QoraaSaacid Kaahiye

Adduunka maxaa sababay?

Su'aashaa waa su'aasha ugu badan ee nala waydiiyo runtii. Waana su'aal mug wayn oo siyaabo badan loogaga jawaabi karo, hasayeeshee waxaan jecleystay in aan maanta isku dayo in aan ugaga jawaabo si aan horay loogaga jawaabin.

Nabinimada Einstein

Albert Einstein 1905-kii wuxuu sheegay in haddii walax mug culus sida qorax, black hole ama bah-qoraxeed ay kala dhex galaan ileyka meesha uu ka soo unkamayo iyo isha eegaysa uu iftiinku leexsamayo oo meeshiisii meelaan ahayn laga arkayo. Dhacdadaas waxaa lagu magacaabaa gravitational lensing.

Shanqadh waliba waa Shabeel

Suurayso bal akhristow aniga iyo adiga oo maanta ku laabanay kumannaan sano kahor iyo waqtigii awoowayaasheen ay ugaarsatada ahaayeen. Maalin maalmaha kamid ah anaka oo kaynta dhex soconna haddaan maqalno shanqar geedaha ka dhex yeeraysa iyo cawska oo lulanaya Kadib adigu aad tiraahdid war meesha Shabeel baa inoogu dhuumanaya si uu inoo kala gooyo ee inaga dhaqaaji, anigana aan kuugu jawaabo war...

Indho-Shareerka Jahliga

Caddaalad in la sameeyo laba Cali oo isku diida lama arko lkn sidee baan caddaalad u samaynaa oo wax u kala qaybsannaa ayay waligeed dooddu ka taagnaan jirtay. Dadka marka la yidhaahdo caddaalad sameeya midba meel buu ula kacaa oo midbaa qabiil laandheere ah ka dhashoo qabyaaladda xoojiya, midbaa taajir ahoo hantiilayaasha xaqa u badiya. Midbaa intuu isaga xoog is bido yiraahda ninka roon reerka...

Islaamku waa nabad iyo naxariis!

Kuwa wax dilayay Allahu Akbar ayay lahaayeen, kuwa la dilayana Ashahaada ayee ku celcelinayeen. Kuwa wax dilaya warmaha musxafka qur'aanka ayaa u surnaa, kuwa la dilayana gaashaanka qur'aan baa ugu qornaa!

Dhulka ma innagaa naloo abuuray?

Dhulkaan aan ku dhaqannahay korkiisa boqolkiiba 71 (71%) waa bado ayna dadku ku noolaan karaynin. Boqolkiiba 29-ka (29%) soo hadhay, saddex u dhig hal dhig, ama 33% waa saxaro iyo lama dagaan. Halka dhig ee soo haray, 20 million oo kilometer in kabadan waa qaaradda Antarctica iyo Arctic oo ah baraf iyo lama dagaan uuna dadku ku noolaan karaynin noloshuna suurta gal ku ahayn!