Carruur

C

Inta aynaan carruurta qoraalkaan kulul lagu dhengadayn doono hoos u sii gelin ayeynu qiraynaa in barlammaanka Soomaaliya qabiil lagu qaybsadaa ay ahayd fidmo iyo qooq uu Ismaaciil Cumar Geelle ummadda soomaaliyeed ku dhebidhistay oo uu ku soo sayriyey faddaro aan weligood laga mayri karin. 

In aynu dhaqsahaas ugu degdegno canbaaraynta qabyaaladda waxaa keenay in ay tolnimada iyo sinjisoocu yihiin tiirarka ugu waaweyn oo dhaqanka soomaalida u xabaalan, isla markaas diinta sharafta leh oo aynu haysannaa dhaqankii ay ka timid wuxuu ahaa caado ay qabyaaladdu gogol iyo guri u ahayd, oo waxay diintu xoojisey in ay tolnimada qabyaaladda ama qabiilku tahay wax uu ilaahay dadka ugu deeqay oo uu mubag khayr lihi ku walaaqan yahay. 

Qabiilnimada soomaalidu waa wax weligeed lagu soo jirey, oo lagama yaabo in ay dhaqso u tiranto maaddaama ay saddex kooxood oo kharribani faafiyaan oo ay isu kaashadaan. Kooxda kowaad oo dulliga ahi waa shacabka oo uu qabiil kastaa isugu sheekeeyo in laga gardaran yahay, waana run oo waa laga gardaran yahay maaddaama aan loo oggolayn in uu madaxweynuhu ayaga noqdo. 

Kuwa labaad waa siyaasiyiin aysan qabiilooyinkoodu dalka gudihiisa run ahaantii ku tiro badnayn, oo degaanka iyo degmooyinka ay qoladoodu xoolaha ku dhaqdaan cuqdad yaraaneed ka qaba sida Ismaaciil Cumar Geelle iyo Cabdiqaasim Salaad Xassan, sidaas awgeedna xamaasad qabiil ama xatooyo iyo dhac u haliilaya in ay ku duudsiyaan oo ay ku xaqdarreeyaan qabiilooyinka soomaalida ugu baaxadda weyn, sida beesha uu Shaatiguduud hoggaamiyo iyo agoontii uu ka tegey Alle ha u naxariisto ee Cali-Dhuux Aadan. 

Kooxda saddexaad waa wadaaddada cajaladaha duuba oo caamada u sheega daliilo qabyaaladda ama qabiilka ku ammaanaya in uu yahay bandow uu Rabbi soomaalida iyo carabta ku soo rogey, kuwaas oo aan ogayn in ay daliilahaasi fududaynayaan in ay qabiilooyinka cawaanta ahi weligood is laayaan, oo aan laga horumarin dhibaatada innaga iyo ummado kale ina naafaysay, oo metelan Afqaanistaan iyo Yemen asaaggood ka reebtay. 

Meel kasta wadaaddadu waxay la taagan yihiin fidinta qabyaaladda. Shirkii aad u macnaha darnaa oo Carta wuxuu Cumar-Faaruuq ahaa xildhibaan ka socda beeshiisa oo dhammaantood joogjooga gudaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Itoobiya, waxaana runtii in shiikhaas uu qabiil soo dirsado u dhaantey in barlammaan kooxo ama degaan ku salaysan uu u galo kooxda ”Islaax” oo ka mid ah boqollaalka firqo ee diinta Rabbi siyaalo kala duwan u kala rumaysan oo isugu khilaafa, isuguna caaya. 

Qoraalkaan yar waxaynu masuuliyad iyo xilkasnimo buuxda iska saaraynaa in aan lagu arag erey been ah, sidaas awgeed waxaa ka gubtahanyoon doona kuwa qabyaalladda caabuda, kuwa beenta jecel iyo kuwa uu madaxooda ka buuxo jeermis ay ku reebtay been hore loogu afuufay oo aan sal ku lahayn xaqiiqada soomaalida, waana qoraal xaq ah oo ku soo beegmay xilli ay ummaddu u baahan yihiin in ay ka baxaan tuugada iyo kufsiga naagaha. 

Horta barlammaanka waxaa fiicnayd in lagu saleeyo degaan, oo uu aag kastaa helo xubno aan qabiil laga soo dirin ee dhulkooda metela. Aragtidaas qofka ka soo horjeedaa oo ka naxayaa waa qof aan u dheganuglayn ama ka didaya in ay ummadda soomaaliyeed horumaraan ama ay waddankooda iyo guryohooda jeclaadaan, wuxuuna qofkaas baadiyaysani u dhaarsan in uu dadka isku diro ama uu raashin dhac iyo xatooyo ah ka qufto bukaarro masaggo iyo galley oo ku duugan Bay iyo Bakool. 

Xildhibaan gob ah oo degmo uu ku soo barbaaray ka yimid iyo tuug ruugaya tubaako uu xaday oo qabiil ku soo galay barlammaanka oo la wada og yahay in uu xoolo uusan lahayn jeebka ku sito ama aan dalkaba ku dhalan ee uu Adisababa ama Nayroobi walanbaysi uga soo haajirey miyaa isku mid ah? Wallaahi in aysan isku mid ahayn! 

Qabiil soomaalida oo dhan haddii la isu geeyo 50% (kala bar) ah iyo mid 50 qof ah baa waxay Carta iyo meelo kale ku murmayeen ”Labo qabiil baynu nahay ee inoo kala bara!”, haddana waxaaba laga yaabaa in uusan kontonkaas ruux ku jirin qof u qalma in uu ku biiro hay’adda sharcidejinta ummadda soomaaliyeed. Sidaas awgeed intii wax la qaban lahaa waxaan laga dhammaanayn cuqdad ciil iyo in dalka laga adeejiyo waxmarato iyo mooryaan tuugo ah, waxaana meesha ka baxaysa in xildhibaanka soomaaliyeed la garto meel uu ku dhashay iyo meel uu ka yimid, oo uu dalka oo dhammi u kharribmo sidii laanta afka soomaaliga ee BBC oo haatan noqotay fastaleeti ay Yuusuf Garaad iyo ciyaal kale qoyaanka isaga tiraan! 

