Qaybta

Awood sare

A

Goob gooni ah, goob walba mise goob la’aan?

Luuqad ahaan, goob waa madal, bar, bed maran ama boos. Marka aynu leenahay wax baa ‘JIRA’ waxaan ula jeednaa in waxaasi ay dhex joogaan goob ama boos. Ma cadda sida ay wax u jiri karaan goob la’aan. Haddii uu qof yiraahdo wax baa jiri kara goob la’aan, asaga ayaa looga baahanyahay in uu caddeeyo waxa uu ula jeedo markaasi erayga “JIRITAAN”, waayo erayga jiritaan macno ma yeesho goob la’aan...

Baron d’Holbach iyo doodda diidmada Eebbe

Inkasta oo doodda jiritaanka Eebbe ay wax badan soo jirtay oo xattaa ay ka horraysay diimaha bariga dhexe, sida diinta islaamka, kiristaanka iyo waliba diinta yahuudda, hadana in si cad looga horyimaado oo shaki la galiyo waxay ahayd arrin adag oo aan lagu dhiirran karin wixii ka horreeyay qarnigii 18aad. Dadkii isku dayay in ay arrintaas dood ka keenaan waxay bixiyeen qiimo wayn waxay la kulmeen...

Farsamada Alle

Jirka insaanka ma ahan mid si la yaab leh u samaysan - waa ay jiraan xubno aynu uga wanaagsanyahay xayawaanka kale - laakiin sidoo kale, waxaa jira oo badan xubnaha ay xayawaanku inooga wanaagsanyihiin. Tusaale, aragga waa ay inooga wanaagsanyihiin xayawaanka badankii qaasatan gorgorka, halka qaarna ay ba awood u leeyihiin in ay mugdiga/gudcurka wax ku arkaan. Xawaaraha iyo orodka kuma gaarno...

Ilaahay ma daalin baa?

Marka aan dooneyno inaan ka faalloonno ama lafa gurno wax walba oo quseeya Ilaaha muslimiintu rumaysan yihiin inuu xagga sare fadhiyo, waa in aynu u noqonnaa Quraanka oo ah hadallo laga qoray afka Maxamed 14 qarni muddo laga joogo loona nisbeeyo inuu yahay hadalkiisa. Si ay idiinku fududaato fahanka qoraalkan kooban waxaan daqiiqado kooban iska indha tirayaa aaminaadayda oo ah in aanu jirin...

Roobka ma Ilaah baa keena?

Marka koowaad waxa aynu wada ogsoonahay shaki la'aan in sameysanka roobku uu ku yimaado uumi-baxa biyaha badda, waxaana u sabab ah marka ay fallaaraha cadceeddu ku dhacaan oogada sare ee biyaha in ay sameeyaan uumi-bax (Evaporation), balse uumigaasi ma ahan mid aynu indhaheena ku arki karno ilaa inta ay gaarayaan Atmosphere-ka isuna beddelayaan daruuro habka loo yaqaan (Condensation), intaas ka...

Ilaahey wakiil ka socda oo carabi kaliya ku hadla miyuu u baahan yahay?

[su_quote]Haddaan ka yeelo kitaabka quraanka luuqad ajanabi ah waxay dhihi lahaayeen maxaa loo caddayn waayey aayaadkiisa, ma (Quraan) ajanabi ah iyo nabi (Carabi ah), waxaad dhahdaa isagu kuwa rumeeyey wuxuu u yahay hanuun iyo caafimaad, kuwa aan rumeynina dhagahooda waxaa ah culays, waana ka indha la' yihiin kuwaasna waxaa looga yeeri meel fog - Fussilat:44 وَلَوْ جَعَلْنَاهُ قُرْآنًا...

Cuf-isjiidadka iyo Carshiga!

Marka aynu u weecano awooda cuf-isjiidadka dhulka, waa mida suura gelisay in wax walba oo dhulka dushiisa saaran ay dhulka uun ku sugnaadaan oo aysan ka duulin oogada dhulka. Dhulku maadaama uu aad uga weyn yahay wax walba oo dushiisa saaran, sidaas daraadeed, awood cuf-isjiidad oo xoogan ayuu ku hayaa wax walba oo oogadiisa ku sugan. Inta mitir ee aad kor u boodi karto marka aad dhulka dushiisa...

Sanamka dhuumaalaysta

Qof maskax furan marka loo sheego in uu jiro ilaah abuuray waxa ugu horreeya oo maskaxdiisa ku soo dhacaa waa in uu isweydiiyo cidda ilaahaas qofka abuuray laftiisa abuurtay. Wadaaddadu waxa ay sheegeen in markii ay qof isweydiintaasi ku soo dhacdo uu iska indhotiro, isla markaas waxa ay isla wadaaddadaasi sheegaan in aysan jiri karin wax iska abuurmay oo aan lahayn cid samaysay, taas oo uu...

Caqliga Eebbe

Waxa aynu nahay dad mu’miniin ah oo caqligooda aan adeegsan ee caqliga Eebbe ka danbeeya xataa haddii uu caqliga Eebbe yahay wax aan la fahmi karin. Caqliga Eebbe waxaa ka mid ah cadaabta aakhiro oo ah in qof nool la gubo oo markii uu dhuxul noqdo haddana la soo nooleeyo oo la gubo oo gubitaankaas lagu wado weligiis. Caqligaas Eebbe la ma fahmi karo cid uu dan u yahay oo Eebbe laftiisa xataa wax...

Eebbe Metaalkiis ma jiro!

Waxaa jirta aayaad Qur’aanka kariimka ah ka mid ah oo af cad ku sheegtay in Eebbe wax metaalkiisa ah ama shabbahaa aysan jirin, isla markaas aayado kale ayaa sheegay in uu Eebbe caroodo, xaddiisyana waxa ay sheegeen in uu Eebbe masayro ama hinaaso. Sida aynu og nahay aayadaha iyo axaaddiista la ma rumeeyo, lagu mana dhaqmo ee waxaa la aamminaa oo lagu camalfalaa fasiraaddooda oo ah sida ay u...

Nala Soo Xiriir

Follow Us