QoraaIsmail Baashi

Caqliyadda Soomaalida iyo cidhib xumada aqooneed

Aadanuhu waxa uu kaga duwan yahay noolaha kale caqliga iyo garashada oo u suura galisa fahanka nolosha iyo koonkaba walowba ay jiraan doodo falsafadeed oo si qoto dheer usii lafa gura waxa uu ka dhigan yahay caqli iyo garasho balse waxa si guud la isuga raacsan yahay in labaduba ay ku sar go'an yihiin deegaanka iyo waqtiga markaa ay la nool yihiin.