Caqliyadda Soomaalida iyo cidhib xumada aqooneed

C
Aadanuhu waxa uu kaga duwan yahay noolaha kale caqliga iyo garashada oo u suura galisa fahanka nolosha iyo koonkaba walowba ay jiraan doodo falsafadeed oo si qoto dheer usii lafa gura waxa uu ka dhigan yahay caqli iyo garasho balse waxa si guud la isuga raacsan yahay in labaduba ay ku sar go’an yihiin deegaanka iyo waqtiga markaa ay la nool yihiin.

Waxa tusaale inoogu filan caqliyaddii reer galbeedka oo ku jeebadaysnayd katiinadihii baadiriyaasha iyo kaardinaalada una diiday in si wacan looga fikiro dunida iyo isbadallada dabiiciga ee ku dhacaya ama sayniska si toos ahna u xakamaysay xuduudda caqliyadeed ee inanka reer galbeedka, waxa ayna dhalisay in bulshada Yurub hamigooda dhaafi waayo galmada, cunista, cabidda, fikirkooduna ku kooban yahay sheekooyinka Baybalka una arkaan aragti kasta oo cilmiyaysan mid ka soo horjeedda sugnaanta garaadka iyo saxnimada kaniisadda.

Halgan dheer ka dib waxa hirgalay in xorinimo loo helo caqliyadda yurubeed, si aan xad lahayna u fikiri karto iyadoon dhib uga imaanayn awoodaha dowladda iyo kaniisadda taas oo maanta u suura galisay inay hormuud ka noqdaan ilbaxnimada, teknoolajiyadda, aqoonta, iyo hogaankaba.

Haddaba inaga soomaali ahaan yaa inaga haysta “hannaanka fikirka iyo xorriyadda caqliga”?

Inanka soomaliyeed si kastoo uga baxo jaamacadaha heerka sare misana wuxuu u xir-xiran yahay wadaad diimeedka soomaaliga ah oo addoonsi dadban ku haysta maskaxda dadwaynaha.

Masoo kordhin karo  aragti cusub ama fikir cilmiyaysan sababtoo ah waxa uu ka baqayaa hanjabaadda uga imaanaysa shacabka oo iyagu waxa quman ee cilmiga ah u arka kan uu yeeriyo wadaadku ama habka uu ugu fasiro diinta iyo qormadeeda.

Tusaale: teer iyo waqtigii islaamka wahaabigu soo gaaray dhulka soomaalida waxa ay wadaadadu nagu  aqrinayeen in heesuhu xaaraan yihiin oon doodna arrinkaasi ka jirin ilaa markii dambe dadku sidaa ku liqay oo xitaa kan barta diinta uusan arrinkaasi cilmi baadhis ku samayn, iyadoo si hubaal ah loo ogsoon yahay in aragtida heesaha iyo xukunkeeda ay ku jiraan labo ra’yi oo xoog badan _(mid qaba xalaaltinimada heesta iyo mid ku dooda xaarinimada heesta) waana labo aragti oo marka aad u sii fiirsato adillada iyo caddaymaha sharciga ahi durba kugu hagayaan in ra’yiga xalaashu runta u dhow yahay.

CIDHIB XUMADA AQOONEED EE KA DHALATAY CAQLIYADDA NOOCAAS AH

  • In meesha ka baxdo geedi socodka fikradeed oo noqday mid ku jaan go’an siyaasada wadaadka iyo sida uu wax uu arko.
  • Ka caaganaanta aqoonta cusub iyo afkaarta casriga middaas oo ka dhigtay ruuxa soomaaliga ahi sida caruurta oo uu ku qanco wuxuu wadaadku sheego iyo sida uu diinta u macnaysto taa wixii ka duwana ay tahay gaalnimo u hiilis iyo ajanda reer galbeed.
    Aqris xumada oo baahda oo caqliga soomaaligu raalli ku noqdo tacaaliimta wadaadada iyo nadwooyinka misaajidda.
  • Cilmi baadhista oo yaraata waana tan sababtay in ruuxii fikir cusub soo gudbiya ama aragti u qaadaa dhiga si aan horay loo aqoon lagu tuhmo gaalo ushaqays iyo sirdoon loo soo diray duminta dalka iyo diintaba, hadiise dadku cilmi baadhis samayn lahaayeen tuhumo faro badan baa caddaan lahayd in aysan sal lahayn.
  • Baqdin laga qabo baahsanida aqoonta maanta iyo aragtiyada diimeed ee ka jira caalamka, waxaana u sababa caqliyaddan lagu xirtay gidaarka masjidka oo loo diiday in wax xuduudaas ka baxsan ka fikirto.
  • Aaminida aragtiyo mala_awaal ah sida (aragtida shirqoolka  – Conspircy Theory) oo ka dhigan wixii cusub  oo cilmiya ama fikir ah waa shirqool loogu dan leeyahay dhuminta shacabka soomaliyeed iyo u shaqaynta haayado reer galbeed.
JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
4 Comments
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Samawade Seeraar
5 Bilood Kahor

qormo qiimo leh.. mahad balaadhan qoraaga

Yousef abukar mohamed
Yousef abukar mohamed
4 Bilood Kahor

Been iyo quraafaad waaye dadka kam soo faracmin daanyeer ee waxay kasoo farac meen abeheena adam iyo xaawo

layla
layla
4 Bilood Kahor

sababta aad marka hore ugu aragtid diinta mid hormar ka hortaagan baa run ahaantii ah inaad is weydiisid , wadaadkuna maaha mid wax khalad ah ku liqsiinayana hadaad diintaada baratey oo sax iyo khaladba kala garanaya .
fikir aad uu qaldan na waad gudbinaysaa oo wadaad iyo diin nacayb ah .

rooda mohamed
rooda mohamed
1 Maalin Kahor

Roodo

W/Q: Ismail Baashi