Cadaabul qabrigu ma yahay wax jira?

C

Tiirarka uu ku taagan yahay nidaam kasta oo caddaaladeed waxaa ka mid ah in qof kasta uu yahay bilaa danbi ilaa inta maxkamad awood u lehi ay ku caddaynayso inuu denbiile yahay, intaa wixii ka horreeyana waa eedaysane xittaa marka lagu helo denbi ee aan xukun ku dhicin waa eedaysane xukun suge ah.

Marka aad akhirdo, dhegeysato oo aad baadho Quraanka  waxaad ogaanaysaa in Illaahay dadka xisaabinayo maalinta danbe, intaa wixii ka horreeyaana ay tahay waxa lagu jiraa waxa quraanku u yaqaano nolosha qabriga (حياة البرزخ).

Garshada dheer iyo fahanka aad fahanto micnaha iyo ujeedka guud ee caddaaladdu waxay meesha ka saaraysa inay jirto wax la yiraahdo Cadaabul-Qabri (عذاب القبر).

Sida ku xusan sheekooyinka (احاديث) lagasoo miin-guuriyey nebi Maxamed (571-632) waxaa laga soo xigtay Caasha oo ahayd xaaskii nebiga in haweeney yuhuudiyad ahi ay u timi Maxamed ayna uga digtey Cadaabul-qabri wax ay ku sheegtay, maalintaa laga bilaabana cabsi wayn ayaa ku beerantay oo salaad walba gadaasheed Ilaaha ayuu ka magan gali jiray.
(عن عائشة رضي الله عنها ثم أن يهودية دخلت عليها فذكرت عذاب القبر فقالت لها أعاذك الله من عذاب القبر فسألت عائشة رسول الله صلى الله عليه وسلم عن عذاب القبر فقال نعم عذاب القبر حق قالت عائشة رضي الله عنها فما رأيت رسول الله صلى الله عليه وسلم بعد صلى صلاة إلا تعوذ من عذاب القبر.)1 Halkan waxaa kaaga muuqanaysa in sheekada cadaabul-qabriga ay tahay sheekooyinki hore ee reer bani isra’iil.

Illaahay wuxuu kitaabkiisa ku yiri wixii aad samysaan abaal-marinteeda waxaad heleysaan maalinta danbe (وَإِنَّمَا تُوَفَّوْنَ أُجُورَكُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ)2 ilaahay wuxuu kaloo yiri; (waa lasoo faqi xabaalaha dadkuna way ogaan waxay dhigteen ee wanaag iyo xumaan ahaa – وَإِذَا الْقُبُورُ بُعْثِرَتْ ، عَلِمَتْ نَفْسٌ مَّا قَدَّمَتْ وَأَخَّرَتْ)3, aayad kale wuxuu Illaahay ku yiri maalinta danbe marka lasoo faqo waxay odhan doonaan; (Hoogayagee yaa meeshi aanu jiifney naga soo saaray – قَالُوا يَا وَيْلَنَا مَن بَعَثَنَا مِن مَّرْقَدِنَا)4, haddii dab ku shidnaan lahaa ama feedhaha la is dhaafin lahaa xabaasha gudeheeda dadku sidaa uma dhigeen hadalka.

QORMO LA XIRIIRTA:  Eebbe maaha sida ay ku warrameen!

