QoraaDheeman Luul

Gabaati mise Gadasho

Inkastoo guurku yahay dhaqan soo jireena hadana markasta waxaa go'aamiya diimaha iyo dhaqamada kala duwan ee bulshooyinku kala leeyihiin. Guurka Soomaalidu wuxuu asal ahaan ku qotomaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida. Sida wax loo meheriyo, waxa la akhriyo, marqaatiyada iyo ka idan qaadashada waxa loo yaqaan "weliyul amriga" ama cidda gabadha dhashay oo la weydiisto waa dhaqan islaamka...

Waa maxay Hantiwadaag “Socialism”?

Inkastoo uusan hanti-wadaagu lahayn micna qeexan oo laysla wada yaqaan ama la isku wada raacsan yahay, hadana micnahiisa guud wuxuu noqon karaa in bulshadu wada yeelato hantida iyo wax soosaarka guud. Sida ilaha wax soosaarka, warshadaha, beeraha iyo khayraatka dabiicigaa. Hanti wadaaggu wuxuu taariikh ahaan soo jiray muddo dheer laga soo bilaabo ilbaxnimadii Giriigga iyo tii Peershiya hayeeshee...

Xoriyadda iyo Masuuliyadda

Xoriyaddu waxay ku hoos jirtaa masuuliyadda, waxaa qaba aragtidaan ama laga soo wariyey faylasuufkii Danish-ka ahaa "Soren kierkegaard". Tan iyo intii ay nolosha dadku jirtay xoriyadu waxay ka ahayd nolosha dadka qayb muhiima iyadoo hadba heer soo joogtay. Hayeeshee waxaa loo qaybiyaa saddex qaybood oo muhiima inay xoriyadda dadku soo martay sida laga soo wariyey culumada taariikhda falsafadda uu...

Ex-Muslim Misogynist

Hadaan ku hormaro qeexidda erayga "Misogyny" micno badan ayuu eraygaan leeyahay laakiin guud ahaan wuxuu u taaganyahay fikradda liididda ama hoos u dhigista haweenka jinsigooda darteed. Sida uu aaminsan yahay aqoonyahanka dhinaca cilmiga bulshada ee Allan G. Johnson "Misogyny waa dhaqan ku dhisan nacaybka dumarka, dumar ahaantooda oo kaliya". Marka aan fiirino taariikhda, in haweenka la liido...

Doodda Dumarka iyo Falsafadda

Inkastoo ragga dumaka liidaa ay ku doodaan in dumarku aysan wax kaalina kulahayn horumarkii laga gaaray cilmiga iyo ilbax-nimada, hadana taariikhdu waxay noo sheegaysaa wax ka duwan sheegashadaas. Waxaa ay taariikhdu caddaynaysaa inay jiraan dumar badan oo kaalin muhiima kulahaa taariikhda, cilmiga, falsafadda, farshaxanka, suugaanta iyo siyaasadda. Hadaba waxaan jeclaan laa inaan muujiyo...