Toddobaadkii la soo dhaafay waxaa iscaayey Yuusuf Garaad oo ah tifaftiraha laanta iyo hoggaamiye qabiil oo magaciisa lagu sheegay in la yiraahdo Xirsi Moorgan. Waxaa cayda bilaabay tifaftiraha laanta BBC oo hoggaamiyaha qabiilka ka diyaariyey hadal lala yaabay oo jabhadnimo ahaa. 

Xirsi Moorgan oo Soomaaliya jooga ayaa waxaa BBC ka hadlay Yuusuf Garaad oo la moodo in uu dili lahaa haddii uu Xirsi Moorgan goob dagaal ku qaban lahaa, wuxuuna ku soo oogey dhawr denbi, isla markaas waa uu ku digtey. Dhawrka denbi waxay ahaayeen in uu Xirsi Moorgan waa hore xumeeyey qabiilka Somaliland, oo uu uga jeedey in uu isku diro qabiilka Somaliland iyo Xirsi Moorgan! 

Midda labaad wuxuu Yuusuf Garaad ku xijiyey in uu Xirsi Moorgan xumeeyey qolada ay ku abtirsadaan asaga Yuusuf Garaad ah iyo mudane Cabdiqaasim, oo aan Xirsi Moorgan laga jeclayn Dhuusamarreeb agaggaarkeeda. 

Yuusuf Garaad intaas ugama uu harin ciilka uu Xirsi Moorgan u qabo ee wuxuu ku daray in markii ay qabiilkiisa USC rabeen in ay degaankooda (Galgaduud ilaa Xamar) ka sifeeyaan dadka aan u dhalan siiba qabiilka Xirsi Moorgan iyo Maslax Maxamed Siyaad uu Xirsi Moorgan ahaa wasiirka gaashaandhigga. 

Asaga oo hadalkii Xirsi Moorgan wata ayuu Yuusuf wuxuu ku nuuxnuuxsaday in Moorgan uu markaas ka dib bilaabay in uu ka mid noqdo qabqableyaasha dagaallada qabiilooyinka, oo uu gaarey heer uu marmar qaxooti noqday markii laga adkaaday. 

Markii uu Xirsi Moorgan ku diray qabiilkiisa iyo qabiilka Somaliland ayuu uga sii gudbey in uu ku digto, wuxuuna yiri hadal sidaan ahaa: ”Maxay kuugu taal waxaa Xirsi Moorgan dagaal kafool kafool ah magaalada Kismaanyo subax barqadii kaga saaray Cabdiqaasim Salaad Xassan iyo raggiisa”! 

Maalintii ay wiilasha BBC sidaas u caayeen Xirsi Moorgan iyo qabiilkiisa maalintii ku xigtey waxaa isla meeshaas ka qaylinayey asagii (Xirsi Moorgan) oo ay qabyaaladdaas isku xagxagteen Yuusuf Garaad, wuxuuna asaga oo caraysan lahaa: ”Waryaa ma aan dhiman ee waa aan noolahay!”. 

In aynu BBC ka hadalno muraadkeennu ma ahayn ee waxaynu rabney in aan ka digno in aysan wax kastaa u kharribmin sida laanta BBC, oo qabyaaladda la iska ilaaliyo, wuxuuna maqaalku ku saabsanaa in ay jiraan carruur soomaaliyeed, laakiin waxaynu ku bilownay in laga qurxoonaa in barlammaanka lagu qaybiyo qabyaalad. 

Hal qabiil haddii dalka oo dhan looga guuro kuma ay heshiin karaan qabiil, laakiin haddii maamulka iyo xulitaannadu ay u fidsanaadaan hab degmo waxaa dadka u furmaysa maskaxda, waxaana u hagaagaya mustaqbalka. Waxaa la noqonayaa qaran degmooyin leh oo u dhigma qarannada ay ka jiraan maamullada xalaasha ah. 

”Dabkii uu munaafaq shido miskiin baa ku gubta” oo waxaa eegga lagu gubanayaa qabyaaladdii uu Ismaaciil Cumar Geelle jeclaa, waxaana hubaal ah in aan laga baxayn boqollaal sannadood, oo waa sida loo galay. Debinkaas la galay dhexdiisa ayuu shirka hadda socdaa ku jirey, wuxuuse ahaa meel la isugu keenay raggii dalka hubka yaallaa uu gacanta ugu jirey oo haddii ay isku wax taageeraan ay caddahay in ay nabadda Soomaaliya soo dhawaanayso. 

Waanadaas aynu qabyaaladda ka digney ka gadaal waxaynu gelaynaa qaybaha ay carruurtu u kala baxaan. Waxaa la wada og yahay in aysan carruurtu markii nacnac loo qaybinayano kala sugi karin, ee uu mid kastaa rabo asaga horta wax la siiyo, oo uusan dareemi karin dareenka iyo baahida carruurta kale. 

Qabqableyaasha

Naag dumaal lagu aroosay baa waxay ogaatey in uu ninkii ka dhintay ka cadcaddaa midkii markaas la mashquulsanaa, waxayna tiri: ”Lugtaydoy ninba mar ku qaad”! Waagii hore markii la isu galmoonayo lug baa kor loo taagi jirey oo ninku naagta lug buu ku dhegi jirey, ee siyaalaha habboon oo maanta la isu jimaaco lama aqoon. Horta qabqableyaashu waa dad oo isku mid ma aha, waxaana ku jira qaar soomaalida kuwa ugu liita ka mid ah iyo kuwa soomaalida dadka ugu roon ka mid ah. Shanta farood ilaahay ma uu simin. 

