QoraaGallad Gurxan

Diimaynta Aafooyinka Dabiiciga ah!

Waligeedba wadaadadu waa ay is-xiijin jireen wax walba oo cusub e, kadib soo if-baxii xanuunka Koroonaha, wadaado badan baa xujo-diimeed ka dhigtay xanuunkan aafeeyay dunida, ayaga oo leh; “aaway kuwii awoodda sheeganayay, il-ma-aragto aan loo jeedin ayaa baabi’isay, cilmigii waa fashilmay, xanuunkani waa caro Alle oo waxba lagama qaban karo ...” iyo waxyaabo la mid ah.

Sapiens (Gorfayn)

Buugga Sapiens oo gabagabo iigu dhow ayaa waxyaabaha aadka iiso jiitay waxaa ka mid ah, sida uu qoraagu, Yuval Noah Harari, uga hadlayo Kacaankii Sayniska iyo sababta qeyb aad u yar oo Yurub ka mid ahi, waa Galbeedka Yurub e, ay ugu suuragashay in ay hannaanka iyo majarahaba u qabtaan daahfurada cilmiga, noqdaanna horseedka cilmiga.

Alle: Dadka kalena wax ka baro

Dad badan baa aaminsan in Alle iyo insaanku aysan marnaba kala soocmi karin, ayaga oo ku doodaya in wax walba oo jira ay qeyb ka yihiin Alle. Anaga insaanka ah, ayay leeyihiin, waxa aan qeyb ka nahay Alle, sidoo kale kownka oo idil waa qeyb ka mid ah Alle. Waxa ay meesha ka saaran sida ay dad badani wax u arkaan ee ku dhisan is-huwanta ah ‘Abuure iyo La-abuure’. Diinta Hinduuga ayaa, sidoo kale...

Diinta yaa afduubtay?

Diintii Maxamed oo la afduubay ayaa ‘Sunni’ lagu magacaabay. Dhimashadii Maxamed kadib, Abuu Bakar ayaa afduubay qoyskii iyo qaraabaddii Maxamed. Abuu Bakar dabadii ninba nin dool ah ayuu usii dhiibay xukunka, waana la fogeeyay qoyskii iyo qaraabadii Maxamed, illaa Cali Bin Abii Dhaalib iyo Caa’isha oo xaaskii Nabiga ahayd ay dagaal foodda is dareen ayaga oo kala ah laba Islaam oo kala duwan...

Khayraatka lumay ee Soomaalida!

Khayraatka ugu qaalisan ee uu dal yeesho waa dadkiisa (Human Resource). Dal walba inta uu kaa dad badanyahay ayuu kaa cudud iyo tamar-gacan badanyahay. Shiinaha oo ah dalka ugu dadka badan dunida, waxa ay ku qaadatay 40 sano oo dib u qaabayn dhaqaale ah in uu ku noqdo cududda labaad dunida ee xagga dhaqaalaha. In badani arintan waxaa ka caawiyay tamarta ballaaran ee uu haystay oo ah dadkiisa...

Tijaabadii Aristotle!

Ku dhowaad seddex boqol iyo konton sano kahor dhalashadii Ciise (350 CH), xilli hadda laga joogo laba kun seddex boqol iyo konton sano (2350) ayuu Aristotle sameeyay tijaabadiisii caanka ahayd ee ukumaha ee uu ku ogaaday sida uurjiifta digaaggu iskula badasho waqtiga iyo sida ay u samaysanto. Waxa uu ku ogaaday tijaabadan in wadnuhu yahay xubinta ugu horaysa ee samaysanta. Waxa uuna tuhmay in...

Soomaalida iyo isku-rumaynta!

Alfred Mutua oo ahaa afhayeenka dawladda Kenya xilliyadii 2004 illaa 2012 ayaa waxaa halqabsi u ahayd oo uu ku furan jiray hadalkiisa marka uu saxaafadda la hadlayo oo uu ku hadlayo magaca dawladda, oraah ahayd sidatan; "Najivunia kwa Mkenya” oo macnaheedu yahay "Waan ku faanayaa kiiniyaanimada". Ujeedkiisu waxa uu ahaa in quluubta iyo dareenka hoose ee dadka Kiiniyaanka ahiba ay degto isla...

Diimaha iyo nafta

Wax kasta oo jira waxa ay ka samaysanyihiin tamar (energy). Haddaba haddii ay jirto wax loo yaqaano ‘naf’, waa qasab in ay tamar ka samaysantahay. Tamartuna sida aynu ogsoonahay lama abuuri karo lamana burburin karo, balse waa ay qaab badalataa uun.

Dilaaga Caruurta – Hutchinson Gifford Progeria

Qalad ku yimaada hal hidda-side, LMNA, ayaa horseeda isbadal aanan caadi ahayn oo ku yimaada barootiinka lamin A, kaas oo waxyeeleeya dahaarka bu’da unugga kolkaasna sababa in unuggu si deg deg ah u dhinto asaga oo aanan qaangaarin. Intaas oo kali ah kuma eka e, cilladani waxa ay si tartiib ah oo xanuun badan u dishaa ilmaha ayada oo ku keenaysa gabow deg deg ah oo xawaare sare ku socda...