QoraaWarsame Jaamac

Taariikh nolaleedkii Baruch Spinoza

Spinoza wuxuu ku dhashay magaalad Ameseterdam ee wadanka Netherland sanadkii 1634tii asaga oo ka dhashay reer ka soo jeeda bulshada yahuudda ee ka soo qaxay qarnigii 16-aad bilawgiisii dalka Purtugal kadib makii cadaadis dhanka diintaa ay saartay xukuumaddii Kaatooligga.

Falsafaddii Spinoza

Falsafadda Spinoza waxay ka koobantahay qaybo badan oo muhim ah, waxaanse ku soo koobi lahaa laba qaybood oo aan isleeyahay waa ugu muhiimsan yihiin, labadaas qaybood oo kala ah falsafadda diinta iyo tan siyaasadda. labaadaas qaybood oo si faah-faahsan uu kaga hadlay buuggiisa caanka ah ee Ethics ama Ethica. Sida ay caanka ku ahaayeen aqoon yahamiintii iftiinka ee qarnigii 17-naaad iyo 18-naad...

Percy Shelley: Gabayaagii Falsafadda

Maqaalkii kan ka horreeyay waxaan kaga hadlay Maryy shelly oo ahayd qoraa caan ah oo hadana ahayd afadii gabayaagii iyo faylasuufkii waynaa ee Percy Shelley. Hadaba waxaan jeclaystay in aan wax-yar ka sheego kaalintii uu ku lahaa Shelly aqoonta iyo wacyiga iyo iftiimiinta cilmiga suugaanta iyo falsafadda. Shelley wuxuu ku dhashay Field oo ah goob u dhow Horsham oo ah magaalo ku taal Ingiriiska ...

Mandaleel iyo duunyadiisa

Mandaleel wuxuu ku nool yahay kayn, hawd ama xir. Kaynta waxay ku taal har, bali ama war biyaysan. Waxaa kale oo Kaynta ku nool duunyo ama xoolo qolo waliba le. Mandaleel wuxuu maalin walba ku qadeeyaa mid ka mid ah xoolahaas, biyaha Harada jiifana waa cabbaa. Maalintii danbe waxaa soo galay kalkii ama xilligii bakayle. Mandaleel waa faraxsanyahay oo wuxuu niyada ku hayaa hilibka macaan ee...

Mary Shelley

Inkasta oo aqoonyahankii iftiinku u badnaayeen rag sababo jira awgood,hadana waxaa jira haween kaalin mug-wayn ka qaatay dhaq-dhaqaaqaas. Hadaba waxaan jeclaaday in aan halkan ku xuso qof aan u arko in uu muhiim u yahay iftiiminta cilmiga suugaanta iyo falsafada, waa Mary Shelley.

Baron d’Holbach iyo doodda diidmada Eebbe

Inkasta oo doodda jiritaanka Eebbe ay wax badan soo jirtay oo xattaa ay ka horraysay diimaha bariga dhexe, sida diinta islaamka, kiristaanka iyo waliba diinta yahuudda, hadana in si cad looga horyimaado oo shaki la galiyo waxay ahayd arrin adag oo aan lagu dhiirran karin wixii ka horreeyay qarnigii 18aad. Dadkii isku dayay in ay arrintaas dood ka keenaan waxay bixiyeen qiimo wayn waxay la kulmeen...

Thomas Paine: Faylasuufkii kacaanka

Malahayga ma akhrin faylasuuf ka saamayn wayn Thomas Paine marka ay timaado fikiradda siyaasadda, xuquuqda dadka iyo madax-bannaanida dawladaha hab is xukunka doorashada iyo mataaladda tooska ah ku dhisan. Suuragal maaha inaan halkan ku soo koobo taariikhda iyo fikiraddii Thomas Paine balse waxaan ku hakanaynaa oo si kooban uga hadli doonnaa laba qodob oo kala ah kaalintii uu ku lahaa kacaankii...