Bullaacadda Qaraxa

B
S oddankii sannadood wixii ka horreeyay dadka soomaaliyeed Islaamka way haysteen hadana may jirin qarax, meydka wadhan waddooyinka, dhiigga qulqulaya dariiq walba, hantida la burburinayo, ismiidaaminta aan meel loo eegayo lahayn, nacaybka diimeed iyo damiir xumada ku dhacday dadkii meydka ka sarriigan jiray oo dhiiggoodii qiimo beelay. Bal is waydii maxaa is bedelay?

todobaatankii wixii ka dambeeyay waxaa si tartiib ah inoo soo galay fekerka Salafiga oo dhagar wayn iyo nacayb badan dadka kala dhexdhigay. Fekerkan oo siyaasadaysan maalgalin badan iyo garab siyaasadeedna ka helay boqortooyada Sucuudiga ayaa rag wadaaddo ah loo soo xambaariyay iyaga oo aan dareensanayn inay faraha ku sidaan geeri iyo qarax. Waxaa lagu yidhi Saxwad ayaan nahay taasi oo kacdoonka soo noolaynta sunnadii nabiga u taagan. Soomalidii waa diin jecele waaba ay soo degdegeen oo iyaga oo lacagna sita ayaa masaajiddo iyo goobo cibaado loo dhisay.

Wahaabiyada oo salafiyiinta kuwa ugu dagaalyahansan oo damiirka dadnimadu ka suushay ayaa waxay bilaabeen inay dacaayado iyo kufriyaad ku sheegaan culimaddii taxliisha iyo xirsi-xidhka taqaanay. culimadii hore qaraxa may aqoon oo qof ehlu diin ah laguma aqoon nacayb iyo naf goyn. Wadaadadii hore mid kamida ayaa yidhi maalin “Waxaa naga dheereeyay riyaalka Sucuudiga oo jeebka wahaabigu ma faaruqo” waa runtiis. Malcaamadihii odayaasha ee looxa quudka ah iyo khadka lagu dhigan jiray waxaa beddelay xaashad cad iyo carruurta oo yaraan Quraan ayna macnehiisa garanayn la xifdisiiyo.

Kutubtii xaashi casaha ahaa shirkadihii soo saari jiray waa lagala noqday xuquuqdii daabacaadda oo hadalka Ilaahii nabadda jeclaa wuu joogsaday. Dadka sida Ilaahooda loogu tilmaamo ayay noqdaan. Tusaale; suufiyadu waa ammaan iyo farxad oo digriga iyo mawliidka ayay akhristaan meel lagu durayo gaal iyo Islaam ama nacayb lagu beerayo dadka way ku yartahay.

Waxay bilaabeen soomaalidii fikirkan wahaabiga ee xagjirka ah loo soo dhiibay dhaqan doorin dhinac walba ah! tusaale ahaan dugsiyada quraanka ardayga waxaa loo dhigi jiray higaad lagu baro akhriska quraanka oo af-soomaali ahayd **Alif la kordhabay, alif la hoos dhabay, alif laa goday** waxaa lagu beddelay ereyo carbeed oo aanu fahmayn ilmaha yari sida ** Aa fadxa aa, Ii kisra ii, Uu dumma uu ** tani waa dhalanrog qallayl fahan keenay iyo dhaqan geddin lagula kacay afka soomaaliga, kumana eka higaadda oo kaliya ololahoodii dhaqan doorisku balse waxayba ku tala jireen in afka soomaaliga sidii ay u bedeli lahaayeen, burburkii kadib goobaha waxbarashada badankooda iyaga ayay gacanta u galeen oo manaahijtii dugsiyada waxa ay ku bedeleen kuwa carabi ah, luqaddii soomaaliguna waxa ay martti ku noqotay gurigeedii. Sidoo kale nimankani wax walba oo aynu hidde iyo dhaqan u lahayn waa ay ka dideen oo bidco iyo shirki ayuu ula muuqday amaba badawnimo. Waaxayna isku qaseen dhaqankii carabta iyo diintii ay shaadhkeeda xirnaayeen markaasaad arkaysaa wadaado diimaynaya labiska carabta, hab-dhaqankoodu ku aaddan dumarka iyo arrimo kaleba.

QORMO LA XIRIIRTA:  Maxaa loo gudaa hablaha Soomaaliyeed?

Wadaadadani waa habayac oo ilaa wakhtigan fatwooyin qoran ama masaa’il ay xukun ka soo saareen oo ay diinta ku darsadeen ma jirto ee waa loo yeedhiyaa oo waxba kama duwana cajaladaha hadalka lagu duubto ee la dhagaysto. Martina waxay uga yihiin dadkii luuqaddooda diinta ku samaystay.

