Qaybta

Aragtiyo

A

Xukun

Su’aaluhu waa waxa ugu daran oo dadka isku dira, waxaana taas sabab u ah in ay jawaabo u baahan yihiin. Dadka keligood in ay taliyaan jeceli waxay dadka baraan in ay su’aalaha badani xun yihiin, oo waxay rabaan in hadafkooda keli ah loo maleeyo in uu xaq yahay, taasina waa khiyaano ay dad gaar ahi rabaan in ay mulkiyaan dadka intooda kale oo ay ka dhigtaan xoolo ay ayagu leeyihiin. Wadaaddadii...

Eedayn iyo isdifaac

Dagaallada ay soomaalidu galaan waxay sheegaan in ciidanka weerarka ahi uu ka waxyeello badnaado ciidanka difaaca ah, laakiin doodda weli soomaalidu ma ay sheegin eedaynta iyo isdifaaca midka halis badan.Dadka maxkamadaha ka warqabaa waxay og yihiin in qof uu dacwada oogo iyo in uu mid kale qareen (abukaate) yahay, oo uu dadka ay arrintu khusayso difaaco, laakiin ruuxa dacwada ooga iyo qareenka...

Ilgayr

Shan boqol oo waji oo kun indhood leh haddii qof hadlaya xaggiisa loo jeediyo wuxuu qofkaasi joogaa ”Ilgayr”, waxaana aad u badan in dadku markii ay ilgayr ka hadlayaan ay dareemaan dhibaatooyin iyo culaysyo aysan dareemeen haddii ay saaxiibbadood gaar ula hadlayaan.Dhibaatooyinkaas uu qofka ilgayrta ka hadlayaa dareemayaa waxay sii daran yihiin haddii uusan qofku weligiis ilgayr ka hadlin. Waxaa...

Aftahmo iyo afjuxuunsi

Qof kasta oo dad la doodayaa wuxuu malaha jecel yahay in uu aftahmo ay guuli ugu soo hoyato leeyahay iyo in uu dadka lidka ku ah afjuxuunsado. Haddaba sidii lagu garan lahaa labadaas arrimood ayuu qoraalkaani inoo lafogurayaa, waxaase ugu horrayn fiican in aynu ogaanno macnaha labada erey ee ”tahan” iyo ”juxuun”. Ereyga ”af” waxaa la moodaa in uu xoogaa iska roon yahay, oo ay dadku maalin kasta...

Masayrka Maangaabyada

Qowmiyadda Yuhuudda dad badan baa neceb, waxaana laga yaabaa in ay qaarkeen moodayaan in loo necbaaday in ay Rabbi ka fog yihiin darteed! Taas waxaa diidaya nacaybkii iyo xasuuqii uu mudane Aldolf Hitler kula carobaaba’ay iyo dhibaatooyinkii ay Faraacinadu muddo hore ku takooreen kuna qaxiyeen in aysan jihaad ahayn. Isla markaas waxaa Yuhuudda neceb dad badan oo aan Rabbi jiritaankiisa malaynayn...

Han weyn iyo hibo yar!

”Male” iyo ”dhab” waa labo erey oo afkeenna duugga ah ka mid ah, lagana yaabo in macnnehoodu uu luqad kasta ku jiro, laakiin labadaas kalmadood midkee buu macnihiisu horumarka nolosha u fiican yahay?Waxaa su’aashaas ka horraysa ”Horta ma ay fiican tahay in la horumaro mase waa ay xun tahay?”. Sida ay dadkeennu u dhaqmaan oo ka muuqata haddii la daliishado waxaa caddaanaysa in uu horumarku xun...

Xumaan iyo Samaan

Labada erey oo kor ku qoran wuxuu qof kastaa u malayn karaa in uu kala yaqaan, isla markaas wuxuu moodi karaa in ay jiraan dad badan oo aan labadaas erey kala garanayn. Kuwa uu qofku moodayo in aysan xumaanta iyo samaanta kala aqoon laftoodu waxay u qabaan in aysan asaga xumaha iyo wanaaggu u kala soocnayn.In xumaanta iyo samaanta isku si loo wada aqoodaa waa arrin aan suurtagal ahayn, waxaana...

Xaqdarro

Carruurta dugsiyada qur’aanka dhigta midkii aan xafidaadda ku fiicnayn ama aan jeclayn in uu subaca iyo qur’aanka ka qaybgalo waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay ”Ilmo uu shaydaan duufsaday!” Dadka uu la deggan yahay iyo wadaadka dugsiga dhigaaba waxay ku heshiiyaan in uu ilmahaasi shaydaanka calaaqaad weyn la leeyahay, oo in la dilo laga helayo ajar iyo xasanaad loo aayayo maalinta Qiyaame.Guriga...

Nacas Nacab ah!

“Nacas“ waa erey ay dadka ku hadla afka “Maxaa“ wada yaqaanniin oo wuxuu la macne yahay ”doqon”, hase yeesho ee dadweynaha ”May” ku hadla lama hubo in ay wada garanayaan. Waxaa laga yaabaa in uu ereyga ”nacab” xoogaa adag yahay, wuxuuse haddii la soo koobo u dhigmaa kalmadda ”cadow”.Waxaa si fudud loo caddayn karaa in cadownimada iyo nacabnimadu ay ka buuxaan qof kasta oo soomaali ah maskaxdiisa...

Shaydaanku ma qubaystaa?!

Haddii soomaalida la weydiin lahaa sababta ay dhibaatadu weligood u haysatey, oo uu dalkoodu u degi waayey, waxaa laga yaabaa in ay qaarba meel jawaabta la aadi lahaayeen.Wadaaddada qaarkood waxay oran lahaayeen diintii Alle ayaa laga fogaadey oo sidaas ayey nababgelyola’aanta, faqriga iyo caqlixumadu inooku habsadeen. Waxaase su’aashaas ka hor imanaysa in soomaalida badankoodu ay tukadaan...