Qaybta

Aragtiyo

A

Isla-egta Jiritaanka!

Maalin aanan sidaas usii fogayn ayaan nin ahlul-diin ah oo aan su’aalo iswaydaarsanaynay ku iri; sida kali ah ee ay isla-egta (equation-ka) jiritaanku (existence) ku suuroobi karayso waa in ay la ekaataa eber (zero.) Ninkii inta uu qoslay ayuu yiri, ma wax jira oo aan aragno ayaad leedahay waxa ay la ekaan karaan eber? Deetana yasmo iyo jeesjees baa xigay. Aniga oo u duurxulaya, doonayana in aan...

Adduunka maxaa sababay?

Su'aashaa waa su'aasha ugu badan ee nala waydiiyo runtii. Waana su'aal mug wayn oo siyaabo badan loogaga jawaabi karo, hasayeeshee waxaan jecleystay in aan maanta isku dayo in aan ugaga jawaabo si aan horay loogaga jawaabin.

Maasooniyadda: Hummaagga Cabsida

Muddo dhawr sannadood laga joogo ayaa maalin uu nin nooga warramay duni wada argagax ah oo ay wax kaste gacan qarsoon ku maamusho Maasooniyadda Caalamiga ahi, waxa uu nagu yidhi: "Maasooniyaddu waa koox qarsoodi ah oo haddana wax kaste og isla markaana maamusha, waxa ay la socdaan cid kaste oo sirtooda wax ka ogaata oo ay dilaan haddii aanay iyaga u shaqeyn".

Soomaalida iyo Waallida

Waxyaalaha yaabka leh oo ay soomaalidu dadyowga kale kaga duwan tahay waxaa ka mid ah aragtida ay soomaalidu waallida ka haystaan iyo sida ay dadka waalan u la dhaqmaan, waxaana la isweydiin karaa bulsho qarniyo badan soo jirtey in ay sidaas waallida u la dhaqmaan.

Jiraalka iyo Micnaha Nolosha

Aadan iyo Xaawo, sida diimaha Ibraahiimigu dhigayaan, markuu Ibliis tuhunka ku beeray oo ay geedkii laga mamnuucay cuneen, waxa markiiba u muuqatey cawradooda. Awal ceeb iyo cawraba mayna ka madhneyn, laakiin tuhunka ay isu nugleen ayaa miyir-daarey oo indhaha u fiiqey. Waxa hortooda mudh kasoo tidhi adduunyo dhan oo hore uga qarsooneyd, se hadda jixinjix la'aan indhahooda isku duugeysa oo meel...

Maangal Miyaa Naceybka Loo Qabo Dadka Isku Jinsiga (LGBT)

Afkaarta iyo dhaqammada naceybka ee ku wajahan dadka isku-jinsiga ah waa mid asal-ahaan aan caafimaad qabin oo asalkeeda yahay caqli xumo iyo baqdin micno aan sameyneynin. Mabda’a 1-aad oo lagama maarmaanka u ah oo ay cuskadaan waa saynis diidmo ama iska indha-tirid xaqiiqoyinka cilmi-baarisyo fara badan caddeeyeen oo la inkiri karin. Qofka nacebyka badan maba daneenayo inuu adeegsado sharraxaad...

Dhulka ma innagaa naloo abuuray?

Dhulkaan aan ku dhaqannahay korkiisa boqolkiiba 71 (71%) waa bado ayna dadku ku noolaan karaynin. Boqolkiiba 29-ka (29%) soo hadhay, saddex u dhig hal dhig, ama 33% waa saxaro iyo lama dagaan. Halka dhig ee soo haray, 20 million oo kilometer in kabadan waa qaaradda Antarctica iyo Arctic oo ah baraf iyo lama dagaan uuna dadku ku noolaan karaynin noloshuna suurta gal ku ahayn!

Insaanka iyo xasiloonida

Dadku waxey jecelyihiin xasilloonida. Had iyo goor waxey baadi goob ugu jiraan dareen qabow iyo maskax daggan, kolka ay helaanna waxey diyaar u yihiin inay buuro kaynaan ah seetiyaan si ay ilbidhiqsi dheeraad ah usii hakiyaan. Marna qofku kuma qanacsana qabyo iyo wax dhantaallan. Waaqica noloshu se lid ayey ku tahey dhammeystirnaanta, oo ilaahyo dadku ikhtiraacdeen mooyi e, qof hanka ku qabsadey...

Gabaati mise Gadasho

Inkastoo guurku yahay dhaqan soo jireena hadana markasta waxaa go'aamiya diimaha iyo dhaqamada kala duwan ee bulshooyinku kala leeyihiin. Guurka Soomaalidu wuxuu asal ahaan ku qotomaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida. Sida wax loo meheriyo, waxa la akhriyo, marqaatiyada iyo ka idan qaadashada waxa loo yaqaan "weliyul amriga" ama cidda gabadha dhashay oo la weydiisto waa dhaqan islaamka...

Maxay Soomaalidu Diinta si gaar ah ugu jecel yihiin?

Midda kowaad waxaa isu dhaqan eg carabtii diinta islaamka ka hor iyo ka dib ku noolayd dhulkii ay diintu ka soo baxday iyo soomaalida. Carabtaasi waxa ay ahaayeen dad geela aad u jecel, maansooyin ka la aarsi iyo qabyaalad isugu tiriya, uusan ninka ka mid ahi dan u dhiman ee uu sharafta reerkiisa u dhinto, waxa koox mideeyaa ay ahaayeen wada dhalasho keli ah, ragannimadu ay wax sare ahayd oo...