Mawlacii masaajid ayaa loo bixiyay, malcaamadiina maddarasad. kutubta caqiidada fayraska ah xanbaarsan ayaa si hoos-hoos ah loo baraa caruurta yar-yar. Waxaa loo sheegaa in salafiyiinta iyo kooxdoodu tahay wadadda kaliya ee lagu badbaadayo (Firqatul naajiya). Gaalaysiinta ayaa la baraa iyada oo loo dhigayo waxyaabaha Islaamka buriya oo nawaaqidul Islaam la yidhaahdo. Waa dhagar wayn oo maanka ilmaha yar lagu dilayo. matalan waxaa lagu yidhaahdaa wax kasta oo gaalo samayso nac oo diid, caqiidadan “Walaa wal Baraa” waa ta soo saartay bahallada xagjirka ah ee maanta xittaa masaajidda dhiigga ku quba.

Waxa kale oo ay caruuta ku baraan xalaqooyin masaajidda amaba macaahidda Islaamiga ah in uu bannaan yahay dilka qofka ka fekerka duwan, tusaale ahaan qofka muslimka shiiciga ah ama quraaniga, ka cilmaaniga ah ama aaminsan in dastuur la dajiyay la isku xukumo warkiisa daa.
Waxay baraan in dumarka jidhkooda cawrada ahi uu ka dhigayo alaab guriga lagu qurxiyo kaliya oo aan la ogolayn inay bannaan keligeed u baxdo, taas oo ah dhaqan carbeed barax la’ waxayna ka qaadaan qiimaheedii insaanimo oo waxay ku qariyaan jawaan wayn si aan ceebta (cawrada) loo arag.

Waxaa la baraa inayna dadka kale ee la nool sida gaalada ayna wanaag u samayn oo meesha kula kulmaanba wadada ku ciriiriyaan, dilkooduna uu bannaan yahay si looga hortago fitnada ka iman karta darteed.
Masaajidka ku xidhnow oo salaadaha safka hore yaana lagaa waayin, qofkii salaadaha aan masjidka ku tukan xaalkiisu ma wanaagsana oo waxa suurgala in jamaacada iyo asxaabta uu ku jiraa ayaa ka shakiyaan iimaankiisa kuna tuhmaan gaalnimo, haddii ay caddaato inuu si ula kac ah salaad uga tagayna wuxuu agtooda yahay murtad dhiiggiisu bannaan yahay.

QORMO LA XIRIIRTA:  Eebbe maaha sida ay ku warrameen!

Luggooyooyinka kale ee ay umadda ku marin habaabiyaan gaar ahaan caruurta aynu ka soo hadalnay waxa kamida inay had iyo goor uga warramaan in adduunku afar maalin qudha yahay oo wax la is raaciyo ama ka shaqaysigiisa lagu mashquulo uuna mudnayn  balse aakhirada oo kaliya xoogga la saaro, waxayna dheheen Ilaah ayaa arsaaqda bixiyee dumar badan guursada oo ubad badan oo bilaa qorshe ah adduunkan ku soo luggooya.

Caruurta waxaa la baraa inayna masaajidada qaar tagin oo aanan salaadda laga aqbalayn haddii ay ku tukadaan. Carruurta waxaa looga bilaabaa barashada islaamka kitaaba axaadiista Arbaciinka (40 xadiis oo maan-dil ah) waxaa ka mid ah in adduunaydan isaga lagu cadaabayo oo ay jeel u tahay sidaa awgeedna aanu qaraxyada iyo meydka wadhan wax wayn u arkin ee uu Ilaahay u baryo. Xiqdi badan iyo nacayb adduunyo ayuu qaadaa. Dadka maalka leh ee shaqaysta ayaa lagu yidhaahdaa way hallaagsameen. Dadka adduunka wax ku soo kordhiya ee horumarkiisa u heellan naftooduna horumartay marka uu ku indho daraandaro ayay u sheegaan in iyaga adduunka la siiyay isaguna aakhiro leeyahay. Waxaa loo ammaanaa nabiga oo dhegax caloosha ku xidhan jiray si uu faqiirnimada u qabatimo. waxaana lagu rajo galiyaa inay imanayso maalin ay fardaha islaamku rooma qabsanayaan oo yuhuudka geed uu ku gabado waayayo.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

Aragtidaada ku darso

Nala Soo Xiriir

Follow Us