Awaala warranka Quraanka ee arrimaha uurjiifka RUN mise BEEN?

A
Sida Muslimiinta dhexdooda ku shaacsan, waxyaabaha caddaynaya inuu Quraanku haddal Eebbe yahay, waxaa ka kow ah inuu ka warramay wax aanay ka war hayn dadkii noolaa xilligii uu soo degay.
Haddaba waa daruurri inaan arrinkan dhab ahaanshihiisa si xeel dheer u dhugano sheegasho iyo shicaar dabadoodna runta sheegno. Arrimaha ugu waaweyn awaala warranka Quraanka waxaa kamida uurjiifka iyo abuurkiisa. Quraanka iyo Xadiiskana arrinkan aad baa loogaga warramay.

Aan ku billaw nee si aan sheegashada Quraanka u xaqiijinno horta waxaa is waydiin muda;

  1. Ma runbaa inaan quraanka hortiis arrinkan waxba laga aqooni?
  2. Haddiiba se laga yaqiin maxaa laga yaqiin?

Suuragal maaha inaan ka hadalno taariikhda aragtida uurjiifka innagoon xusin (Joseph Needham). Sanadii 1931-kii Taariikh yahankii sayniska ee Joseph Needham waxuu daabacay buuggiisii saddexda mujallad ahaa ee (Chemical Embryology), buuggan oo afartiisii chapter ee ugu horreeyay uu ka horjeediyay qoraagu ardaydii jaamacada London, waxaa markii danbe laga dhigay buug gooniya waxaana loo baxshay (A History of Embryology). Daabacaaddiisa labaad buugani waxuu u qaybsan yahay afar qaybood, kuwaas oo kasoo bilaabmaya aragtida aadanaha ee uurjiifka sula illaa qarnigii Sideed iyo tobnaad.

Cutubka koowaadba Needham waxuu kaga hadlayaa aragtiyaha dadkii hore ka haysteen uurjiifka iyo uur ku jirtaba. Ku dhowaad 1400 oo sano kahor dhalashadii Ciise, Masaaridii hore waxay xundhurta u yaqaaneen saldhiga nolosha ma ayse qabin in uurjiifku nool yahay intaanu dhalan ka hor.
Qoraalladii ugu horreeyay ee ka hadlaya uurjiifka waxa loo tiiriyaa Faylasuufkii reer Giriig ee (Hippocrates) kaas oo noolaa (460 CH–370 CH). Needham‘na waxaabu ko doodaa inuu yahay qofkii u horreeyey ee si dhaba cilmigan uurjiifka u diraaseeyey “First true embryologist”, Ibaquuris waxa la sheegaa inuu yahay ruuxii ugu horreeyay ee ka hor yimi aragtida (Preformationism) taas oo ah sida giriigii hore aaminsanaayeen in uurjiifku isagoo yar se samaysan (Miniature) biyaha Aabaha la socdo, Ibiquuras se waxuu qabay aragtida horumarka uurjiifka.
Isla cutubka kowaad Needham waxuu kaga hadlayaa indha indhayntii Aristotle (384 CH–322 CH), Aristotle waxuu darsay uurjiifka marxaladihiisa kala duwan isagoo eegayey noolayaal kala duwan, Needham‘na waxaabu ku sheegayaa suurtagalnimada inuu Aristotle arkay uurjiif Aadane. Aristotle waxyaabahii uu ku arkay uurjiif yadii noolayaasha kala duwan waxaa ka mid ahaa isku ekaanshaha heerarkooda korriimeed.

Haddaba marka laga hadlayo cilmiga uurjiifka (Embrology) iyo Islaamka ruuxa ugu muhiimsan waa (Aelius Galenus) ama (Claudius Galenus). Gaaliiniyoos oo wax qori jiray intii u dhaxaysay (150 -180 C.D) waxuu ahaa dhakhtar iyo faylasuuf giriiga ah, waxaana lagu tilmaama inuu yahay (The most accomplished of all medical researchers of antiquity), waana Aabaha cilmiga uurjiifka intii ka horaysay qarnigii 18’aad. Buugaagta Galiiniyoos waxaa kamida buuga (Corpus Medicorum Graecorum) ama (Galen,On semen) waa turjumaadda (Phillip De Lacy), buuggan marka aad gaadho inta u dhaxaysa bogga (92-95) Galiiniyoos wuxuu sheegayaa in uurjiifku maro afar marxaladood.

