Baratanka Alshabaab

B
Waa barbaar caato la miiqmay, gar iyo shaaribana aan dhabankiisa lagu arag. Waxa uu ku dul fadhiyaa roog, wuxuuna si aan libiqsi lahayn u dhawrayaa Kitaab Quraan ah oo uu tobanka farood ba ku hayo. Daaqad garabkiisa ku aaddan waxaa ka soo muuqday cadceeddii oo qof baarkiis joog le’eg. yabaq iyo alalaas qofka miyirkiisa shaxaadaya ayaa bannaanka daaqadda ka baxaya. Balse, barbaarku dhegey-jalaq uma lahan oo waxa uu ku dhaygagsan yahay kitaabka hortiisa yaal. Macallinkiisa madarasada ayaa waxa uu ku yiri, “Dadaal oo isku day in aad dhibco sare keento, haddii aad sidaas yeesho, waxa aad ku guulaysan doontaa wax barasho dibadda ah”. Weedhahaasi waxa ay cariyeen hamuuntii iyo xiisihii uu waligiisba u qabay waxbarasho dibadda ah.

Dalxa Cali shantii sano ee u dambaysay waxa uu ku noolaa waxna ka baranayay masaajidka AlHidaaya ee Muqdisho. Waxaa uuna ka tirsanaa dariiqada Tabliiq oo ah firiqo Islaam Sunni ah, caanna ku ah in ay si nabad gelyo ah dadka makhaayadaha uga hanuunniso. Masaajidku waxa uu ku yaallaa xaafadda Waxara-cadde oo ku taalla nawaaxiga degmada Huriwaa oo ku taalla dhul-joogsare ah oo kulaala xeebta. Waxbarashadu waxa ay ahayd mudnaanta koobaad, noloshuna waa ay iska fiicnayd. Marka laga reebo maalmaha Jimcayaasha, oo uu qoyskiisa la soo joogi jiray ma ahee, inta kale madarasada ayuu joogi jiray. Isku soo duub oo in dal sidaas u fog sida Baakistaan ama Bangaaladheesh oo kale waxbarasho loogu tacabiro waxa ay ahayd arrin mudnaanteeda iyo xiiseheedaba leh. Waana sababta uu u sugi la’yahay maalinta ay imaanayso.

Meel xoogaa durugsan waxa laga maqlayaa rasaas aan kala joogsi lahayn oo si darandoorri ah u dhacaysa. Madaafic ayaa la maqlayaa. Waxaa aad mooddaa in ay xabbaddu soo dhawaanayso. Dareenkiisi kitaabka ku libdhay ayay rasaastu soo jeedisay. “Tolow, ma dhankayaga ayay u soo soctoaa?” Ayuu isku la sheekaystay. Waxa uu odorosay in ay in aysan ka dheerayn gawaanka diyaaradaha ee Caysaley. Waa dagaalkii sadexaad ee bishan gudeheeda ka dhaca. Dagaal-ogeyaashu dooni maayaan in ay lumiyaan. Waase ay lumin donaan haddii Rabbi Idmo. Gacanta mujaahidiinta ayayna gali doontaa.

Dalxa arrintaasi qalbigiisa ayay xadantaynaysaa. Laabta ayuu kala jiraa Mujaahidiinta.
Balse, keligiis kuma ahan taas. Bishii May 2006-dii dadka caasimadda Muqdisha oo dhan waxa ay uurka kala jireen Mujaahidiinta Islaamka ee iskood isu abaabulay si ay magaalada uga sifeeyaan dagaal-oogayaasha iyo malayshiyadooda oo muddo shan iyo tobankii sano ah magaalada ku-amar-ku-taag laynayay.

