QoraaMaxamed Kaahiye

Ijaabo (Sheeko Faneed)

Ijaabo waa inan jamaal, joog iyo haybad-ba isku darsatay. Waa inan buuxsantay oo gashaanti ah, markaas-na inta is wada gaadhay isu aragtay in ay dumarkaba kaw; dhanka quruxda, qaabka, toolmoonaanta, jalaqsanida, heemaalka iyo haybadda iyadu u tahay. kalsoonida ay isu qabtay waxa ay gaarsiisay in iyada mooyaan'e inta gabadh la lood ama fac ah aysan jirin inan kula tartami karta quruxda iyo...