QoraaShaafici Xasan Maxamed

Mufakir iyo qoraa ku xeel dheer suugaanta iyo dhaqanka Soomaalida.

Soomaalida iyo Waallida

Waxyaalaha yaabka leh oo ay soomaalidu dadyowga kale kaga duwan tahay waxaa ka mid ah aragtida ay soomaalidu waallida ka haystaan iyo sida ay dadka waalan u la dhaqmaan, waxaana la isweydiin karaa bulsho qarniyo badan soo jirtey in ay sidaas waallida u la dhaqmaan.

Maxay Soomaalidu Diinta si gaar ah ugu jecel yihiin?

Midda kowaad waxaa isu dhaqan eg carabtii diinta islaamka ka hor iyo ka dib ku noolayd dhulkii ay diintu ka soo baxday iyo soomaalida. Carabtaasi waxa ay ahaayeen dad geela aad u jecel, maansooyin ka la aarsi iyo qabyaalad isugu tiriya, uusan ninka ka mid ahi dan u dhiman ee uu sharafta reerkiisa u dhinto, waxa koox mideeyaa ay ahaayeen wada dhalasho keli ah, ragannimadu ay wax sare ahayd oo...

Ma run baad rabtaa mise been?

Diimaha caalamka laga haystaa dhammaantood waa khuraafaad dadka lagu dulleeyo oo uusan jirin ilaah ka danbeeya oo murti iyo aragti dheer leh, waxa aynu se isku koobaynaa diinta islaamka oo ah dhibaato weyn oo caalamka qaarkiis ku yuururta, caalamkaas oo ay soomaalidu ka mid tahay.

Af-Soomaaligu waxa uu baahan yahay badbaadin

Af soomaaligu waxa uu u baahan yahay doodo lagu lagu eegayo in uu sii dhimanayo iyo in kale, waxa aynuna eegaynaa waxyaalo dhawr ah. Dadka soomaalida ah dadka ugu badan oo ay maanta dhegaystaan waa wadaaddada wahaabiyada oo uu hadafkooda koowaad yahay in soomaalida la carabeeyo. Waxa ay aamminsan yihiin in uu af soomaaligu yahay af shaydaan oo ummadda ku hadasha diinta kaga gudban oo ay waajib...

Noole cudurrada faafa gudbiya!

Muslimiinta iyo dadka kale in loo garnaqo ayey mudan yihiin. Muslimiintu dadka kale waxa ay u arkaan dad wasakhaysan maskax ahaan iyo jir ahaanba oo aan lahayn mabda' xalaal ah oo ay aamminsan yihiin iyo diin dhaqankooda hagaajisa. Waxa ay aamminsan yihiin in ay diintoodu diimaha iyo dhaqamada kale ka fiican tahay oo ay tahay diin loogu talogalay in ay dadka oo dhammi qaataan si ay adduunka...

Afka dhexe iyo aagga dhexe

Baxaalliga ama abuuraha afafka waxaa ka mid ah in luqad kasta oo geyi isku xiran lagaga hadlo ay afguriyadeeda ugu faseexsanaato lahjadda bartamaha dhulkaas lagaga hadlo, sababtuna waa ay caddahay oo dadka dhexda joogaa waxa ay ku xiran yihiin kuwa dhinacyada ka xiga oo dhan, laakiin kuwa darafyada degaa iyaga uun baa iska warhaya. Soomaalida haddii aynu tusaale u soo qaadanno gobollada dhexe...

Wahaabiyada ma la carbin karaa?

Firqada Wahaabiya ee uu shiikh Umal ka midka yahay wadaaddadooda ugu waaweyn waa in jiritaankooda la aqbalaa haddii ay dhowr arrimood ka tanaasulaan. Marka kowaad waa in ay qiraan in ay ka mid yihiin bulshada ama shacabka oo aysan gaar ahaan isu bahaysan ee ay dadka ku milmaan. Midda labaad waa in ay joojiyaan xukunka ay qoriga ku doonayaan oo ay dad nabadeed noqdaan. Midda saddexaad waa in ay...

Sheekada Fijiyaayo (Gorfayn)

In kasta oo ay 317 bog keli ah ka kooban tahay waa sheeko dheer oo farta ay ku daabacan tahay baa yaryar oo waxaa lagu madaddaalan karaa cabbaar iyo cabbaar murti leh. Qacda hore qofku magaca FIJIYAAYO ayuu isweydiin karaa waxa uu yahay, waayo ma aha magac soomaalida looga bartay, laakiin waa magac gabar soomaaliyeed oo ay sheekadu ku bilaabanayso, kuna dhammaanayso, taas oo waayaha ugu badan ku...

Gumaystaha reer Yurub maxaa lagu maagay?

Dunida la gumaystey waxa ay sheegaan in gobannimodoonkoodii ay halyeyo u soo halgameen ama kaga dhinteen. Waa arrin wanaagsan, laakiin dal kasta xilliga in uu xoroobey la sheego ka dib waxaa ilbaxnimo u ahaa af ahaan iyo si kasta dalkii gumaystey oo aqoonta iyo tabobarrada waxaa ka darnaa sida uu ugu milnaa dalka oo dhan oo loogu hiranayey ama loogu arkey sarreeyaha af ahaan iyo ilbaxnimo ahaa la...

Macnaha ereyga “Suugaan”

Ereyga ”Suugaan” oo laga wado maansada iyo waxyaalo kale ma aha erey ay soomaalidii hore macnahaas u yaqiinneen ee waxa uu macnahaas yeeshay xilligii kacaanka, laakiin waxa uu ereygu jirey isaga oo macneyaal kale leh. Xilligii kacaanka iyo intii ka danbaysey dad badan oo maansooday baa ereygaas maansooyinkooda ku daray, waxa ayna dadkaasi u badan yihiin dad aan u maansoon sidii dhaqankii hore.