QoraaKhaled Hassan

Sharci yaqaan ka faallooda arrimaha diimha iyo caddaaladda

Ma magac diimeed baa jira?

In badan baad maqlaysaa dadkeena Soomaaliyeed oo leh hebel magaciisu maaha magac Islaam. Ma is waydiisey inay jiraan magacyo diimeed oo samada laga soo dhiibey? Diintaada ama dhaqankaaga iyo magacaagu ma yihiin wax isku xidhan. Sida runtu tahay diimuhu waa dad samee dadka ayaana asal ah. Mana jiraan magacyo diimeed oo liiskooda samada lagasoo dhiibey. Sidoo kale ma jirto diin la timi qorshe...

Ma taqaanaa saxaabiga quraanku rabitaankiisa ku soo dagi jiray?

Islaamka oo ah diinta labaad ee ugu dadka badan diimaha maanta ka jira adduunka waxa bilowgeeda, dhismeheeda iyo fidinteedaba iska kaashaday dad badan inkasta oo magacu raacay Maxamed oo ahaa aasaasaha diintan. Ka qayb qaadashadaasi waxay ahayd mid noocya badan oo leh naf, maal, muruq iyo maskaxba.Ninka aynu kaga hadlayno qoraalkani waa saxaabi kaalin mug wayn ka qaatay dhismaha iyo fidinta...

Ilaahay ma daalin baa?

Marka aan dooneyno inaan ka faalloonno ama lafa gurno wax walba oo quseeya Ilaaha muslimiintu rumaysan yihiin inuu xagga sare fadhiyo, waa in aynu u noqonnaa Quraanka oo ah hadallo laga qoray afka Maxamed 14 qarni muddo laga joogo loona nisbeeyo inuu yahay hadalkiisa. Si ay idiinku fududaato fahanka qoraalkan kooban waxaan daqiiqado kooban iska indha tirayaa aaminaadayda oo ah in aanu jirin...

Ilaahey wakiil ka socda oo carabi kaliya ku hadla miyuu u baahan yahay?

[su_quote]Haddaan ka yeelo kitaabka quraanka luuqad ajanabi ah waxay dhihi lahaayeen maxaa loo caddayn waayey aayaadkiisa, ma (Quraan) ajanabi ah iyo nabi (Carabi ah), waxaad dhahdaa isagu kuwa rumeeyey wuxuu u yahay hanuun iyo caafimaad, kuwa aan rumeynina dhagahooda waxaa ah culays, waana ka indha la' yihiin kuwaasna waxaa looga yeeri meel fog - Fussilat:44 وَلَوْ جَعَلْنَاهُ قُرْآنًا...

Booqashada dhagaxa madaw

Xajjku waa dalxiis ee maaha cibaado waana meel dadka lagu baadho kadibna lacagta kasoo gasha dadka muslimiinta kale ayaa lagu laaya ama dhasha boqortooyadaa ku tamashle taga.

Deeqo Afro Jidhkeeda iyadaa leh!

Maalmahan waxaan ku arkeyey baraha bulshadu ku kulanto dad badan oo ku mashquulsan hab lebiska fanaanada caan baxday ee Deeqa Afro. Soomaalidu waa dad aan runta isu sheegin, qofka Soomaaliga ahi xataa naftiisa runta waa kala dagaalama oo waa dad dhalanteed Ku nool. Dadka Soomaaliyeed gaar ahaan dumarkan teendhada madaw(Xijaabka) ku dhex jira ee isu haysta inay karaamaysan yihiin ama isla quman ma...

“Ilaahay ha u naxariisto”

Waxaa la sheega in oday kamid ah Soomaalida geelleyda ah wiil uu dhalay uu jirro ama xanuun ugu dhintay deegaan aan kiisii ahayn. Odaygii geel jiraha ahaa warkii baa soo gaadhey, warankiisuna hore qaatay isagoo go’aansaday inuu u aaro wiilkiisa. Markuu soo gaadhey goobtii wiilkiisu Ku dhintay, dadkii waxay Ku boobeen tacsi dhegihiisa waxaa ka batay ereyga “Illaahay ha u...

Maxaa loo gudaa hablaha Soomaaliyeed?

Gudniinku inuu dhib wayn ku hayo bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan haweenka waan ognahay. Caafimaad darrada ka dhalata iyo xanuunka ay maraan haweenka la gudo maaha wax cid ka qarsoon, laakiin weli ma is waydiisey sababta loo gudo haweenka? Ujeedka iyo danta laga leeyahay jarjarista iyo tolidda xubinta taranka ee haweenka maxay tahay? Gudniinku waa caado dhaqameed soo jirtey muddo kumanaan sano...

Xeerka kufsiga ee Somaliland waa xeer noocee ah?

Waxaan arkay dad badan oo ka qaylinaya xeerka kufsiga ee ay ansixiyeen golayaasha xeer dejinta Soomaalilaan, madaxawaynuhuna uu saxiixay. (Xeer. Lr 78/2018) Xeerkaas cid waliba waa ka hadashay mid akhriyey iyo mid aan akhriyinba. Koox waliba waa qaylisay sabab la’aan iyo jaahlinmo darteed. Xeerkaas waxaa diidey qolyaha diinta ka ganacsada ee culimada sheegta oo aan ogolayn in la keeno xeer...

Dadka aan carabta ahayn ma addoonbaa?

Taariikhda Carabta haddaad dib u raacdo waxaad ku arkaysaa hab nololeedkii ka jiray Jasiiradda Carabta inuu ahaa mid beelaysan. Dagaalada beelaha u dhexeeyey waxay qasbeyeen in aanay jirin beel keligeed cidla taagan oo beel waliba waxay beelaha kale kula jirtey isbahaysi difaac. Dadka aan Carabta ahayn laftoodu waxay ku qasbanaayeen inay helaan meel ay dhabarka geliyeen oo ay kaga badbaadaan...

My Bookmarks

Follow Us