee reer faransiis Comte de Buffon (Count Buffon, 1707–1788), ayuu ahaa ruuxii ugu horreeyay ee su’aal geliyay sugnaanshaha iyo is bedel la’aanta noolayaasha, walow aan cidi ka hoos qaadin wuxuu soo jeediyay suuragalnimada aragti u dhow tan hadda ee Daarwiin.

Ugu danbayntii ruuxii ugu horreeyay ee soo jeediyay aragti la fahmi karo oo sharraxay sida noocyada xayawaanku isu bedeli karaan waxaa la odhan jiray (Jean-Baptiste Lamarck). Lamarck waxuu muhiimad badan siiyay qabatinka noolayaasha iyo dabeecadda ka dhexeeya, waxaanu sheegay in isticmaalka ama isticmaal la’aanta xubnaha jidhka xayawaanku ay saamayso isbedelna jidhkooda ku keeni karto mustaqbalka, tusaalaha caanka ah ee Lamarck waa qoorta geriga taas oo uu ku tilmaamay inay ka dhalatay tiigsashadii faraha badnayd ee garigu dhirta tiigsanayey kadibna uu dhashiisa saa ugu gudbiyay, walow hada la beeniyay aragtida Lamarck aanayna suura gal ahayn kala dhaxlida astaamaha nooluhu kasbaday ama (inheritance of acquired characters). Hadana Lamarck waxaa ilaa hadda lagu amaanaa inuu yahay ka sokow ka fekeridda inay noolayaashu is bedeli karaan, ruuxii ugu horreeyay ee isku dayey inuu si maangal ah u sharraxo arrinkaas iyo waxa sababi karaba.

Halkaa waxaa ku dhan taariikh kooban oo ku saabsan asalka aragtida, intaa waxii ka danbeeyana waxaynu guda geli doona sharaxaada aragtida.

Qaybta xigta: Waa kuma Daarwin?

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
1 Comment
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Hayti
Hayti
1 Sannad Kahor

Waad mahadsan tahay wallo

W/Q: Aadan Cali