Had iyo jeer dagaalladu waxa ay saamayn culus ku yeelan jireen dadka badhtama magaalada daggan. Xaafadaha durugsan sida degmada Huriwaa oo kala waa ay ku yaraayeen saamaynta dagaalladu. Dadka ladan waa la afduuban jiray, waxaana laga qaadan jiray lacago madax-furasho ah. Sabool iyo mid wax haystaana waxa ay ku khasbanaayeen in ay lacag ku dhaafaan isbaarooyinkii dagaal-oogayaasha ee meel walba yiillay. Qof waliba waxa uu khatar ugu jiray dhac sababi karay geeri aan cago badan ku taagnayn. In yar oo aad ka dhago-adaygto amarada uu bixinayo askariga iska caraysan waxa ay sababi kartay geeri degdeg ah. Dadka magaaladu waa ay ka daaleen dhibta iyo geerida joogtada ah. Ugu, dambaynna aad bay u jeclaayeen in ay mar uun arkaan cid isku taagta dagaal-oogayaasha, dibna usoo celisa nabaddii iyo ammaankii ay magaaladu beri ku naalloon jirtay.

QORMO LA XIRIIRTA:  Soomaalida iyo isku-rumaynta!

Bishii labaad ee sannadkaas dagaal-oogayaashu waa ay is gaashaanbuursadeen, waxa aynna weeraro joogta ah ku ekeeyeen malayshiyadii Islaamiyiinta ee madaxa la soo kacayay. Balse, si is xig-xigta ayay Mujaahidiintu ugu gacan saraynayeen goob waliba oo la isku farosaaro.

Qofkii arkaa waa uu la yaabi lahaa sida ay dhallinyarada Madarasaduhu ugu laab keceen dagaallada iyo guulaha mujaahidiinta. Dalxa Cali iyo dhallinyarada la filka ahba, fiid waliba marka ay salaadda cishe ka soo baxaan waxa ay isugu imaan jireen si ay isaga waraystaan wararkii ugu dambeeyay ee furinta. Mar waliba warar lagu farxo ayay idaacaduhu ka soo tabin jireen goobaha dagaalka; mujaahidiinta oo talisyo cusub furtay, isbaarooyin gubay, dhismeyaal muhiim ahna gacanta ku dhigay ayay ahaayeen wararkii iska soo dabo dhacayay.

Dhallinyarada waxbarata waxa ay aad u xiiseeyeen, wararka sheegaya in saaxiibadoodi waxbarashadu ay iskuuladii ka tageen isla markaana ay ku biireen mujaahidiinta, in badan oo iyaga ka mid ahina ay hogaaminyaan weerarrada muhiimka ah. Cali mar hore ayay dabayshaasi xushay oo cago badan kuma uu taagna. Waxaa sii dhiirrigalinayay walaalkiis ka wayn oo isagu mar hore ku biiray xarakada Mujaahidiinta. Balse, weli waa kan, iskuulkii ayuu fadhiyaa. Waa uu fakarayaa.

War farxad leh ayaa soo dhacay. Guushii ugu waynayd ayay Maxkamadihii Islaamiyiintu gaareen. Waxa ay gacanta ku dhigeen Xerada Dayniile oo talis iyo madaxtooyaba u ahayd mid ka mid ah dagaal-oogayaasha kan ugu awoodda badan waa Maxamed Qanyare Afrax. Talisku waa isla halkii ay dagaal-oogayaashu muddo yar ka hor ku shireen, isla markaasna uga dhawaaqeen isbahaysigii la magac baxay “Soo celinta Nabadda iyo La dagaallanka Argagixisada”. Markiiba Maxkamaduhu waxa ay ku dhawaaqeen xaruntu in ay noqon doonto maxkamad Islaami ah. Cali iyo saaxiibadiisna guushaas waxa ay u dabaal -dageen iyaga oo masaajidkoodi jooga.

Farxaddii guusha ee Cali siima jirin markii warka labaad soo dhacay. Waxa uu ahaa war dhiillo leh. Cali walaalkiis waxa uu ku dhintay weerarkii taliska lagu furanayay, waxaana maydkiisa laga helay meel Wasaaradda Difaaca Qaranka u dhaw.
Immika ayaad mooddaa in uu naftiisa ka fooliyay go’aankii ay in badan rimanayd.

