QoraaDr. Maxamed Xirsi

Maasooniyadda: Hummaagga Cabsida

Muddo dhawr sannadood laga joogo ayaa maalin uu nin nooga warramay duni wada argagax ah oo ay wax kaste gacan qarsoon ku maamusho Maasooniyadda Caalamiga ahi, waxa uu nagu yidhi: "Maasooniyaddu waa koox qarsoodi ah oo haddana wax kaste og isla markaana maamusha, waxa ay la socdaan cid kaste oo sirtooda wax ka ogaata oo ay dilaan haddii aanay iyaga u shaqeyn".

Macno-darrada sharka iyo masuuliyadda basharka

Erayga “macno-darrada sharka” waxa suuqa fikirka si weyn u soo galisay faylasuufad yahuudiyad ah oo lagu magacaabi jiray Hannah Arendt taasi oo macno darro ku tilmaantay in lala xisaabtamo nin ka mid ahaa Naasiyiintii xasuuqay yuhuudda oo ay ku difaacday in uu ahaa qof caadi ah , la maandooriyay , la askareeyay heer uu waayay awooddii fikirka ama waxa qudha ee uu ku fikiri karaa noqday fulinta...