  1. Marka u horraysaa uur jiifku waa dhibic mani ah (Drop of semen).
  2. Marka labaad uurjiifku waa carjaw aan weli xubnihii jirku kala saarnayn (bloody vascularised embryo with unshaped brain, liver and heart).
  3. Marka saddexaadna waxuu yidhi waa sidii cad oo kale “the form of flesh”.
  4. Marka afraadna waa uurjiif dhammaystiran.

Abla’ablaynta Gaaliiniyoos ee marxaladaha korriikiinka ma moodaa midaad hore u maqashay?! Haa waad maqashay..

(ثُمَّ خَلَقْنَا النُّطْفَةَ عَلَقَةً فَخَلَقْنَا الْعَلَقَةَ مُضْغَةً فَخَلَقْنَا الْمُضْغَةَ عِظَامًا فَكَسَوْنَا الْعِظَامَ لَحْمًا ثُمَّ أَنشَأْنَاهُ خَلْقًا آخَرَ ۚ فَتَبَارَكَ اللَّهُ أَحْسَنُ الْخَالِقِينَ) Muminun:14

Waxa jira qisooyin badan oo ku saabsan sida aqoonta iyo aragtiyihii Gaaliiniyoos kusoo gaadheen jasiirada carabta, mid kamid ahina waxay sheegtaa in qorraalladii Gaaliiniyoos iyo Aristotle loo turjumay luuqadda Suryaaniga (Syriac) kadibna lagu dhigi jiray Iskoolkii caafimaadka ee (Jundishapur) kaas oo ku yiil meesha ay hada tahay Iran. Waxaana la sheegaa in Xaarith Bin Kaldah (الحارث بن كلدة) laguna naanaysi jiray dhakhtarkii carabta (طبيب العرب) uu wax kusoo bartay (Jundishapur), ninkani waxuu ahaa Saxaabi kamida saxaabadii nebiga sidoo kalena waxaabu qabay nabiga habaryartii, waxayna wada noolaayeen nabiga ku dhowaad 20 sano, ninkani waxuu ahaa ninka Maxamed kala tashan jiray dhammaan arrimaha caafimaadka oo saxaabada kii meel laga qabto u diri jiray..

قال القفطي:(وأدرك الحارث بن كلدة الإسلام وكان رسول الله صلى الله عليه وسلم يأمر من كانت به علة أن يأتيه فيسأله عن علته)
أخبار العلماء بأخيار الحكماء، جمال الدين القفطي، حرف الحاء المهملة في أسماء الحكماء، ج1 ص 73.

Hadaba waxaa is waydiin mudan hadiiba xattaa korriinka uurjiifku sida Quraanku u sheegay noqon lahaa, yaa mudan sheegashada icjaazka ma Nebiga mise Gaaliiniyoos?.

Ugu danbayntii inagoo isku darayna Gaaliniyoos iyo quraankaba ma runbaa waxa ay sheegeen?.
May!
Qorraha quraankuna khaladaad badan oo cilmiya ayuu galay kolkii uu ka waramayey uurjiifka.
Ta koowaad.

Insaan:2 (إِنَّا خَلَقْنَا الْإِنسَانَ مِن نُّطْفَةٍ أَمْشَاجٍ …..).

Sida uu qorayo Qaamuuska ereyada Af-Carbeedka (معجم المعاني) Macnaha erayga
أَمْشَاجٍ waa أخلاط( Isku dhaf)نُّطْفَةٍ أَمْشَاجٍ . خليط من ماء المرأة وماء الرجل “Isku dhaf biyaha ninka iyo gabadha ah”.

