Baron d’Holbach iyo doodda diidmada Eebbe

B
Inkasta oo doodda jiritaanka Eebbe ay wax badan soo jirtay oo xattaa ay ka horraysay diimaha bariga dhexe, sida diinta islaamka, kiristaanka iyo waliba diinta yahuudda, hadana in si cad looga horyimaado oo shaki la galiyo waxay ahayd arrin adag oo aan lagu dhiirran karin wixii ka horreeyay qarnigii 18aad.

Dadkii isku dayay in ay arrintaas dood ka keenaan waxay bixiyeen qiimo wayn waxay la kulmeen cadaadis, qax iyo dil. Hadaba qarnigii 18aad waxaa yurub ka bilawday dhaq-dhaqaaq aqoonyahan ah oo rabay in is badal lagu sameeyo hab dhaqanka, fikirka iyo ilbaxnimada yurub iyo adduunkaba, xilligaasna waxaa lagu magacaabay “The Age of Enlightenment” ama waayihii iftiinka.

Aqoonyahannadaas waxaa saldhig u ahaa magaalada Paris waxaana jiray madal ama salons ay isku waydaarsadaan aqoonta iyo wacyiga markaas ka jiray yurub iyo aduunka sida cilmiga dhaqaalaha, akhlaaqda, suugaanta, diinta, siyaasadda, adduunka iyo jiritaanka aadanaha. Raggii doodahaas ka dhex muuqday waxaa ka mid ahaa Danis Diderot, Jean-Jacques Rousseau iyo Voltaire. Hayeeshee doodda ugu adag oo ugu qatarta badan waxaa keenay mid ka mid ah raggii ugu cad-caddaa aqoonyahankii iftiinka gaar ahaan saloonadii doodaha ee Paris. Waa Baron d’Holbach.

Baron d’Holbach wuxuu ku dhashay dalka jarmalka gobalka Rheinland-Pfalz ee ku yaalla dhinaca koofur galbeed ee waddanka dabshidkii 1723 wuxuuna ku dhintay Paris taariikhdu markay ahayd 1789. Baron wuxuu ka dhashay qoys hodan ah ama ladan wuxuu u dhoofay oo dagay waddanka Faransiiska wuxuuna halkaas ka sameeyay Salon ay aqoonyahanku ku kulmaan oo ay isku dhaafsadaan aqoonta iyo xogta. Baron ayaa wuxuu ku soo galay doodda in uusan jirin Eebbe ama ilaah adduunka abuuray, wuxuu qoray buug caan ka noqday qaaradda yurub saamayn wayn-na ku yeeshay fikirka iyo wacyiga yurub iyo adduunka. Buuggaas waxuu ku magacaabay “The System of Nature” ama habka dabeecadda.
Wuxuu ku dooday in dadku ay ku qaldan yihiin figradda iyo doodda in Eebbe jiro waayo Eebbe maysan arag, cid aragtayna maysan arag, in ay arkayaanna cadayn uma hayaan sidaa darteed waxaa qalad ah in doodda Eebbe ku saabsan la keeno.

QORMO LA XIRIIRTA:  Xiisaha Nolosha

Taariikh yahanka wayn ee Will Durant wuxuu leeyahay qoraalka Baron wuxuu saamayn ku yeeshay aqoonyahankii diin-diidka ahaa ee qaaradda yurub ka dhashay qarnigii 19aad, wuxuu tusaale u soo qaatay gabayaagii waynaa Bercy Shelly oo akhriyay qoraallada Baron.  Faylasuufkii caanka ka ahaa ee Voltaire ayaa sheegay in buugga “The System of Nature” uu noqday buug aad ugu faafay dadka aqoonyahanka ah rag iyo dumar iyo waliba dad waynaha oo dhan.

Baron wuxuu dhintay wax yar ka hor kacaankii Faransiiska waxaa lagu aasay magaalada Paris kaniisadda caanka ah ee Saint Roch. Ilaa hadda taariikhyahannadu waxay la yaaban yihiin sida kaniisadda loogu aasay aqoonyahan geed dheer iyo mid gaaban u fuulay in uu diinta gilgilo oo bushi ku furo! Jawaabtu waxay noqon kartaa in uu adeegsaday magac been ah markii uu qoraalka qoray magacaas oo ahaa Jean Baptiste taas oo meesha ka saaraysa in la garto qofka buugga qoray.

Buugaagta ku xusan qormadan iyaga oo elektaroonik ah waxaad ka soo dejisan kartaa eMaktabad.com
JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

3
Aragtidaada kudar qormadan

avatar
1 Faallooyinka
2 Jawaabaha
0 Followers
 
Faallooyin xiise leh
Faallooyin shidan
Cusub Hore Ugu codka badan
Mubaarak
Mubaarak

Ilaahay wuujiraa wuuna jiridoonaa

Liibaan abdulkadir
Liibaan abdulkadir

Sax wuu jira wuuna jiri doona

Luqman
Luqman

Lama hayo Ilaah bal meel ku sheega wa idinkan isu marag furaya inuu jiro jirina doonee

W/Q: Warsame Jaamac

Nala Soo Xiriir

Follow Us

Send this to a friend