QoraaSamawade Seeraar

Maxaan u rumaynay “ILAAH”?

Kumannaan ilaah ayaa lagu soo caabuday adduunka. Wotan (ama Odin) wuxuu ahaa ilaaha weyn ee Vikings-ka. Ilaahyada kale ee Viking-ka waxay ahaayeen Baldr (Ilaaha quruxda), Thor (Ilaaha onkodka) iyo gabadhiisa Throd. Snotra (Ilaahadda xigmadda), Frigg (Ilaahadda hooyanimada) iyo Ran (Ilaahadda badaha). Greeks-ku sidoo kale waxay ahaayeen polytheistic (Mushrikiin), ilaahyadoodi waxa kamid ahaa, Zeus...

Tadawurku waa xaqiiqo cilmiya

Waxaad arkaysaa dad si fudud u yasaya aragtidii Daarwiin ee Tadawurka. Waxa qurux badan qofku markuu wax durayo inuu aqoon u lahaado. Iyadoon meel fog laga eegin cadaymaha Tadawurka, adiga akhristaha ah ayaa tusaale nool u ah. Haddaad u fiirsato jidhkaaga waxa laga helayaa xubno aanad u baahnayn oo aan faa’ido buuran kuu lahayn laakin awoowyaashii aad ka soo tafiirantay muhiim u ahaa.

Xulashada Dabeecadda (Natural Selection)

Noole kasta waxa aasaas u ah (DNA) oo laga dhaxlo labada waalid. DNA-du waxay ka koobantahay afar qayb dhismeedyo oo loo yaqaan Nucleotides kala ahna [ Adenine (A), Thymine (T), Guanine (G) iyo Cytosine (C) ]. Qayb-dhismeeyda aynu sheegnay labo-labo ayay isugu xidhmaan, tusaale : (A-T), (C-G), (A-T)  iyo (G-C). Qaabka ay u habaysan yihiin (Isugu xig-xigaan) ayaa u taagan macluumaad (Cord) oo...