
Soomaalida Alle-diika ah ee ku nool qurbaha ayaa sameeyey group Facebook ah si ay u naqdiyaan diinta bulshadoodu aaminsan tahay ee islaamka, laakiin waxay inta badan la kulmaan hanjabaado dil, ayay qortay wariye Layla Mahmood.
Goorma ayay noqotay laab la qaawiyaa danbi iyada oo saxaabada qaar kamid ahi bannaanka ku salaaxi jireen dumar ajaanib ka ah? arka aad fiiriso qaabka Diinta Islaamku ula dhaqanto labada jinsi ee labka iyo dhedigga waxaan waqti badan qaadanayn inaad aragto cadaadiska xooggan ee ay saarto dumarka iyada oo duudsiisa xuquuqdooda qaar kamida sida sinnaanshaha dhaxalka marar badanna tagri-fal iyo...
Wadaadku wuxuu maanka dhallaanka ku shubaa in dawladnimada, wadaniyadda, diimuqraadiyadda, sinnaanta iyo wax walba oo dawladda la xidhiidha ay xaaraan yihiin. Wuxuu taa dhinac wadaa inuu tirtiro asalka ummadda Soomaaliyeed isagoo ku boorriya dhalinta inay Af Carabeedka bartaan Af Soomaaligana iska dhaafan taasoo aakhirka dhalaysa inaan afka iyo dhaqankeennu dabar go'o.
Quraanku sida uu soo warinayo qawmkii Luud waxay ahaayeen niman ku falan ragga inay fuulaan, markii qawmkii luud laga kari waayay inay rumeeyaan nebigooda ee la gaadhay wakhtigii la soo afjari lahaa ilaahay wuxuu soo diray malaa’igtii halaagi lahayd wuxuuna u soo yeelay suurad wiilal dhalin yaro ah oo aad u qurux badan! markii ay luud soo gaadheen waa uu marti sooray oo gurigiisa ayuu ku...
Muuqaalka hoose Jamaal oo ah wiil Soomaaliyeed oo Maraykanka ku bar-baaray waxa uu kaga war bixinayaa qaabkii ay qoyskiisa uga fal-celiyeen markii ay ogaadeen inuu Islaamka ka baxay. Waxa uu Jamaal carrabka ku adkeeyey in Islaamka uusan jirin jacayl aan shardi lahayn oo u dhexeeyo ubadka iyo waalidkood balse daqiiqadda aad Islaamka ka baxdid uu ku eg yahay jacaylku. Dhalinyaro badan ayay cabsida...
aa’ud waxa uu dhalay Suleymaan, Zakariye waxa uu dhalay Yaxye, Haaruun waxa uu la dhashay Muuse. Dhammaantood waa hal qoys kana wada yimid hal deegaan xitaa Ciise. Nabi Muxamed waa faracii Ismaaciil sida ay ku doodaan muslimiintu. Maxaad ku macneyn laheyd wiil iyo aabihiis, awoowgiis iyo abkowgiisa oo wada rusul ah oo guri kuwad shaahaya oo dunida daafaheedana diin la’aani ka jirto. Maxay macna...