QoraaCawil Cabdille

Fursad iyo Xorriyad

Maalin dhawayd ayaa waxa aan dhagaystay muxaadiro uu jeedinayo wadaad Soomaaliyeed (Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil). Waxa uu ka hadlayay arrin aynaan uga baran wadaad Soomaaliyeed in uu ka hadlo. Wadaad waxaa lagu yaqaannay in uu ka hadlo aakhiro iyo adduun; adduun qofka joogaa hamayn-dhaxmo ku yahay iyo aakhiro lama huraan ah. Adduunyadu agtiisa macno kama leh oo waxaa liibanay qofkii cimrigiisa...

Waayeel

Waayeelku waa qof wakhti badan noolaa, cimrigiisuna gabogabo ku dhaw yahay. Waa qof soo dhadhamiyay dhadhan kasta oo ay nolosho lahayd. Waxa uu soo jibaaxay nolol boqollaal jeer qofkeeda ku kalifta in uu isagu is dilo, markii uu cid nafta ka qaaddo waayo. Meeshatan (Waayeelnimada) nasiib iyo karti is-biirsaday ayaa lagu soo gaaraa.

Saaxiibtinimada

Qoladiinnan akhriska iyo falsafaddaba jecel waxa aan halkan idin kula wadaagayaa sheeko ka mid ah tobonnaankii sheeko ee laga wariyay Faylasuufkii Soqraad. Waa wada sheekaysi dhex maraya isaga iyo labo barbaar oo ay isku magaalo yihiin. Sida caadada ah marka ay doodi furmayso waa in ay jirtaa kala duwaansho ku saabsan madwuuca laga hadlayo. Halkan, waxaa looga doodayaa mawduuc aynnu u wada...

Boqorradii Imbaraadooriyaddii Roomaanka

Taariikhda Imbaraadooriyaddii Roomaanku waa mid aadan marna ka xiiso beeli karin. Waa taariikh kayn ah oo aad wax walba ugu tagayso. Wakhti boqol sano ka yar ayay sagaal iyo laabatan boqor yeelatay. 29-kaas afar ka mid ah keliya ayaa si caadi ah u dhimatay, inta kale waa qaar la sumeeyay, qaar la daldalay, qaar la waayay iyo qaar naftooda la baxsaday. Laga geyoon maayo in la ga sheekeeyo...

Samiiriyaanka (Sumerians)

Dadkii la oran jiray Samiiriiyaanka oo la sheego todobo kun oo sannaadood ka hor in ay degganaan jireen dhulka u dhexeeya labada wabi ee Tigris iyo Euphrates ama Mesepotamia (waa dhulka aynnu maanta u naqaan Ciraaq, Kuwayt, qayb ka mid ah Sucuudi Carabiya, bariga Siiriya iyo koonfurta Turki) ayaa waxa la sheegaa in ay ahaayeen dadkii u horreeyay ee laga bartay fikradda Ilaahnimo. Dadkaasi waxa ay...

Baratanka Alshabaab

Waa barbaar caato la miiqmay, gar iyo shaaribana aan dhabankiisa lagu arag. Waxa uu ku dul fadhiyaa roog, wuxuuna si aan libiqsi lahayn u dhawrayaa Kitaab Quraan ah oo uu tobanka farood ba ku hayo. Daaqad garabkiisa ku aaddan waxaa ka soo muuqday cadceeddii oo qof baarkiis joog le’eg. yabaq iyo alalaas qofka miyirkiisa shaxaadaya ayaa bannaanka daaqadda ka baxaya. Balse, barbaarku dhegey-jalaq...