Illaahay wuxu ku yidhi aayadahan; ki kiaabkiisa gacanta midig looga dhiibo waxaa la xisaabinaya xisaab fudud wuxuuna ku laaban doona ehelkiisa isagoo faraxsan – فَأَمَّا مَنْ أُوتِيَ كِتَابَهُ بِيَمِينِهِ ، فَسَوْفَ يُحَاسَبُ حِسَابًا يَسِيرًا ، وَيَنقَلِبُ إِلَىٰ أَهْلِهِ مَسْرُورً)5.
Qaybta danbe ee isla aayaddan ilaahay wuxuu leeyahay ( وَأَمَّا مَنْ أُوتِيَ كِتَابَهُ وَرَاءَ ظَهْرِهِ ، فَسَوْفَ يَدْعُو ثُبُورًا ، وَيَصْلَىٰ سَعِيرًا ، إِنَّهُ كَانَ فِي أَهْلِهِ مَسْرُورًا ، إِنَّهُ ظَنَّ أَن لَّن يَحُورَ، بَلَىٰ إِنَّ رَبَّهُ كَانَ بِهِ بَصِيرً)6 taaso micneehdu yahay qofka kitaabkiisa dhabarkiisa laga siiyo ama gacantiisa bidix wuxuu ku hadaaqi doona “Hoogaygaay!, waana qof khasaaray, intaa wixii ka horeeyana ma jiro qof og waxa kitaabkiisa ku qoran balse waxaa la yahay xukun sugeyaal.

Dhammaan aayadahaa sare ku xusani waxay ku tusayaan in nidaamka caddaaladeed ee waynuhu yahay mid la mid ah kan aadanaha ama la jaan qaadi kara qayb ahaan, waxay kaloo ku tusayaan in maalinta qiyaamuhu tahay maalinta uu Illaahay ka abaal-marinayo qofkasta wixi uu la yimi intaa wixii ka horreeyana la yahay xukun sugayaal iyo eedaysanayaal oo aanay jirin wax la yiraahdo cadaabul-qabri.

Cadaabul-qabriga iyo sheekoyinka oranaya masas iyo rag la yidhaahdo Munkar iyo Nakiir oo dubeyaal ku hubaysan ayaa godka kuugu imanaya oo feedhaha iskaa dhaafinaya waa sheeko khiyaali ah oo aan caqliga fayow geleyn, Waxayse tahay wax loogu talo galay in lagu cabsi geliyo dadka si ay u sahlanaato gacan ku hayntooda iyo maamulkooduba.

Si qofka xabaasha loogu jidh-dilo ama loogu cadaabo waan in qofka jidhkiisa god lagu xabaalo, haddii aan la xabaalin waxa gebi ahaanba meesha ka baxaya cadaabul-qabriga waxa lagu sheego, tan micneheedu waxa weeye si qofka xabaasha loogu cadaabo waa in horta la aasa ama god inta loo qodo lagu xabaala, qofkii aan god lagu xabaalin ee la kaydiyey maydkiisa ama la’ gubey cadaabul-qabri ma marayo.

QORMO LA XIRIIRTA:  Ma jirto xadaarad Islaami ah!

Kawaran haddii qof inta la qabto denbi lagu soo eedeeyo kadibna iyadoo aan maxkamadi xukun ku ridin dab lagu shido? qofka aan la aasin sidee xabaasha loogu cadaabeyaa? Haddii godka la isku shidayo maxay tahay sababta qiyaamaha loo xisaabinayo dadka? Aayadaha Illaahay iyo xadiiska haweeneyda yuhuudiyadda ahi la timi kee la qaadanayaa? Xabaalaha marka lasoo qufo maxaa loa arki waayey qof ay feedhuhu is dhaafeen? Jannada iyo cadaabtu ma xabaalaha ayay ku dhex yaaliin? Mise dhulka hoostiisa? Yaase soo arkay?

Cadaabul-qabri ma jiro, jidhkaagana dhulka ayaa cunaya si dhulku nafaqo u helo oo ay nololi uga suurto gasho.

________________

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
  1. صحيح البخاري » كتاب الجنائز » باب ما جاء في عذاب القبر- 1306
  2. Suuradda Al-Imraan: 185
  3. Suuradda Al-Infitaar: 4-5
  4. Suuradda Yaasiin: 52
  5. Suuradda Al-Inshiqaaq: 7-9
  6. Suuradda Al-Inshiqaaq: 10-15
guest
1 Comment
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
abdiraxmaan
abdiraxmaan
11 Bilood Kahor

ilahay hakuso hanuuniyo hadad hanuun leedahay hadi kalena ilahay umada haka qabto si dhakhso ah waxad kahadlaysa waa gaalnimo iyo denbi

W/Q: Khaled Hassan