Tafsiirka Ibn-kathiirna waxuu ku micnaynayaa aayadda sidan:
(إنا خلقنا الإنسان من نطفة أمشاج) أي : أخلاط والمشج والمشيج : الشيء الخليط ، بعضه في بعض

قال ابن عباس في قوله : ( من نطفة أمشاج ) يعني : ماء الرجل وماء المرأة إذا اجتمعا واختلطا ، ثم ينتقل بعد من طور إلى طور ، وحال إلى حال ، ولون إلى لون . وهكذا قال عكرمة ، ومجاهد ، والحسن ، والربيع
بن أنس : الأمشاج : هو اختلاط ماء الرجل بماء المرأة .

Sidoo kale xadiiska Nebiga ka sugan sidii laysku ogaa isagoo aaayadda sii caddaynaya waa sidan.

فعن أنس رضي الله عنه قال: بلغ عبد الله بن سلام مقدم رسول الله صلى الله عليه وسلم المدينة فأتاه فقال  إني سائلك عن ثلاث لا يعلمهن إلا نبي قال: ما أول أشراط الساعة ؟ وما أول طعام يأكله أهل الجنة ؟ ومن أي شيء ينزع الولد إلى أبيه ، ومن أي شيء ينزع إلى أخواله ؟… وأما الشبه في الولد فإن الرجل إذا غشي المرأة فسبقها ماؤه كان الشبه له، وإذا سبق ماؤها كان الشبه لها ، قال : أشهد أنك رسول الله .

Sida xadiiskan iyo axaadiis badan oo lamida arrinkanna ku soo aroortay ka muuqata Nebigu waxuu sheegay in ilmaha laga abuuro labada biyood kuwa Hooyada iyo Kuwa Aabaha, u ekaanshuhuna waxuun buu ka dhashaa hadba labada biyood ka sarreeya.

F.G Malahase weli cidi isma waydiin sida yahuudka nebiga imtixaamayey isagu arrinka ku ogaaday ilaa diintooduna kama haddal e.

Sida hadda la og yahay uurjiifku wuxuu ka samaysmaa manida ragga iyo ugxanta dumarka oo isku tegay, mana jiraan biyo dumarku leeyihiin oo ka qayb qaataa.

QORMO LA XIRIIRTA:  Muxuu ka aaminsanaa nabi Maxamed ugxanta dumarka?

Khaladaadka Qoraaga quraanku galo goorta uu ka warramayo uurjiifka iyo axwaashiisu arrinkan kuma koobna e waxaa kaloo kamida;
Kala horraynta lafaha iyo jidhka, Manida ama biyaha meesha lagu sameeyo ama ay kasoo baxaan, maxaa go’aamiya jinsiga uurjiifka iyo kuwo kale oo dhammaantood u baahan in qormooyin gaara si faah-faahsan looiga hadlo.

Geba-gebaddii kollayba waxaad la soo boodi doontaan (Keith L. Moore) baa yiri sidaas iyo sidaas aan idin xasuusiyo walalayaal Saynis waxyi maahoo ma jirto cid loo dabo fariistaa. Ciddii wax cusub keentana waa lala eeggaa (Peer review) oo hadduu saxan yahay waa lala qaataa hadduu khaldan yahayna waa lagu celiyaa, hebel baa saa yidhina meesha kama shaqayso oo diin iyo axaadiis la werin maayee, hadaad waxaa quraanku qabo saynis qaba haysaan waa axsan haddii kalena idin anfici mayso Keith baa sidan yiri iyo bahaa bahaa.

من كان يومن كيث مور ، فإنّ كيث قد مات، ومن كان يومن العلم فإن العلم حيّ لا يموت،
وَمَا كان كيث إِلاَّ عالما قَدْ خَلَتْ مِن قَبْلِهِ العلماء

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
1 Comment
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Ahmed
Ahmed
2 Bilood Kahor

War niyahow Allah ka cabso qur aanka waa kalaamka Allah meel uu kasoo galay qalad anaga ma arakno waa wax adiga kuu kali ah

W/Q: Aadan Cali