QoraaCabdikariin Shardi

Aniga iyo Qabyaaladda!

Waan ku salaamay qabyaaladeey. War horta salaanteyda ma maqleysaa? Dhago iyo af ma leedahay? Qabiilkaagu waa kuma? Qolamaa tahay qabyaalad quruneey? Koleey cadaawadda innaga dhaxeyso baan ogahay iga qaadi meeysid salaanta. Aniguse dan iyo xaajo kama lihi. Muddo baan goobayey nooca aad tahay. Sida aad u taal. Qaabka aad dadkeyga colaadda ugu dhex huriso. Feyruska ku sababo nociisa. Lakiin waan ku...

Dhoohanayaal!

Marka hore waan ku salaamay. Waxa aan hadda ku fadhiyaa kursiga aad igu fadhiisisay. Waxaan gacanta ku hayaa qalinka aad ii dhiibtay. Waxa aan xidhanahay suudka aad sababteeda laheyd in aan xidhto. Xafiis seddex mitir ah baan ka soo dhex salaamayaa. Waa xafiiski aad adiga i geysay, lakiin miyaad iga qaadan kartaa? Xaasha. Waa hanti aad i amaahisay, lakiin aad dib iiga dhigtay sida wax aan...