Bartamihii bisha Juun, wakhti habeenimo ah ayaa Cali iyo saaxiibkiis ka soo dhuunteen masaajidkii ay ku jireen. Waxa ay usoo dhaadhaceen dhanka magaalada.
Laydhadhka wadooyinka ifiya magaaladu ma ay lahan, balse dayax shan iyo tobnaad ah ayaa ka caawiyay in ay soo jiiraan dhirta sidii kayntii magaalada uga dhex baxday iyo qashinkii goob walba yaallay. Waxa ay soo jibaaxeen guryo ay rasaas iyo qaraxyo is daba joog ahi halakeeyeen oo aad mooddo in ay ku yaallaan magaalo dadkeedi la halaagay. Socod dheer ayay kusoo mareen saddexda degmo ee Yaaqshiid, Wardhiiglay iyo Hawlwadaag, illaa ay ka soo gaareen cirifka Degmada Hodan oo ah halka ay reerahoodu yiilleen. Cali iyo saaxiibkiis waa ay kala bayreen nin walibana waxa uu qabtay halkii uu qoyskooda ku ogaa. Aad bay ula yaabeen qoyskii marka ay arkeen, wuxuuse ugu laab qaboojiyay in uu fasax gaaban ka soo qaatay waxbarashadii.

QORMO LA XIRIIRTA:  Hagaajinta ummadda

Dhawr saacadood kadibba, Cali markii uu ka tagay guriga, waxa uu la soo hadlay qoyskiisi, waxa uuna u sheegay in uusan waxbarashadii dib ugu laabanayn, ujeedkiisuna yahay in uu ku biiro Xarakada Mujaahidiinta ee “Al-Shabaab” oo markan ka mid ah Midowga Maxaakiimta Islamiga ah. Durba waxa uu la xiriiray Aadan Xaashi Cayrow oo ah sarkaalka hogaaminaya garabka milatariga ee Mujaahidiinta, isla markaasna dhawr bilood ka hor qortay walaalkiis.

Isla maalintiiba waxa uu aaday xaruntii hore ee Mliatariga Soomaalida. Xaruntan oo xiligii gumaysiga loogu yeeri jiray Circolo Ufficiale ayay Midawga Maxaakiimtu todobaad ka hor gacanta ku dhigeen. Cali halkaas ayuu ka bilaabay tallaabadiisi ugu horraysay ee jihaadka. Codsigiisii waa la aqbalay, saacado gudahoodna waxaa loo qaaday kaamka Oodwayne oo ku yaalla dulleedka Magaalada Muqdisho. Halkaas ayuuna ka ambaqaaday tababarkiisii jihaadka. Waxa uuna ka mid noqday kumannaan dhallinyaro Soomaali ah oo is-diwaan galiyay intii u dhaxaysay billihii Maarso iyo Juun, daraasiin dhallinyaradaasi ka mid ahina waxa ay ka yimaadeen madarasaddiisi.

In badan oo dhallinyarada dagaalamaysa ka mid ah waxa ay is qorreen wakhtiga dagaalka. Qaar ka mid ah, sida Cali oo kale , waxaa riixayay ujeeddo gaar ah. Qaar kale waxa ay doonayeen in ay qayb ka noqdaan guul ballaaran oo ay rajaynayeen in la gaari doono. Kuwo kale jacaylka ay dirirta iyo qoriga u qabaan ayaa madax martay oo ujeeddo intaas dhaafsiisan ma aysan la hayn. Qaar kalana sababo kale -sababo ay ka mid yihiin Jihaad iyo dagaal barakaysan oo ay Eebbe dartiis u qaadaan iyo shareecada Islaamka oo dhulka lagu xukumo.

Saddex sannadood ka dib waraysi laga qaaday Cali, markii uu xasuusto sida maskaxdiisa loo maalgashaday, kelmadna waa uu celin waayaa. “In aan dhinto oo aan shahiido ayaa iga go’nayd” ayuu yiri. Waxa ay ahayd shaqo aad uga dhib badan sidii uu malaynayay.

Tixraac: Buugga Inside Al-shabaab
JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments