QoraaQoraa Dahsoon

Qoraaga maqaalkan lama garanayo magiciisa ama ma jecla in la xuso.

Daruurow iyo Alshabaab

Magaciisu waa Daruurow oo goortii uu muslimay ma uu garanayo ee sida ay muslimiintu u badan yihiin isaga oo muslim ah buu caqlisaday, tuuladii uu ku garaadsadeyna ma lahayn iskuul aan ahayn malcaamad. Soomaalidu dugsiga Qur’aanka iskuul u ma yaqaanniin, laakiin caalamka meelo badan iskuul baa looga yaqaan, waayo qofkii ka soo baxaa isaga oo wax qori kara, waxna akhriyi kara ayuu ka qalin jebiyaa.

DABA-MACAWSAYN (Dabada oo macaws lagu gufeeyo)

Kufsiga beryahaan dumarka ku soo batay Gartii Cabdullahi Cismaan ha lagu xaliyo.Cabdulaahi Cismaan Kenadid (allaha u naxariisto) iyo saaxiibkiis oo safar ah una socda Keenya, bilowgii siddeed-tamaadkii ayaa meel u dhaxaysa xuduudda Somaliya iyo Kenya baabuur kula jabay.Waxay go'aansadeen inay dhulkaas lug uga gudbaan intay ka gaarayaan magaalo weyn oo ay baabuur ka helaan.Maalinba reero baadiye...

Ilaaha Maxammed waa Ilaah noocee ah?

Ilaaha Maxamad ina baray waa ilaah dabeecad qallafsan, xanaaq badan, dhaar badan, aar-goosiga jecel, murugooda, qoomamooda, farxa sidoo kalana aad u carooda sida bini’aadanka. Ilaaha Maxammed waa Ilaah aan aad u caqli badneyn oo dadkuu abuuray ayaa ka xanaajiya, dadkii uu ogaa in ay ka xanaajin doonaan ayuu hadana ka xanaaqayaa.

Noloshii Warmooge iyo la kulankii Eeebbe

Waxaa mudo dhowr bilood ahi ay ka soo wareegtay burburkii dawladii dhexe. Warfaa iyo qoyskiisuna waxaa ay u qaxeen meel baadiye ah oo 50 km dhanka qorraxdhaca ka xigta magaaladii ay ku noolaayeen. Nolosha qoysku waxaa ay ku tiirsan tahay xayn adhi ah iyo beer yar oo xoogay qudaar ah ay ku beereen. Waa habeenimo Isniin ah, qoysku waxaa uu ku hareeraysan yahay dab ay ku shiteen aqalka hortiisa...

Mindida waqtigaa af-tira (2/2)

Qoraalkan kii ka horreeyay (halkan ka akhri) waxaan kusoo sheegnay habkii nooca dhaddig lagu jabiyay oo uu nooca lab hogaanka nolosha ku hantiyay ama dib ugula soo noqday. Halkaana aan kasii anba-qaadno oo aan kasii wadno sida hadba ay isu bed-bedalaysay taariikhdu. Faarisiyiin Faarisiyiintii hore ama Iiraaniyiintii hore waxay aaminsanaayeen in dunida uu iska leeyahay boqor awood badan oo loo...

Mindida waqtigaa af-tira (1/2)

Haweenka sida loo arkayey guud ahaan caalamka iyo darajada ay ku lahaayeen bulshooyinka iyo xuquuqda loo ogolaa waxay soo martey maraaxil badan oo kala duwan. Ummaduhu waxay abuuraan khuraafaddo fara-badan oo qaarna la diimeeyo marka danbe kuna haraan qalbiga dadka, kuwana uu socodka waqtiga tirtiro raadkooda. Dadku markay arkeen in hooyadu wax dhasho kaligeedna wax dhasho waxay u qaateen in...