Waxaan qabqableyaasha ka wadaa raggii dalka hubka yaal qaybsaday, oo colaadda iyo nabadduba ay gacmohooda galeen, ee kama aan wado qof ayagu intaas ay haystaan kaga masayrsan oo ku maaga in ay dagaal huriyaan, kaas oo ka sii liidan lahaa haddii uu xoogaa hub ah iyo mooryaan isla heli lahaa. 

Hadalka haddii la soo koobo waxay xilli xoogaa dheer ku guuldarraysteen in ay hubka ay hayaan isku keenaan oo ay dalka gacan dawladeed geliyaan, waxaana taas keentay in aysan ahayn dad isfahmi kara ama isku taariikh nololeed ah, oo markii ay isu yimaadaan wuxuu midba ka hadlaa wax aan kan kale heerkiisa ahayn. Waxaa kale oo kala fogeeyey in uu mid kastaa qabyaalad ku xisaabtamo ee uusan aqoontiisa iyo kartidiisa ku fiirin hawsha meesha taal. 

Waxaa jira kuwo yar oo markii ay hadlayaan uu qofku fahmayo waxyaalihii ay sheegeen oo qofkii neceb iyo midkii jeceliba ay hadal iyo hawlba ogaan karaan dhaqdhaqaaqooda, isla markaas waxaa jira kuwo uu qofkii dhegaystaa is oranayo ”Sidee bay ku dhici kartaa in uu qofkaani dad metelayo?”. 

Intaas waxaa dheer in aysan qaarkood rabin in dalka dawlad laga dhiso, oo ay ugu wacan yihiin labo arrimood. Midda kowaad waa in ay beeshoodu haystaan hanti ay qolyo kale lahaayeen, midda labaadna waa in ay rabaan in ay tacab xoolaad oo sharci darro ah ka unuunufaan inta uu dalku kharriban yahay, isla markaas ay dawlad la’aantu sii dheeraato si loo illaawo hantida ummadda ku kala maqan. Kooxdaan waxaa ka mid ah Cabdiqaasim iyo Cismaan-Caato. 

Kuwa sidaas u fakaraya waxaa lagu garan karaa dhawr arrimood, oo ay ka mid yihiin in ay xoolaha aad u raadiyaan oo ay dhac, baryo iyo tuugo si kasta oo ay hanti ku hanan karaan u qamaamaan. Haddii ay dhoofaan dan aan lacag ahayn dalka ugama ay maqna, haddii ay joogaanna boob iyo beero daroogo ah iyo xoolo dhaddig oo la dhoofiyo iyo dhirta oo dhuxul laga dhigo ayey ku hawlan yihiin. 

Calaamadda labaad oo kuwa nabadda iyo dawladnimada Soomaaliya fogeeya lagu garan karaa waa in ay ka naxaan in meel dalka ka mid ah laga sameeyo maamul iyo kala danbayn, waayo waxay rabaan in uusan waddanku wax boolis ah yeelan oo ay meel kasta ka soo xadi karaan alaabta taal iyo in ay durugto rajada laga qabo dawlad ka shaqaysa Soomaaliya oo leh askar ammaanka sugta. 

Hal degmo oo waddanka ka mid ah haddii maamul laga asaaso waxay u yeelaan magacyo iyo eedaymo ay ka mid tahay in uu qofkii meel wax ka qabtaa ku xiran yahay Itoobiya iyo Keenya, ayaguna ay jecel yihiin walaalaha carbeed! Haddii uu qof tuug ahi carab jeclaado ama uu lacag u doonto maxay macne ah oo leedahay?! Aragtidaan liidata oo dalka nabaddiisa lagu jillaafeeyo waxaa xanbaara kooxo makas ah oo aan ogayn sida looga soo horjeedo nabadda Soomaaliya iyo shakhsiyaadka ka soo horjeeda, isla markaas aan oran karin qofka tuugga ah oo waxaas ku hadlaya ”Adigu kumaad ahayd?”. 

Haddii shir qaran la isugu yimaado waxay kuwa nabadda Soomaaliya fogaynayaa ku dadaalaan labo arrimood. Midda kowaad waa in uu shirku fashilmo si in shir kale loo abaabulaa ay u qaadato muddo sannaddo ah, taasina ayaga waa u guul, maxaa yeelay waxay awalba rabeen in dawladnimada Soomaaliya xilli dheer la moogaado si ay danihii aynu soo sheegnay ugu meelmaraan. 

Midda labaad oo ay shirarka ka raajiciyaan waa in ay ka soo baxdo dawlad aan haba yaraato ee dalka ka shaqayn oo lagu baryo adduunka, taas oo uu shakhsi ayaga ka mid ahi iska leeyahay. Dawladda noocaas ahi marka kowaad xagga dhaqaalaha ka ay dari mayso oo risaaqaddii la raadinayey baa ka qoyan, waxaana mushaar looga helayaa mooryaan qabiil oo lagu weeraro qabiilooyinkii uu dhaco ku socdey, marka labaadna waxay dawladdu la diriraysa qof kasta oo isku daya in uu meel Soomaaliya ka mid ah ka sameeyo maamul ay shacabku ku nastaan, marka saddexaadna waxay adkaynaysaa in shir qaran la isugu yimaado oo waxay difaac u tahay danihii ahaa in aysan Soomaaliya yeelan dawlad boolis iyo shanshuuro leh. 

Ganacsiga iyo danaha noocaan ah waxaa garab lagaga helaa cadow soomaliyeed oo isugu jira soomaali damiirlaaweyaal ah sida madaxda Jibuuti iyo ajaanib ay ka mid yihiin tuugo caalami ahi. Danaysato shisheeye ah baa rabta in ay Soomaaliya ku raagto sida ay tahay, waxaana u fududeeya dad soomaaliyeed oo moodaya in ay dantooda shakhsiyeed ama qabiil ku jirto in la fogeeyo dawlad shacabka hubka ka dhigta oo nabaddii soo celisa. 

Qabqableyaasha qaarkood waxay intii uu dalku kala daadsanaa galeen ceeb ah in ay ku dhawaaqeen in ay qaar Soomaaliya ka mid ah goosanayaan, waxayna sabab uga dhigeen ”Reer hebel baannu ka caroonnay!”. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ”Nin magaalo ka caroodow yaa ku og?!”, sidaas awgeed kuwaas waxmagarata ah oo dalka Soomaaliya iyo ummadda soomaaliyeed moodey labo dhoocilood oo habuub caano ah kala shubanayaa waa kuwa ugu aragti xun qabqableyaasha, waana kuwo ay taariikhdu nacaladi doonto, waayo waxay najaasaynayaan midnimada qaranka Soomaaliya oo suubban. 

Qabqablaha waxaa fiican in uusan ku dhawaaqin in uu dalka qaar goosanayo, oo uusan isla soo taagin cuqdad uu leeyahay ”Reer hebel baan ka cararayaa!” iyo in uusan meesha uu joogo daroogo ku beerin iyo in uusan la heshiin tuugo cadow ah oo dalka sun ku duugaya, isla markaasna uusan xaaraan ku qaadanaya miraha dalka ka soo go’a. 

Wadaaddada

Wadaaddadu ma ay laha siyaasiyiin ay kaga samatobaxaan mugdiyada adduunka, waxayna xagga siyaasadda ka fahamsan yihiin labo erey, oo kala ah ”Carab” iyo ”Itoobiya”! Wax ay danta soomaalida guud tahay iyo wax ay ayaga dantoodu tahay midna ma ay garanayaan, waxayna isugu sheekeeyaan in uu jiro nin fiican oo Usaama Laaddin la yiraahdo iyo dal xun oo Maraykan la yiraahdo iyo in ay soomaalidu la dan tahay Usaama iyo qoladiisa! 

Sidii Usaama loola midoobi lahaa oo Maraykan loola diriri lahaa ma ay fahamsana, isla markaas sidii siyaasadda carabta, midda talyaaniga iyo midda Itoobiya ay uga garan lahaayeen kooxaha soomaalida ma ay oga. Waxay ku socdaan mugdi! Xawilaadda lacagta kuma ay xuma marka loo eego dadka kale, waayo xagga ammaanada iyo xagga in xaafadaha lacag la geeyo waxaa la hubaa in ay ku wanaagsan yihiin. 

Haddii ay arkaan qabqable mid kale ku xifaalaynaya ama ku dacaayadaynaya in uu Yuhuud ama Zanbia xariir la yeelahay uuna carabta ka fog yahay waxay moodayaan in uu midkii warkaas sheegay rasuulkii oo kale yahay midka kalena uu Abuujahal oo kale yahay. 

Kuwa cajaladaha laga duubo qaarkood waxay ku dhaqmaan qabyaaladda, waxayna hab qabyaaladeed ugu kala eexdaan qabqableyaasha, dabadeedna kuwo caamo ah oo cajaladaha kala duubta ayaa waxay moodaan in midkii uu shiikhu caayaa uu gaal yahay, midkii uu qabiil ahaan u raaco ama uu lacag ka rabaana uu ilaahay u dhow yahay, ka dibna waxaa abuurmay aragtiyo dafiic ah oo ay diintu u kala eexato qabqableyaasha qabiilooyinka, oo ay weliba u eexato kuwa ugu xaaraan cun badan. 

Dhacii badnaa iyo tuugadii koofurta Soomaaliya ka dhacay kama ay hadlaan, ee waxay ka doodaan in uu Maxamed-Dheere dad wajigooda qarsada uga shakiyey arrimo nabadgelo awgood! Magaalooyinka Marka, Xamar iyo Baraawe waxaa la deggan yahay boqol kun oo guri oo dadkii lahaa la laayey ama laga qaxiyey, waxaana la moodaa in ay diintu xalaalaysay marka la eego sida ay wadaaddadu uga aamuseen! 

Diintu xilligaan waa dukaan lagu ganacsado ama waa geedo ay qabiilooyinku isugu soo gabbadaan markii ay murmayaan, ee ma aha wax ummadda si xaq ah oo caafimaad ah loogu sheego. Qof ku nool hoyaad uusan lahayn oo cuna hanti uusan lahayn baa wuxuu ku doodayaa ”Axdi qarameedka meel baan diinta waafaqsanayn!”. 

Wuxuu rabaa in uu dawlad la soo dhiso kaga hortago ereyadaas caaqnimada ah si aan inta hubka laga dhigo looga saarin beeraha uu ka qaaday dadkii lahaa, oo aysan carruurtiisu uga bixin guriga ay u degganaayeen dhawr iyo tobankii sannadood ee la soo dhaafay. 

Wadaaddada qaarkood qabiilkii ama qofkii ay shuufaan waxay caydooda u ekaysiiyaan diin, waxaana isaga khaldan carabta oo aysan ka dabaalan karin siyaasad ahaan oo aysan kala aqoon boqorrada faasiqiinta ah iyo asaxaabtii rasuulka iyo siyaasadda soomaalida oo aysan waxba ka ogayn meel loo wado iyo meel laga wado. 

Siyaasad ahaan waxaa ugu roon kuwii aynu soo sheegnay oo isku wada qabyaalad iyo diin, taasna macneheedu ma aha in ay shakhsiyaad fiican yihiin, ee soomaalida ayaa ku maahmahda ”Waxba wax bay dhaamaan”. Haddii uu qofku qabiillada qaar ka soo horjeedo, uuna yahay shiikh tafsiirka yaqaan wuxuu mari karaa waddo siyaasadeed oo aysan dadka caaqyada ahi fahmi karin, waxaana waddadaas maray oo ku barwaaqoobey shiikh Cumar-Faaruuq iyo rag kale! 

Horta waa in ay dad badani ogaadaan in aad diinta ilaahay fidisid, oo lagaa duubo cajalado badan, ka dibna waa in aad xariir la lahaatid qabqableyaasha aad xulufaysan kartid xagga qabiilka oo kuu waafaqi kara caaddifaddaada qabyaaladeed. Labo faa’iido ayaad ka helaysaa qabqablahaas, waana in uu lacag ku siiyo iyo in uu qabiilkaaga iyo kiisa mideeyo. Adigu markaas dadka caamada ah oo qabiil kasta ka kooban waa in aad labo arrimood ka fulisid. Midda kowaad in qabqablaha aad jeceshahay kuwa ka soo horjeeda aad diin ahaan ugu dirtid, iyo in aad laftooda sida xoolihii u maashid oo aad maalkooda jeebabka ku uruursatid. 

Xagga dhaqaalaha waxay farsamada noocaan ahi ku fiican tahay in labo ilood oo dhaqaale u irmaan yihiin ninkii fahma, waxayna kala yihiin lacag uga imanaysa qabqablaha uu u shaqeeyo iyo lacagta dadweynaha ka soo uruuraysa, oo aan qabiil loo eegayn ee xataa qabiilka uu shiikhu neceb yahay ay bixinayaan.

Waddadaasi waxay ka mid tahay siyaasadaha ugu waaweyn oo ay wadaaddada soomaalidu ilaa maanta dalka ka muujiyeen, waaana arrin muddooyinkaan danbe soo fashilmaysa oo keentay in uusan qofka soomaaliga ahi aamminin qof diin fidinaya, oo la sugayo inta xukuumad laga helayo si ay u kala soocmaan qabyaaladda iyo diinta islaamku.

Calooshood u shaqaysteyaasha

Qaar kamida xubnaha baarlamaanka soomaalida oo gacan isula tagay kadib markii ay isku maandhaafeen codayn

Dadka soomaalida ahi waxay wada og yihiin in ay shacabka badankiisu la xadraynayaan jacayl ay u qabaan qabyaalad iyo caaddifad reer-reer loo kala dudo, waxaase yaab leh in ay jiraan dad aan qabiil jeclayn oo laga yaabo in ay xataa qabiilkooda wax ka laayaan oo markii ay beeluhi isxasuuqayaan ay xabbadoodu u dhacdo dhanka qoladooda! 

In uu qofku qabyaalad iyo xamaasad ka fogaadaa waa arrin wanaagsan, waxaana loo qabaa baahi weyn si looga baxo dhibaatada, laakiin taas macneheedu ma aha in aad qabiilkaaga ama mid kale nebcaatid, isla markaas ma aha in aad cuntodoon tahay. 

Qofka damiirkiisa iyo aragtidiisu haddii ay qado iyo quraac ku xirmaan laguma tilmaami karo in uu ka xoroobey qabiil, lagumana sheegi karo qof soomaali ah, waayo barri ka maalin buu wuxuu cunto u doonanayaa dalka Itoobiya asaga oo jaajuusaya ummadda soomaaliyeed. 

Dad badan oo weliba u badan dad wax bartay baa waxaa ku dhacay jirro aydhiska ka xun oo ah in uu risaaqad xun keli ah baadigoobo, oo uusan dalka Soomaaliya dhibta haysata ka xanuunsan ee uu noloshiisa uruursado shilimo ceebeed. 

Kuwa sidaan ahi haddii ay shir gobol ama soomaaliyeed aadayaan waxay dantoodu tahay sidii ay inta shirka la joogo u heli lahaayeen khamro iyo jeebgashi, dabadeedna aysan uga qadeen wixii risaaqad ah oo ka yimaadda hawsha ka dhalan doonta shirka.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Nin walba tankiisa ayey qodaxdu u tagtaa” oo laga wado qofkii qodax ku joogsada waxay mudaysaa hadba inta uu culayskiisu yahay, oo haddii uu culus yahay aad bay u mudaysaa. Haddaba kooxda noocaan ahi isku miisaan ma aha, oo qaar baa waxay cayrsadaan qaad ay ayaamo cunaan, qaarna waxay ku xisaabtamaan malaayiin lacag ah oo ku shubanta lanbar ay bank ku leeyihiin. 

Culayska caloosha loogu shaqaystaa wuxuu ku kala xiran yahay saddex arrimood, oo midda kowaad waa in uu qofku dalka ka soo qabtay jago sare oo uu heli karo magac aan laga eegin meel hoose oo qado wanaagsan loogu oggolaan karo. Midda labaad waa in uu aqoon leeyahay, siiba waa in uu leeyahay aqoon xiriirrada caalamiga ah iyo dhaqaalaha ku saabsan. Midda saddexaad waa in uu yahay qof u abuuran turufo iyo khiyaamo, oo ku habboon in uu si damiir la’aan ah u gali karo waddooyinka noocaan ah. 

Saddexdaas calaamo haddii uu qof isku darsado wuxuu ka mid noqonayaa kuwa ugu nasiib badan uguna dheereeya tartanka caloosha lala cayaaro, isla markaas haddii labo ama mid ku sifoobo wuxuu feenanayaa lafo badan oo xaaraan ah. 

Dadka dabeecadahaan lihi waa cadowga ummadda soomaaliyeed, waana manaxeyaal aan dalka iyo dadka midna rabin, oo sidii ay lacag ku heli lahaayeen baa kala weyn soomaalida oo dhan, qabiilkooda, waalidkood iyo walaalohood. 

Haddii ay shir aadaan kama aha in la gaaro xukuumad dalkooda nabad ku soo dabbaasha, ee waxay rabaan in ay indhaha la raacaan cuntada iyo xoolaha uu shirku riman yahay, waxayna la xulufoobaan hadba meesha ugu dhow oo ay coloosha wax uga heli karaan. Waa dad aad u caqiido xun oo aan sheegi karin xal ummadeed, waxayna ku meeraystaan in ay ammaanaan qofkii ku fura jid yar oo qayilaadeed. 

Cadowgoodu waa qofkii laga dareemo in uu samaynayo siyaasad iyo maamul hirgelaya oo sharci ah, oo ugu horrayn tillaabo ka qaadaya hubka iyo nabadda, ugana sii gudbaya in aysan hay’aduhu noqon wax uu qof meel iska joogaa cunto nin kaga cuno, ee ay noqdaan wax laga shaqeeyo oo u taagan danaha ummadda. 

Kuwa calooshooda u shaqeeyaa wax dan ah kama ay laha kala googo’a dalka ka jira, hubka waddanka ku faafay oo aafeeyey, isbaarooyinka iyo tuugada koofurta Soomaaliya muddada dheer ka buuxey iyo sida loo dulmiyo qofkii laga xoog roon yahay. Maatadii iyo dalkii oo cadow shisheeye iyo mooryaan u dayacan bay waxay cayrsadaan shilimo aan ku soo gelayn hab asluub iyo iimaan ku dhisan. 

Gorayadu markii ay roob ku ordayso raadkeeda lama arko, oo tillaabadeedu waa boqol mitir, kuwaanuna markii ay meel shilimo looga sheegay ku yaacaan waa ay tillaabo dheer yihiin, laakiin markii shaqo xalaal ah loo kallaho ama talo dhab ah wax laga weydiiyo waa dadka kuwa ugu tayo liita, uguna dood ku nuxur daran. 

Markii ay ogaadaan in uu waxqabad dhab ahi meel ka unkamay waxaa ku dhaca jirro ay moodayaan in uu calafkoodu dhadayo, waxayna la meehannaabaan fidmo aan yool lahayn, oo calooshooda keli ah ka turjumaysa, weligoodna lama arag wax ay qabteen oo aan ahayn in lagu maadaysto xoolo ay si foolxun jeebkooda ugu leexiyeen iyo in ay meelo ihaanaysan ka soo lafaysteen. 

Calooshoodu ma ay buuxsanto oo wax ay qaadaan dib looma arko, markii hawl gobol ama ummadeed la hayona lama arko, oo xan nacasnimo ah bay la nuxnux leeyaan, markii ay shilimo uriyaanna waxay dadka jiirayaan ayaga oo malabsanaya. 

Haddii inta marduuf qaad ah loo dhiibo loo diro in ay hooyadood soo gawracaan waxay la ordaan mindi saawir ah, mana ay eegaan barri iyo aayaha carruurtooda, ee waxay ujeedaan cuntada markaas u muuqata, mana ay laha karti ay runta ugu bareeraan oo waxaa sidii uu rabo ka yeeli kara qof aan jeclayn oo dullaynaya. 

Magac iyo ammaan haddii ay doonayaan waxay ka raadiyaan xas cidlo ah oo ay ku hungoobayaan, waxayna weligood ka muuqdaan meel ihaano, oo ma ay leh burji iyo awood ay ku qanciyaan waxgaradka ummadda iyo dadka jecel in shacabka soomaaliyeed laga soo uruuriyo qoryaha ay isku dulminayaan, oo shaqooyin loo abuuro. 

Ammaan aysan u qalmin bay si aan habboonayn ugu raadjoogaan ayaga oo loo jeedo in ay yihiin maangaabyo aan xishoon oo aan lahayn damiir fayow, caqiido fiican iyo dadnimo ay u dhasheen oo tusa in ay ummaddooda la jeclaadaan nabad iyo in laga saaro halaagga ay quusayaan. 

Kuwaani adduunka waxay ka cunayaan oon aan sharaf lahayn, waxayna ka huwanayaan maryo ceebeed, waxay u hoyanayaan aqallo fadeexadeed, waxayna u dhimanayaan fulenimo iyo cuqdad aan ku habboonayn qof dal iyo dad leh. 

Talo

Labo arrimood oo aynu hore u soo taabannay baa muhiim ah, waana in qabiilkii jamhuuriyadda in uu qaar goosto damca laga diido iyo in shacabka hubka laga uruuriyo. Labadaas arrimood midda hore wax culays ah ma ay laha oo ummadda soomaaliyeed oo dhan baa taageersan, waana lagu guulaystey oo maanta wax shiddo ahi kama ay taagna. 

Arrinta ah in waddanka gacan dawladeed la geliyo waxaa sidii aynu soo sheegnay hortaagan dad raba in ay mugdiga uu dalku ku jiro kaga danaystaan oo aan dhawaan la helin nabad iyo xasillooni. Waxaa keenay in aynu nabadda iyo hubka gaar u taabanno in aynu og nahay waxa ugu darani in ay tahay in ay shacabku shacab noqdaan, oo ay hubka iska dhiibaan, waayo in dalka la nabadeeyo wax aan ahayn laguma gaari karo waxyaalaha la tebayo. 

Waxaa hubaal ah haddii ay beelaha qaarkood diidaan in jamhuuriyadda la nabadeeyo oo ay ku adkaystaan in ay ka cagojiidaan in la helo siyaasad midaysan iyo maamul shaqeeya aysan suurtoobayn in la helo soomaali nabad ah, maxaa yeelay qabiilna mid kale kuma uu khasbi karo danta guud, oo sababaha arrinta Soomaaliya daahiyey waxaa ka mid ah middaas. 

Waxyaalaha beenta ah oo in ay qabqableyaashu maskaxdooda ka saaraan ay ayaga iyo ummaddaba u fiican tahay waxaa ka mid ah in ay nabadaynta dalku beel gaar ah ama shakhsi soomaali ah ku tahay dhibaato. Qabiil hubaysan oo ay haddii la xisaabiyo maalin kasta ka dhintaan labaataneeye qof oo aan habeenkii nabad ku seexan, oo suuqa nabad ku mari karini maxay faa’iido ah oo haystaan?! Qabqablaha ay xerada ugu jiraan kooxda dhallinyarada ah oo aan mid magaciisa qori kara lagu arag, oo shacabka intooda taagta daran ku dulmiyaa muxuu waxaas ku gaarayaa?! 

Waddada uu u sii macaansanayo oo ah in uu soomaalida iyo dalkoodaba si khaldan shilimo xaaraan ah uga raadsado iyo in uusan cidna ka haybaysan oo uu hameen iyo maalin duullaan ku jiro waxaa asaga iyo ummaddaba u dhaanta in uu la midoodo kuwa kale oo hubka haysta, dabadeedna uu ka qaybqaato nabadaynta iyo hawlaha lagu soo celinayo midninmadii ummadda. Haddii uu ganacsanayo waxaa u fiican in dalka oo nabad ah oo ay carruurta soomaaliyeed iskoollo dhigtaan uu canshuur iska bixiyo oo uu noqdo ganacsade soomaaliyeed oo ku faraxsan in uu leeyahay dal nabad ah iyo dad ay wax u kala socdaan, asaguna uu adduunka sharaf ku lahaado oo aan meeshii uu tagaba lagu xadgudbin. 

Qabiilkiisa iyo asaga ma wuusan Rabbi siin karin risaaqad aan ahayn in ay isbaaro waddooyinka dhigtaan iyo in ay hindise madow u maraan calafkii uu ilaahay u qoray? Dhallinyarada lagu wacyigelinayo in tuugo iyo dhac uu mustaqbalkoodu yahay waxaa u fiican in loogu beddelo in ay soomaalidu yihiin dad walaalo ah, dalkuna uu yahay dal soomaaliyeed, oo haddii uu nabadoodo ay furmayaan jidadkii nolosha loo mari lahaa. 

Guri dundunsan oo xaaraan ah iyo beer uu qofkii lahaa diley qofka soomaaliga ah ilaahay risaaqaddiisa kuma uu xirin, oo waxaa furmi doona mashruucyo dalka oo dhan lagu guryeeya si uu qof kastaa u helo hoy uusan cidna ka qaadin, isla markaas waxaa abuurmaya shaqooyin uu nabad ugu jarmaado oo uu lagac ku helo asaga oo aan qof soomaali ah dilin. 

Magaalada Muqdisho isku celcelis waxaa maalin kasta lagu kufsadaa 500 ilaa 600 oo dumar ah, waxaana haddii ay nabadowdo furmaya shukaansi caadi ah oo uu nin kastaa middii uu ka helo la saaxiibo iyo guur xalaal ah, ninkii danbe oo gabar xoogana waxaa loo dhiibayaa boolis soomaaliyeed. 

Dekadihii hore haddii la furo kuwo cusubna la dhiso, isla markaas ay goobaha duullimaadku si caadi ah u shaqeeyaan wuxuu qofka soomaaliga ahi helayaa shirkado badan oo uu middii uu rabo u shaqeeyo. Waxaa kale oo shaqooyin badan laga heli doonaa ciidamada qaranka iyo hay’adaha kala duwan. 

Meel kasta wuxuu qofka soomaaliga ahi ku mari doonaa nabad, wuxuuna helayaa dukument sharciyaysan oo uu soomaali kastaa xaq u leeyahay ayada oo aan la dhibin, oo aan lagu xadgudbin. Wuxuu qofku illaawayaa shirkadaha xawilaadda iyo shaxaadka, oo wuxuu ku mashquulayaa shaqadiisa, waxayna carruurtiisu helayaan waxbarasho fiican, waayo waxaa dalka nabadda ah ku soo laabanaya oo hawlgelaya dadkii soomaaliyeed oo bannaannada ku kala firiqsanaa. 

Waxa ugu xun oo uu qofku noqdaa waa “tuug”, waxa ugu fiican oo uu noqdaana waa shaqaale. Waxa ugu weyn oo maanta loo baahan yahay waa nabad, waxaana loo mari karaa in ay qabqableyaashu isu keenaan hubka, isla markaas la qorsheeyo sidii hubka oo dhan isku maamul loogu gacangelin lahaa. 

Ha ku mashquulin in aad nin madaxweyne loo doortay fiirsatid ee niyadda ku hay sidii nabad lagu heli lahaa, waxaadna ogaataa in qofkii nabadda iyo hubka wax ka qabtaa uu ku taagan yahay waddadii nolosha loo mari lahaa. “Yaa wasiir ah!” maskaxdaada ha ku daalin ee waxay wasaaraddu qabatay ku xisaabtan. Taliyaha saldhiga booliska ha ku farxin in uu kuu eexdo, ee ku farax in uu boolisku xaqaaqa kuu waardiyeeyo oo aan lagu dulmiyin. 

