Qaybta

Aragtiyo

A

Xoriyadda iyo Masuuliyadda

Xoriyaddu waxay ku hoos jirtaa masuuliyadda, waxaa qaba aragtidaan ama laga soo wariyey faylasuufkii Danish-ka ahaa "Soren kierkegaard". Tan iyo intii ay nolosha dadku jirtay xoriyadu waxay ka ahayd nolosha dadka qayb muhiima iyadoo hadba heer soo joogtay. Hayeeshee waxaa loo qaybiyaa saddex qaybood oo muhiima inay xoriyadda dadku soo martay sida laga soo wariyey culumada taariikhda falsafadda uu...

Diimaynta Aafooyinka Dabiiciga ah!

Waligeedba wadaadadu waa ay is-xiijin jireen wax walba oo cusub e, kadib soo if-baxii xanuunka Koroonaha, wadaado badan baa xujo-diimeed ka dhigtay xanuunkan aafeeyay dunida, ayaga oo leh; “aaway kuwii awoodda sheeganayay, il-ma-aragto aan loo jeedin ayaa baabi’isay, cilmigii waa fashilmay, xanuunkani waa caro Alle oo waxba lagama qaban karo ...” iyo waxyaabo la mid ah.

Ex-Muslim Misogynist

Hadaan ku hormaro qeexidda erayga "Misogyny" micno badan ayuu eraygaan leeyahay laakiin guud ahaan wuxuu u taaganyahay fikradda liididda ama hoos u dhigista haweenka jinsigooda darteed. Sida uu aaminsan yahay aqoonyahanka dhinaca cilmiga bulshada ee Allan G. Johnson "Misogyny waa dhaqan ku dhisan nacaybka dumarka, dumar ahaantooda oo kaliya". Marka aan fiirino taariikhda, in haweenka la liido...

Waayeel

Waayeelku waa qof wakhti badan noolaa, cimrigiisuna gabogabo ku dhaw yahay. Waa qof soo dhadhamiyay dhadhan kasta oo ay nolosho lahayd. Waxa uu soo jibaaxay nolol boqollaal jeer qofkeeda ku kalifta in uu isagu is dilo, markii uu cid nafta ka qaaddo waayo. Meeshatan (Waayeelnimada) nasiib iyo karti is-biirsaday ayaa lagu soo gaaraa.

Noole cudurrada faafa gudbiya!

Muslimiinta iyo dadka kale in loo garnaqo ayey mudan yihiin. Muslimiintu dadka kale waxa ay u arkaan dad wasakhaysan maskax ahaan iyo jir ahaanba oo aan lahayn mabda' xalaal ah oo ay aamminsan yihiin iyo diin dhaqankooda hagaajisa. Waxa ay aamminsan yihiin in ay diintoodu diimaha iyo dhaqamada kale ka fiican tahay oo ay tahay diin loogu talogalay in ay dadka oo dhammi qaataan si ay adduunka...

Gumaystaha reer Yurub maxaa lagu maagay?

Dunida la gumaystey waxa ay sheegaan in gobannimodoonkoodii ay halyeyo u soo halgameen ama kaga dhinteen. Waa arrin wanaagsan, laakiin dal kasta xilliga in uu xoroobey la sheego ka dib waxaa ilbaxnimo u ahaa af ahaan iyo si kasta dalkii gumaystey oo aqoonta iyo tabobarrada waxaa ka darnaa sida uu ugu milnaa dalka oo dhan oo loogu hiranayey ama loogu arkey sarreeyaha af ahaan iyo ilbaxnimo ahaa la...

Khayraatka lumay ee Soomaalida!

Khayraatka ugu qaalisan ee uu dal yeesho waa dadkiisa (Human Resource). Dal walba inta uu kaa dad badanyahay ayuu kaa cudud iyo tamar-gacan badanyahay. Shiinaha oo ah dalka ugu dadka badan dunida, waxa ay ku qaadatay 40 sano oo dib u qaabayn dhaqaale ah in uu ku noqdo cududda labaad dunida ee xagga dhaqaalaha. In badani arintan waxaa ka caawiyay tamarta ballaaran ee uu haystay oo ah dadkiisa...

Narcissism-ka Bulshooyinka Musliiminta

Xidhiidhka dhexmara dowladdaha ma ahaa mid ku dhisan: jacayl, karaamayn iyo walaalnimo. Waa xidhiidh ku taagan tiirrar maslaxaddu ugu horrayso, oo aan tixgelin arrimo ku dhisan dareenno jacaylku kow ka yahay.

Farshaxanka qoraalka iyo aftahanimada

Anigu waan xurmeeyaa dadka qalin maalka ah ee wixii fikrad, cilmi, caqli iyo maskaxba ah ee ay hayaan kusoo gudbiya qalinka. Dadka wax qorana isku mid maaha oo waa kukala duwan yihiin hab qoraalka iyo siday isugu duwayaan iskuguna aadinayaan waxay qorayaan. Qalinlaydu waa dad cajiiba! In qalin la qaatana maahan wax sahlan sida la moodo. In qoraa la noqdaana waxaa ka horeysa in la dhaansan yahay...