Calmaaniyadda

C

Waxaa jirta odhaah tidhaahda “Ninka cabqariga ah qaladaadka dadka kale ayuu cashir ka bartaa meesha ka doqonka ahi uu kuwiisa uun wax ka barto.”

Dhibta maanta ina haysata adduunka hormaray mar buu dacarteeda soo dhamay. Haddii aan caqbariyiin nahay waxaa nalaga rabay in uu kaa cashir inoogu filnaado oo aan ka dhawrsanno meesha uu qayrkeen faraha ugaga gubtay.

Taa hadday noqon waydayna doqoniimadaba aan iskaga qanacnee, waxay ahayd in aan keena cashar ka barano! Laakiin hadda runtii waxaan taagannahay meel doqoniimadaba ka sii hoosaysa oo qaladkeena xattaa wax waan ka baran la’ nahay!

Muhaajiriin badda ka gudbayaGalbeedkaan hadda jannadii inoo noqday ee qaarkeen ay baddaha iskugu gurayaan si ay mar uun cagta u soo dhigaan marbay ku jireen wax loo yaqaan “waqtigii madoobaa” oo ay rafaad iyo balanbal nooc walbaba soo arkeen!

Diintaan Kiristaanka ee maanta jacaylka iyo soo dhowaynta huwan mar bay bahal ahayd oo waxay aragto kala goynaysay dhexdeedana is cunaysay. Labo firqo oo Kiristaanka ka mid ah mar bay 30 sano is dilayeen oo ilaa iyo 8,000,000 oo qof iska dileen!

Bahalnimadaa iyo mugdigaa sidee bay ugaga soo baxeen oo ay ku gaareen heerka ay maanta taagan yihiin? Dhawr jawaab bay su’aashaa xamili kartaa, laakiin shaki la’aan midda kaalinta libaax ka qaadatay miciyo siibka bahalnimadaa iyo iftiiminta mugdigaa waa ‘Calmaaniyadda’.

Calmaaniyadda dad baa sawir qaldan ka haysta oo aaminsan in ay tahay diin diid! Xaasha! Runtu midaa ka dheer! Calmaaniyaddu diin diid ma’ahan ee waa ogalaansho iyo qadarin la qadariyo diin walba oo aan midna lagu xad gudbin qofna aaminaad looga lullan!

QORMO LA XIRIIRTA:  Wahaabiyada iyo aqoonta casriga ah

Soomaalida dhiigooda maanta kala badbaadin mayso diin lagu dhaqo waayo “diin waddanka halagu dhaqo,” haddii la dhaho xataa midee baa lagu dhaqaa ileen diintu way shaadhadh badantoo qolaba shaadh bay u xiran tahee!

Shaadh Wahaabi haddii maanta dawladda loo xidho, machad Suufi furnaan maayo, masjid iyo qabri baddanna dab baa la sudhaa, shaadh Suufi haddii loo xidhana Wahaabi ladi maayo! Waan ka wada war qabnaa shabaab iyo suufi waxay isku dhigeen, iska daay firqooyin ka sii fog-fog sida shiico iyo takfiirka!

Xalka kaliyee kala badbaadin kara bahaladaa is wada cunaya waa kii ka siibay miciyaha kuwii horteen isa soo cuni jiray; calmaaniyadda!

Calmaaniyaddu waxay leedahay; “Waddanka haddii ay suufi iyo Wahaabiyo wada leeyihiin, cadaaladdu waxay ku jirtaa in midkaste aaminaadiisa loo tix galiyo, la soo dhaweeyo loona daayo in siduu jecel yahay uu u noolaado rabigiisana ula xidhiidho!”

Calmaaniyaddu waxay leedahay; “waddanka haddii ay ikhwaan iyo alle-kood wada leeyihiin, cadaaladdu waxay ku jirtaa in uusan midkood midka kale ku qasbin aaminaad, ka hor istaagin cibaado, sinnabana ugu xad gudbin!”

Cilmaaniyaddu waxay leedahay, “waddanka haddii ay sanaadiqa iyo cabadatu-daaquut wada leeyihiin, cadaaladdu waxay ku jirtaa in ay dawladdu si hagar iyo doc ka rarnaan ka hufan ay ula dhaqanto muwaadiniinteeda sharcigana u sinto mar walba!”

Bal wakaa ee qalbi daacad ah intaad qawlkaa ku eegtid ku dhiirro in aad i tidhaahdid “waa been oo cadaaladdu waxay ku jirtaa wadankoo hal firqo/ra’yi bas u xidhnaada, dadkoo lagu qasbo ra’yigaa xoog ku raaca ama wadanka xaq kuma lihidiin, iyo sharcigoo doc u janjeedhsanaada dadka qaarna dheeri siiya!

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments