Galabtii Jirde iyo Samawade isugu horraysey waxa ay ahayd gabbalgaab aysan dhanka qorraxda roob iyo daruuro ku beegnayn oo gabbalka goobaaban oo qaboobey ay godkii uu ku xeroon lahaa wax yari uga hareen. Dhanka woqooyi oo uu xilligaas roobku ka iman jirey wax maddar ahi ka ma soo socon, laakiin bari iyo koofur waxaa ka madoobaa saymo maqal iyo muuqaalba leh, maantana meeshan roob ka ma di’in, laakiin qoyaankii roobkii shalay bay weli ciiddu sayax ahayd. Arigu ugeyb iyo curadba waxa uu ku ciraarayey duddumooyinka goofafkooda iyo meelo kale oo banbannaan, geelana aarankiisu or’orod iyo afdhuuble ayuu ku jirey, waxaa se xoolaha ka sii ciyaar badnaa dadka intooda yaryar oo meel isugu soo baxay oo isbaacsi iyo wareega-caddayn ku jirey.
Jirde iyo wiilasha la filka ahi waxa ay geelasha ubadka ka sooceen casar dheer, waxa uuna ubadku u soo dhawaadey meel ay ku ciyaarayeen dad kuwa ugu waaweyni ay dhowr iyo toban jireen, isagana gugaas ayaa saddex iyo toban u ahaa. Waxa uu dhex galay dhallinyaro gacmaha is’haystey oo iska dabaka-wareegayey, gacantii u horraysey oo uu qabtayna waxa ay ahayd midigta Samawada oo uu eegay indhaheeda. Waxaa dareenkiisa iyo maskaxdiisa saaqay shucuur uusan weligiis galabtaas ka hor dareemin oo uusan magaceeda garanayn, laakiin ay soomaaliddu u yaqaanniin ”Jacayl” ama ”Caashaq”. Jirde iyo Samawada isku fil bay ahaayeen, waana ay isdherer la ekaayeen, indhohoodii isku dhacayna waxaa ka qarxay hillaac ka weyn biriqda uu tuurtuurayey roobkii koofur ka sii onkodayey, midigta Samawada iyo bidixda Jirde oo isqabatay waxa ay la mid ahaayeen labo tog oo jannada Firdowsa ku yaal oo isku darmay. Samawada aad bay u dareentay jacaylka Jirde oo indhihii isku dhacay iyo istaabashaduba waa ay saameeyeen, laakiin sidiisa oo kale wadnuhu aad u ma garaacin. Isagu ciyaartii wareegga ahayd oo la buuqayey waa uu awoodi waayey sidii qof maliil ah oo isaga oo daandaan ah buu isaga baxay, waxa uu se indhaha u jeedinayey meesha ay Samawada ciyaarta kaga jirtey isaga oo aan muuqaalkeeda indhaha u dhammayn karin. Waxa uu guntanaa qayd cad, garbahana waxa uu ku sitey qayd kale oo cad, waxa uuna illaawey ushii dhebiga ahayd oo uu ciyaarta ka hor meel ku tuuray iyo ubadkii geela. Samawada lafteedu waxa ay garraarsanayd maro cad, timuhuna waa ay u tidcanaayeen, waxa ayna sii wadday ciyaartii uu Jirde awoodi waayey jacayl dartiis.
Gugaas iyo sanaddo ka danbeeyey waxa uu Jirde jeclaa in geela loo soofiyo meesha uu Samawada arigoodu u soofo. Waxa kale oo uu jeclaa in uu geeloodu la derso reerka gabadha uu jecel yahay, waxa uuna wakhtigiisa habeen iyo maalin ka fakari jirey Samawada oo u la muuqatey qof xumaan oo dhan uga dahiran sida malaa’igta kuwa ugu fiican. Marmar uu Jirde geela u soofiyey meesha ay Samawada ariga la joogtey labadooduba xoolihii waa ay dayaceen oo maalintii oo dhan iyaga ayaa isku mashquuli jirey ilaa uu gabbalku dhaco, waxa ayna Samawada ahayd gabadhii ugu horraysey oo uu Jirde ku guureeyey oo habeenno badan bay haasaaween. Nasiib darro labadooda midna masuul ka ma ahayn meesha loo guurayo oo dadka waaweyni dan ka ma ay lahayn jacaylka labada qof oo meeshii la doono ayaa loo ka la guuri jirey. Dabeecadda xoolodhaqatadu waa in mar la derso, marna la ka la guuro oo reer kastaa waxa uu u guuraa meeshii uu daaqsinteeda dan bido.
Afartan iyo dhowr sano mar laga joogo galabtii uu jacaylku bilowday ayuu Jirde waxa uu soo istaagey meel bacadle ah oo Nayroobi ku taal. Waa suuq ku yaal xaafadda soomaalida, waxa uuna markaas ka yimid dalka Zaambiya oo uu ku lahaa shirkad gawaari ah. In kasta oo uu labo xaas Zaambiya ku qabey weligiis dareenkiisa iyo maskaxdiisa ka ma bixin jacaylkii yaraanta ku galay ee Samawada. Waxa uu ahaa dareen ka weyn waxyaalaha ay dadku dareemaan oo ay naftiisu u qaraxday si Eebbe moogi ee aadane uusan waxba ka garanayn. Bacadlaha Nayroobi waa uu iska hor istaagey ee ma uu rabin in uu wax ka gato, waxa ayna indhihiisu ku dhaceen indhihii Samawada oo aan cid kale kaga khalmi karin. In ay isgarteen keli ahi meeshaas ka ma ay qarxin ee waxaa dib u holcay caashaqii ay duruufaha adduun fadqalalleeyeen. Jirde inta uu wax kasta illaawey buu ku sii tuntay dhar dhulka yiil, waxa uuna ku boodey Samawada oo iyaduna ku soo booddey inta ay illowdey in ay wahaabiyadu sheegeen in ay ragga iyo dumarka aan isqabini istaabtaan. Soomaalidii bacadlaha joogey waxa ay la yaabeen ninka cirroolaha ah iyo islaantu sida ay isugu qallaleen, sida ay isugu dhegeenna waxa ay ka mid ahayd geed iyo duddumo iskudhoon ah.
Cabbaar markii ay iyaga oo taagan isku dhegganaayeen Samawada waa ay illowdey dharkii ay gadaysey, Jirdena waa uu illaawey meeshii uu u socdey. Waxa ay ku sii wada tunteen dharkii iyaga oo gacanta is’haysta oo waxa ay u dhaqaaqeen meel aysan garanayn, suuqana waa ay ku cusbayd in la arko oday iyo habar gacanta isku dheggan oo lugaynaya. Waxa ay is’haysteen labadii gacmood oo ay isqabsadeen galabtii isugu horraysey.