Carabta iyo Soomaalida xagga diinta

C
Wadaad soomaali ah oo geeriyoodey oo la oran jirey Cumar-Faaruuq Cabdi baa waxa uu yiri ”Wadaaddada soomaalidu waxa ay haystaan liibaan aysan nebiyadii helin. Nebiyadii la ma dhegaysan jirin, carabta maanta joogtana wadaaddadooda lagu ma bixiyo in la dhegaysto daqiidado kooban oo qof carab ahi meel u ma uu joogi karo in uu diin dhegaysto”. Intaas waxa uu ka sheegay kulan ay soomaalidu meel Yurub ka mid ah xilliga kulaylaha toddobaad dhan ku dhegaystaan wadaaddo keli ah. Waxaa kulankaas looga yimaadaa meel kasta oo laga soo gaari karo, waxaana dadka la hadla niman isku maaddo bartay oo aan waxyaalo ka la duwan dadka u sheegi karin, ee diinta uun ku kooban. Qof kastaa toddobaad dhan buu maalin kasta aroortii iyo fiidkii inta u dhexaysa nimankaas dhegaystaa, waxaana laga duubaa muuqaallo guryaha lagu dhegaysto.

Marka uu Faaruuq sidaas lahaa waxa uu niyadda ku hayey in uu Qur’aanku si fudud u canaantay carabtii nebiga la xilliga ahaa. Qur’aanku sidan ayuu qisadaas uga hadlay ”Kolkii ay arkaan ganacsi ama lahwi waa ay u yaacaan, waxa ayna kaa tagaan adiga oo taagan”. Ganacsiga waa la wada garanayaa oo waa wax kasta oo la ka la gato, laakiin lahwiga ayaa xoogaa adag. Lahwiga waxaa ka mid ah kubbadda oo xilliyadii danbe aad loo daawado iyo sheekada fadhi-ku-dirirka ah.

Waxaa la weriyaa in ay carabtaasi maalin jumce ah ogaadeen in uu safar ganacsi magaalada soo galay, nebiguna markaas khudbaddii jumce ayuu u taagnaa, waana ay ka dareereen isaga oo minbarka liqdaaran. Haddiiba ay qisadaas ganacsiga sheegtay run tahay Qur’aanku ganacsi keli ah ma uu sheegin ee lahwi buu ku daray, taasina waxa ay caddaynaysaa in carabtu haddii ay kubbadi bilaabato aysan nebi iyo qof kale midna dhegaysan ee ay u yaacaan xagga lahwiga. Waxaa meesha ka muuqata maalintaas uu Eebbe sheegay in ay ganacsi iyo lahwi khudbaddii nebiga uga yaaceen aan jumce la tukan, waayo nebiga SCW keli ahi ma uu tukan karin jumce oo malaha duhur buu keligiis iska tukadey. Kuwa yaacay malaha maba ay tukan. Qur’aanku aad ugu ma uu gooddiyin carabtii yaacday ee waxa uu ku yiri ”Waxa Eebbe xaggiisa jira ayaa ka fiican lahwiga iyo ganacsiga”. Meesha waxaa ku sarbeeban in uusan lahwigu xaaraan ahayn haddii uu hadal yahay, haddii muusig yahay iyo haddii ciyaaro yahay, waayo waxaa naska Qur’aanka ku cad in ay jumcadu lahwiga ka fiican tahay ee la ma sheegin in uu lahwigu xaaraan yahay.

QORMO LA XIRIIRTA:  Diinta iyo dadka iyamaa mudan?

Haddii dhulalka carabta la maro la ma arkayo carab badan oo wadaad uu meel ku soo ururiyey oo dartiis qol weyn uga buuxa, isla markaas carabtu waa dalal badan oo meel kasta oo ay soomaaliyi joogto iyaga ayaa kaga badan, mana arkaysid carab diin isugu yimid dalal shisheeye. Haddaba maxay tahay sababta ay kumanyaal soomaali ahi isugu yimaadaan wadaad ama wadaaddo? Wax kale ma aha ee diinta ayey in la fahmaa aad u fududdahay marka la dhinac dhigo waxyaalaha kale ee la barto. In buug maktabadda laga soo qaato oo la akhriyaa aad bay uga adag tahay in la dhegaysto wadaad Abuu Hurayra ka hadlaya, waxaana soomaalida u sii raaca in ay duruufohooda dhaqan u dhaw yihiin carabtii joogtey markii ay diintu timid. Waxaa jira ummado badan oo sida ay diinta islaamku geela uga hadashay aan la qabsan karin, laakiin qofka soomaaliga ah geel wareer ka ma haysto. In Abuu Hureyra duruufihii ku xeernaa iyo waxa uu ka fakari karey la dhegaystaa aad bay u sahlan tahay.

Wahsi iyo in aan wax kale oo laga fakaro la garanayn baa keentay in wadaad xaggiis loo iisho. Bal adiguba eeg sida ay diintu u tahay wax la fahmo waxa ugu sahlan iyo sida ay noloshu u tahay halgan dhib badan. Halganka ayaa laga wahsanayaa, waxaana lagu madaddaalanayaa wadaad saacado dhan ka hadlaya in qabiilkii nin dilaa ay 100 geel ah bixiyaan, qabiilkii haweeney dilaana ay 50 dhiibaan.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments