Qaybta

Aragtiyo

A

Gabaati mise Gadasho

Inkastoo guurku yahay dhaqan soo jireena hadana markasta waxaa go'aamiya diimaha iyo dhaqamada kala duwan ee bulshooyinku kala leeyihiin. Guurka Soomaalidu wuxuu asal ahaan ku qotomaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida. Sida wax loo meheriyo, waxa la akhriyo, marqaatiyada iyo ka idan qaadashada waxa loo yaqaan "weliyul amriga" ama cidda gabadha dhashay oo la weydiisto waa dhaqan islaamka...

Maxay Soomaalidu Diinta si gaar ah ugu jecel yihiin?

Midda kowaad waxaa isu dhaqan eg carabtii diinta islaamka ka hor iyo ka dib ku noolayd dhulkii ay diintu ka soo baxday iyo soomaalida. Carabtaasi waxa ay ahaayeen dad geela aad u jecel, maansooyin ka la aarsi iyo qabyaalad isugu tiriya, uusan ninka ka mid ahi dan u dhiman ee uu sharafta reerkiisa u dhinto, waxa koox mideeyaa ay ahaayeen wada dhalasho keli ah, ragannimadu ay wax sare ahayd oo...

Wadaadadu waa fulayada fikirka

Wadaadka Soomaaligu ma laha fikir dhalad ah oo ku socda danta bulshadiisa ee waa wax uu ku matalayo wadaadka Carbeed. Waxba ma hindiso waxbana ma qoro wadaadku, iyada oo asal ahaan aqoonyahannimadu tahay in wax la qoro si waxaa loo barto, loo darso, loona dhiteeyo. Caalim kasta oo uu sheegto waa arday Carbeed oo weligii kilkisha ku sita buug uu qoray wadaad Carbeed oo isaga mar jaamacadda ka la...

Diintaadu waa juqraafi

Diimuhu ma laha qiimo iskii u muuqda oo lagu garto xaq iyo baadil kan ay yihiin, ee hadba waa sida qofka iyo bulshadu u aragto. Oo diin waliba dadka rumaysan waxay ugu muuqataa xaq muqaddas ah, oo aan loo baahnayn in sina shaki iyo muran loo galiyo. Laakiin, isla diintaasi kuwa aan rumaysnayn waxay ugu muuqanaysaa waalli iyo doqonnimo isbiirsaday, oo loo baahan yahay in ruuxa garaadka lihi iskala...

Dumarka lagu ceebeeyo dhillaynimo (Slut-shaming)

Slut-shaming waa markaad ku weerarto gabdhaha hab-dhaqankooda galmada - ha ahaato mid xiriir galmo ku jirta (sexually active) ama mid kale, si kastoo ay u yar tahay ficilka ay samaysay, waxaa loo tarjumi karaa laguna dhalleeceyn karaa "galmo xad dhaaf ah" (dhillonimo) - waana arrin ay bulshooyinku muddo dheer ka aaminsanaayeen haweenka.

Adeegsiga caqliga iyo akhriska xorta ah

Sida dadka badankiisu aaminsan yahay noolaha oo dhan waxaa ugu sharfan dadka. Dadku waa karaamaysan yahay, asaga ayaana ugu mudan wixii nafi ku jirto. Noolaha oo dhani waa ka siman yihiin wax walba. Nafta, daremayaasha, korriinka, taranka, iyo kuwa kaleba . Waxa kaliya ee inaga soocay waxaas oo makhluuq ahi waa garaadka (intelligence). Taas oo noolayaasha kale aynu dheernahay ama aysan lahaynba.

Xoriyadda iyo Masuuliyadda

Xoriyaddu waxay ku hoos jirtaa masuuliyadda, waxaa qaba aragtidaan ama laga soo wariyey faylasuufkii Danish-ka ahaa "Soren kierkegaard". Tan iyo intii ay nolosha dadku jirtay xoriyadu waxay ka ahayd nolosha dadka qayb muhiima iyadoo hadba heer soo joogtay. Hayeeshee waxaa loo qaybiyaa saddex qaybood oo muhiima inay xoriyadda dadku soo martay sida laga soo wariyey culumada taariikhda falsafadda uu...

Diimaynta Aafooyinka Dabiiciga ah!

Waligeedba wadaadadu waa ay is-xiijin jireen wax walba oo cusub e, kadib soo if-baxii xanuunka Koroonaha, wadaado badan baa xujo-diimeed ka dhigtay xanuunkan aafeeyay dunida, ayaga oo leh; “aaway kuwii awoodda sheeganayay, il-ma-aragto aan loo jeedin ayaa baabi’isay, cilmigii waa fashilmay, xanuunkani waa caro Alle oo waxba lagama qaban karo ...” iyo waxyaabo la mid ah.

Ex-Muslim Misogynist

Hadaan ku hormaro qeexidda erayga "Misogyny" micno badan ayuu eraygaan leeyahay laakiin guud ahaan wuxuu u taaganyahay fikradda liididda ama hoos u dhigista haweenka jinsigooda darteed. Sida uu aaminsan yahay aqoonyahanka dhinaca cilmiga bulshada ee Allan G. Johnson "Misogyny waa dhaqan ku dhisan nacaybka dumarka, dumar ahaantooda oo kaliya". Marka aan fiirino taariikhda, in haweenka la liido...

Waayeel

Waayeelku waa qof wakhti badan noolaa, cimrigiisuna gabogabo ku dhaw yahay. Waa qof soo dhadhamiyay dhadhan kasta oo ay nolosho lahayd. Waxa uu soo jibaaxay nolol boqollaal jeer qofkeeda ku kalifta in uu isagu is dilo, markii uu cid nafta ka qaaddo waayo. Meeshatan (Waayeelnimada) nasiib iyo karti is-biirsaday ayaa lagu soo gaaraa.