In aad adigu qori isku waardiyaysid waxaa ka fiican in uusan jirin qof qori sita oo aad iska waardiyaysaa, oo uu hubka oo dhammi ku jiro gacanta ciidammada qaranka, isla markaas aysan ciidamada qaranku ku dulmiyin, oo ay ahaadaan waardiye adiga kuu shaqeeya oo aad muuqaalkooda ku faraxdid. 

Debedaha ha eegin ee dalka eeg! Ha ka sheekayn ”Golaha ammaanka” iyo hay’ado caalami ah ee ka fakar ammaanka xaafadda aad ku nooshay iyo hay’adaha adiga kuu adeega. Caaddifadda qabiilka iska saar, waayo qabiilka kale laftiisa ayaa xamaasad qaba oo haddii aad labadiinnu isnacdaan waxaa la waayayaa Soomaaliya. 

Soomaaliya! Soomaaliya! Ha noqon tuug soomaalida xada, hana raadin in aad gaar ugu noolaatid wax aadan gooni u lahayn, waayo waxaa lumaysa kalsoonida. Haddii ay kalsoonidu lunto wuxuu qof kastaa qaadanayaa qori ama toorrey, waxaadna waayeysaa waddo aad nolosha u martid. 

Ma waxaad ku kalsoon tahay in uu awoodda dalka gacanta ku dhigo nin aad isku dhowdihiin xagga qabiilka? Maxaa diidaya in ay awooddu adiga gacantaada gasho? In xafiis kasta oo aad tagtid lagu qanciyo oo aadan dareemin in uu jiro qof xuquuqdaada ku seejiyaa ayaa ah awooddaada. Awooddaadii meeday? Maxaa awooddaada adiga kaa dheereeyey oo aad marti ugu tahay madaxweyne kula qolo ah, oo aad uga baqaysaa madaxweyne aan kula qabiil ahayn? Sidee baad ku heli kartaa in aadan qofna ka cabsan, oo aad adiga iyo madaxweynaha aad ka baqaysid ama aad magangelaysaa aad isku mid ku noqon lahaydeen? 

Muxuu yahay madaxweynuhu? Maxaad ka aamminsan tahay? Waxaad ka aammintey wax aan jirin oo ah in uu kaa awood sarreeyo! Sidee baad ku ogaatey in uu leeyahay awood aadan lahayn? Waxaad ku ogaatey in aadan weligaa soo marin nolol caddaalad ku dhisan. Madaxweynuhu ama wasiirku wuxuu u shaqotagaa xafiis uu ka qabto hawlo ka yar kuwa aad adigu dalka u haysid, oo uu sharcigu u qeexayo. Hawlohoodu kama ay sharaf badna kuwa aad qabatid. Hantida idiin dhexaysa uma ay laha awood ay ku qaataan sida aadan adiguba ugu lahayn, haddii ay u yeeshanna ma ay aha madaxweyne iyo wasiir ee waa qabqableyaal dagaal. 

Shaqo ay mushaar ku helaan oo taada oo kale ah wax ka badan haddii ay awoodaan waxaa kaa maqan ama qof kale ka maqan xaq, waana sababta aad u baqaysid oo aad u moodaysid in uu madaxweynuhu yahay wax macne weyn leh! Sawirka maskaxdaada ku jiraa ma aha hoggaamiye ummadeed iyo masuul hay’adeed ee waa sawir ”tuug!”. Waxaad rabtaa in uu tuug qoladiinna ahi xado hantida ummadda oo uu soomaalida dulmiyo! Nolol aan tuugnimo ahayn in aad ka fakartid maxaa kuu diidey? 

Maxaa walwal iyo shaki noloshaada geliyey? Qori iyo lacag! Qoriga in aan lagugu dulmin ma la samayn karaa oo lagugu waardiyeeyo adiga iyo carruurtaada? Ma la samayn karaa in uusan madaxweynaha aad ka baqaysaa heli karin lacag aadan adigu heli karin? Maxaa nin kula mid ah u saamaxaya in uu qorigii qaranka adiga oo miskiin ah kugu dulmiyo, sidee buuse u awoodaa in uu dhaqaalaha dalka adiga oo rafaadsan iska qaato? 

Waxaad ka baqaysaa in aan danahaaga waxba laga qaban oo adiga daalac laguu raacdo, isla markaas magacaaga iyo magaca qaranka lagu uruursado canshuuro aadan aqoon wax lagu qabto iyo hantiyo kale oo ay ku falaadaan niman aad saxaafadda magacyadooda ka maqashid oo aadan jeclayn. 

Go’aankii ugu danbeeyey oo aad qaadatay wuxuu ahaa in aan lagu noolaan karin Soomaaliya iyo in ay noloshu tahay qaxootinnimo, waxaadna qabtaa quus ah in magaca Soomaaliya qofkii metelaa uu dadka laayo oo uu lagac meelahaas ku xasaysto. 

Horta maanta laga bilaabo adiga ayaa madaxweyne ah! Maya waxaad tahay wasiirkuxigeen! Waa ilaahay mahaddiis haddii ay wax awood ahi maanta gacantaada soo galeen! Haddaba maxaa talo ah? Konton sannadood ka dib carruurtaadu xaggee bay joogi doonaan? Maya konton sannadood waa ay kugu badan yihiin ee labaatan sannadood ka dib qofkii buug kaa qoraa muxuu qorayaa? Saddex waxyaalood baan anigu waxaan qori doonaa labaatan sannaadood ka dib. Midda kowaad waa hubka iyo katiinadaha, midda labaad waa hantidii dalka, intaas ka dib laftaada ayaan daalac kuu raacanayaa. Ogow in aanan erey been ah qorayn! 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa leh qoraaga ku saxeexan
JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments