Bare Sare Maxamuud (Xamdi) iyo Galileo Galilei halkee ayay iskaga egyihiin?

B
Tan iyo goortii insaanku bilaabay in ay eegaan kana fakaraan hawada sare, waxa ay aaminsanaayeen in dhulku yahay midka ugu muhiimsan dunida, dhammaan walxaha kale ee ay ishu qabatana yihiin kuwo ka yar Dhulka. Waxa ay u arkayeen dhulka mid fidsan oo aan dhaqaaq samayn oo ay cadceedda iyo walxaha kaleba dul heehaabaan, sidii aqal soomaali oo kale, halkaas oo uu dhulku fidsan yahay, cirka oo ah walax xajmi lehna ku dahaaran yahay Dhulka. Cirka waxaa ku sharaxnaa walxo ifaya oo bilic u samaynayay. Kolkii ay diimuhu soo ifbaxeen, ayaguna waxba kama aysan badalin hab-fakarkii insaanka, maadaama diimuhu aysan la imaan aqoon maadi ah oo ay la yimaadeen shuruuc iyo qawaaniin. Ma jirto diin soo kordhisay hal aragti oo cilmi ah oo uu aadanuhu manaafacaadsaday, balse waxa ay dhammaan la yimaadeen shuruuc iyo xeerar uun.

Dhulka fidsan

Ayada oo aragtiyaha noocaas ahi iyo taliskii kaniisadahaba ka calan-walaynayaan Yurub ayaa waxaa markii ugu horraysay la yimid aragti middaasi ka duwan xagga ahmiyadda dhulka iyo booskiisaba nin u dhashay dalka maanta loo yaqaano Poland oo lagu magacaabo Nicholas Copernicus (1473-1543) kaas oo sheegay, in Dhulka uusan ahayn bartanka dunida, taas badalkeedana ay cadceeddu tahay bartanka dunida (heliocentrism), waxa aynu aragnaana ay ayada ku meeraystaan. Waa ay jireen rag uga horreeyay aragtida, balse habkiisa iyo sida uu ugu muujiyay buuggiisa “On the Revolutions of the Heavenly Bodies” ayuu ku helay in asaga loogu magacdaro habkiisan “Copernican System”. Copernicus waa qoraal gooni ah oo waxba ku fogaan maayo.

QORMO LA XIRIIRTA:  Diimuhu waa dad samee!
Galileo Galilei

Galileo Galilei (1564-1642) waxa uu rumaystay aragtidii Copernicus, waxa uuna isku dayay in uu caddeeyo, asaga oo adeegsanaya muuqdhoweeyaha uu asagu samaystay, balse aragtida uu aaminay Galileo waxa ay ka hor imaanaysay kaniisadda (Catholic Church) halkaas waxaa ka dhashay in lagu eedeeyo Galileo in uu diin ka bax sameeyay waxaana dhawr goor dhalleeceeyay xeerbeegti kaniisadda ah. Asaga oo adeegsanaya muuqdhoweeyahiisa cusub ayuu wax badan ka daahfuray meerayaasha kale sida dayaxyada Jupiter iyo wajiyada Venus. Asaga oo xogtani cusub adeegsanaya ayuu horumariyay aragtidii Copernicus. Xeerbeegtidii waxa ay ku tilmaameen aragtidan cusub ee habka Copernican mid gaalnimo ah, waxa ayna uga digeen Galileo in uu aaminsanaado, difaaco ama xataa sii faafiyo. 1632-dii Galileo waxa uu daabacay buugiisii “Dialogue Concerning the Two Chief World Systems” oo uu ku difaacayay aragtidii Copernicus iyo in mawjaduhu yihiin caddayn in dhulku dhaqaaqayo. Qoraalkaasi kadib xeerbeegtidii waxa ay ku heleen diin-daba-maryayn, waxa ayna ku xukumeen xabsi aanan waqti go’an lahayn.

Galileo waxaa la galiyay xabsi guri, gurigiisa oo ku yaalay meel u dhow magaalada Florence ee dalka Talyaaniga, halkaas ayuu ku xanuunsaday, kuna indho-beelay, ugu dambaynna halkaas ayuu Galileo ku geeriyooday. Hadalada dhaxalgalka noqday ee Galileo laga qoray intii ay kaniisaddu ku eedaynaysay gaalnimada waxaa ka mid ahaa oraahdiisii caanka ahayd ee uu ku lahaa, “Ma dareemayo in ay waajib igu tahay in aan rumeeyo in isla Ilaahii nagu mannaystay dareenka, sababaynta iyo garaadka uu noo qorsheeyay in aan ka tagno adeegsigooda

Waxa lagu haystay Galileo waxa ay ahayd arrin laga doodi karay, loona caddayn karay qaladaadkiisa, asaguna uu caddayn karay sax ahaanshadiisa, balse taas badalkeeda, wadaadadii kaniisaduhu ma aysan doonayn in dadka garaadka lihi ay kasoo dhex muuqdaan bulshada. Waxa is hayay waxa ay ahaayeen rumayn iyo sababayn.

QORMO LA XIRIIRTA:  Haweenow xorriyadda cadaaladdaa ka horraysa
Maxamuud Jaamac Xamdi

Bare Sare Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi) ahna murashax shahaadada sare ee PhD-da ee culuumta falsafadda ayaa sanadkan bilawgiisa lagu xiray magaaladda Hargaysa laguna xukumay labo sano iyo bar xabsi ah, ayada oo lagu eedeeyay in uu u gefay Allaah, kadib markii uu qoraal ku qoray bartiisa Facebook-ga. Qoraalkiisa ayuu ku sheegay Bare Maxamuud in baryada Alle la baryo oo biyo/roob laga baryo aysan ahayn istiraatiijiyad wanaagsan oo wax looga qaban karo abaaraha. Arrintani waxa ay ahayd mid xoojinaysa wax qabsiga bulshada iyo isku tashiga ku dhisan u diyaar garowga dhacdooyinka sida abaaraha oo kale ah.

Wadaado ayaa sii huriyay arrinkii oo ku tilmaamay Bare Maxamuud dhammaan waxii magacyo ahaa ee jiray sida gaalnimo IWM. Balse Bare Maxamuud ma u gefay Allaah mise waxa uu doonayay in bulshadu ay isku tashato oo ay caqliga kaashato, halkii ay Allaah uun u gacmo hoorsan lahaayd goorta ay abaari dhacdo?

Bare Maxamuud waxa uu qoray buug (eeg sawirka hoose), kaas oo dhowaan la daabici doono, buuggiisa haddii aad u fiirsato, Bare Maxamuud waxa uu dadka ku dhiirri-gelinayaa in ay illaahay keliya addoon u noqdaan. Haddaba ma qoraalka Facebook-ga ayaa mudan in lagu mutaysto laob sano iyo bar xarig ah, mise buugga ayaa mudan in lagu helo nolol xoriyaddeed oo abadi ah?

Gunaanadku waxa uu yahay in Bare Maxamuud u xiranyahay isku dhaca caqliga ku dhisan cilmiga iyo addoonsiga wadaadada ee ku salaysan rumaynta indha la’aanta ah. Bare Maxamuud waxaa lagu eedeeyay ilaahii uu lahaa kaligiis addoon haloo noqdo, in uu u gefay!

Xorriyadiisa haloo soo celiyo Macalin Maxamuud.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

Aragtidaada kudar qormadan

avatar

My Bookmarks

Follow Us

[likebtn theme="padded" counter_type="subtract_dislikes" tooltip_enabled="0" white_label="1" newline="1" popup_disabled="1"][cbxwpbookmarkbtn]

Send this to a friend