Caddaalad darrada caaddilka!

C
Caddaaladdu waa miisaan dhinac la saaro wixii aad galabsatay dhinacna la saaro wixii lagaa goyn lahaa. Aadame iyo abuure, diin iyo falsafad, kuli way isku waafaqsanyihiin in inta miisaanku uu doc u janjeero oo waxaad galabsatay yartahay ama waxa lagaa gooyay badantahay meesha aysan caddaalad oolin.

Qof ku dhirbaaxay oo aad labo u kala goysay in aysan caddaalad ahayn isku celceliska uumiyuhu uu isku waafaqsan yahay oo labo saaka isku herdinaysa middaa ma jirto. Diintuna waxayba qoraysaa in caddaaladdu ay tahay in isha il loo rido, dhagta dhag loo jaro, ciqaabtiyo dambigana la isku sargooyo.

Marka annaka oo isla godkaa ka duulayna bal aan su’aashaan ka jawaabno; “cadaab aan dhamaad lahayn caddaalad miyaa?” Jawaabtu waa maya! Saddex si bayna caddaaladdaro ku tahayo oo ay miisaanka ku janjeedhinaysaa;

  • Caadaabtu waa wax aan dhamaad lahayn. Dambi dhamaad leh oo aan 60 sano ka badnayn sidee baa loogu sargoyn karaa ciqaab aanba dhamaad lahayn? 60 sano xaddid la’aan (infinity) ka jar, waxa kuu soo hadhay wali waa xaddid la’aan! (infinity!)
  • Xanuunka naarta oo ah wax aan xitaa la suuraysan karayn. Dambiyo iska cantarabaqash ah sida qoobkoo maradu dhaafto iyo dumar isha laba jeer lala raaco sidee baa loogu sargoyn karaa xanuun la ogyahay kiisa ugu xun!?
  • Waxa dambiga laga galayo oo aan sinaba loo waxyeeleyn karayn! Marka dhagtaada dhag loo jarayo qof baad wax yeeleysay laakiin haddaan salaad ka boodo ama aan soomi waayo yaan wax yeeleeyay? Yaa iga aarsanaya oo aan dhibaateeyay? Ma ilaahay?

Haddaba, dhagta oo dhag loo jaro haddii ay miisaanka isku sargoynayso, lixdan sanoo dunuub la cantoobsado maxaa loo goyn karaa oo tabane togane u soo rogi kara miisaankana sargoyn kara? Carrabka, haddii aan la xannibin, jawaabta uu markiiba soo hinganayo dabcan waa, “lixadn sano!”

QORMO LA XIRIIRTA:  Bilowga Ilaaha diimaha Ibraahimiyada

Wax xad leh marnaba loogama aargudan karo si bilaa xad ah! haddii xad la’aan (infinity) doc la saaro waxa kaliya oo sargoyn kara waa xad la’aan (infinity) kale oo docda kale la saaro. Sinnaba marnaba macquul kuma ahan in wax xaddidan ay sargooyaan oo ay leekaadaan wax bilaa xad ah!

Bal cadaab bilaa dhamaad ah oo aan xanuunkeeda la suuraysan karayn doc saar, docda kalana waxaad saartaa dambi dhamaad leh (60 sano), qof lagu dhibaateeyayna aysan jirin, kadibna waxaad si daacad ah ii tidhaahdaa “godabtiyo waxa lagaa gooyay way isku sargo’anyihiin oo halbeegtu dhinac uma janjeedho!”

Nin ku dhirbaaxay ood labo u kala goysay hadday caddaalad darro tahay, dambi 60 sanaa oo laguugu badalay cadaabaan dhamaanin ma caddaalad baa? Ninka la dhirbaaxay ee wax kala gooyay hadduu caaddil ahayn, midka 60 sano la dulmiyay ee dulmiga dhamaad la’aanta ah gaystay ma caaddil baa?

Ilaahay waatuu lahaa xumo kaste xumo le’eg baa u jazaa’i (abaal marin) ah, qofkii cafiyaana ka sii fiican, ee muu iska keen cafiyo maadaama aan waxba loo dhimi karayn xattaa oo uusan u baahnayn aargoosi?

Ilaahay hadduu aargoosi ka maarmi waayayna muu sharcigiisa raaco oo dhag haddaan ka goynayn dhag na gooyo, 60 sano haddaan ku caasinayna 60 sano na cadaabo? Waaxay dheeriguu na dulsaaratay ee aan dhamaashadaba lahayn?

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
2 Comments
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Ninka rumaysan Allah lkn maxamed diidan
Ninka rumaysan Allah lkn maxamed diidan
13 Maalmood Kahor

Waar waxani waa ila meereyso caadiya xitaa kuwa malin walba tukada ayan cadaab ka bad baadeyn bal qof weyseeysanya oo ogol inuu weeyseesto oo laleeyahay hadaad ka bodid malin Yar oo ad biyaha gadhsiin waydid cadaabtad galeysaa 2.hadii taruku salad tahey oo saladu kaa tagtagi jirtey cadaabta madaxa lagu galinya hadaad malin yar biyo baxdey ama galmo sameysay waa narta

Garaad Magan
Garaad Magan
3 Maalmood Kahor

sifiican ayaad uga hadashey bro

W/Q: Saacid Kaahiye