Qaybta

Awood sare

A

Caqliga Eebbe

Waxa aynu nahay dad mu’miniin ah oo caqligooda aan adeegsan ee caqliga Eebbe ka danbeeya xataa haddii uu caqliga Eebbe yahay wax aan la fahmi karin. Caqliga Eebbe waxaa ka mid ah cadaabta aakhiro oo ah in qof nool la gubo oo markii uu dhuxul noqdo haddana la soo nooleeyo oo la gubo oo gubitaankaas lagu wado weligiis. Caqligaas Eebbe la ma fahmi karo cid uu dan u yahay oo Eebbe laftiisa xataa wax...

Eebbe Metaalkiis ma jiro!

Waxaa jirta aayaad Qur’aanka kariimka ah ka mid ah oo af cad ku sheegtay in Eebbe wax metaalkiisa ah ama shabbahaa aysan jirin, isla markaas aayado kale ayaa sheegay in uu Eebbe caroodo, xaddiisyana waxa ay sheegeen in uu Eebbe masayro ama hinaaso. Sida aynu og nahay aayadaha iyo axaaddiista la ma rumeeyo, lagu mana dhaqmo ee waxaa la aamminaa oo lagu camalfalaa fasiraaddooda oo ah sida ay u...

Dhabta iimaanka (hanuunka)

Saddex aayadood oo Qur’aanka kariimka ah ka mid ah bay midi sheegaysaa in hanuunku uu yahay wax uu Eebbe sameeyo, hanuun la’aantuna ay sidaas oo kale tahay. Aayad kale waxa ay sheegaysaa in hanuun la’aanta uu shaydaan sameeyo, aayad saddexaadna waxa ay caddaysay in uu qof kastaa isagu masuul ka yahay in uu hanuuno iyo in kale. Waa mustaxiil in saddexdaas ayadood ay isku meel ka yimaadeen, haddii...

Bilowga Ilaaha diimaha Ibraahimiyada

Dunidan aynu ku nool nahay ku dhowaad shan kun oo ilaah ayaa lagu caabudaa lagana aaminsanyahay, ilaahyadaas qaarkood dhoobo ayaa laga sameeyay, qaar dhagax, qaarna geed halka kuwa dahab laga sameeyo sida kuwa Hindida. Qoramadan waxaan xoogga ku saari doonnaa ilaaha Ibraahimiyada oo kamida Ilaahyada aan muuqan ee qaar kamida diimuhu aaminsan yihiin. Ilaaha diimaha Ibraahimiyada marka aan leenahay...

Sawirka Jannada

aa dhul ballaadhan oo sida dheemmanka u dhaldhalaalaya, dhan walbana dhir iyo ubax baa isku maran oo kannaalo biyo ah baa qulqulaya, daruuro yaryar oo dhool ah baa dhaladayda ka muuqda, dhanka barina guulaamo culus oo madoow baa soo guur-guuranaysa. Dhalinyaro wada shuhado ah baa meel halkaas ah oo wejigayga ku beegan ku tumanaya muusig oo gabdho xuuralcayn ah baa u niikinaya oo dabada iyo...

Alle iyo Masayrka maxaa kala haysta?!

laaha diimaha Ibraahiimiyadu waxyaabo badan ayuu aadanaha la wadaagaa oo ay ka mid yihiin xitaa dareenno aanu aadanuhu la wadaagin noolaha kale, meelo badan oo Quraanka, Baybalka iyo Tooraahba kamida waxaan ku aragnaa Alle oo la leeyahay maanta waa maalmihiisii oo wuu caraysan yahay. “…..فقد با بغضب من الله ومأواه جهنم وبئس المصير” , “غضب الله عليهم ولعنهم وأعدلهم جهنم ….”...

Ilaaha Maxammed waa Ilaah noocee ah?

Ilaaha Maxamad ina baray waa ilaah dabeecad qallafsan, xanaaq badan, dhaar badan, aar-goosiga jecel, murugooda, qoomamooda, farxa sidoo kalana aad u carooda sida bini’aadanka. Ilaaha Maxammed waa Ilaah aan aad u caqli badneyn oo dadkuu abuuray ayaa ka xanaajiya, dadkii uu ogaa in ay ka xanaajin doonaan ayuu hadana ka xanaaqayaa.

Ilaahay iyo dadka kee wax abuuray?

Fulaynimada ama cabsida laga cabsanayo waxa dhici doona geerida kadib iyo waxyaabaha ay xal u waydo maskaxdu ayaa keena oo abuura khuraafaadka jiritaanka Illaahyada. Markasta oo garashada dadku korto cilmiga iyo tiknoolajiyaduna heer sare gaadho waxa sii yaraanaysa ugu danbayna meesha ka baxaysa baahida loo qabo Illaahyada. Qarnigii toddobaad iyo maanta isku baahi uma qabno Illaahyada.

Awoodda luminta qofka yaa leh?

Alle saw caadil maaha? Haa, xaashalilaahiye. Haddaba, haddii Alle cadaaladda wax ka yaqaanno muxuu hardan isaga iyo ninkaa qooqay ee Ibliis ah ugu dhex bi'inayaa uunka kale. Oo waa kan lumiddooda sabab uga dhigay isaga si uu u fidneeyo, waa kan yiri waxaan cadaabaha ka buuxin doona adiga Ibliis ah iyo intii ku raacda. Hadda annaga Ilma Aadan ah ma aannu jirin markaa ay Alle iyo inankaas kibrayi...

Eebaha Culimadu ma aha Eebaha Caamada!

Waagii aqoonta Aadanuhu aadka u koobnayd, sharraxaadii ugu horraysey ee aadanuhu kownka siiyey waxaa la odhan jiray (Animism). aragtidani waxay ku salaysnayd in shay kastaa ruux iyo rooxaan leeyahay.Buuraha, daruuraha, kaymaha iyo wax kasta oo kor uga wayn aadanahu waa ka cabsan jiray, waxaanu baqdin badan ka qabay waxa loo yaqaan (Evil spirits) ama rooxaamaha xun xun,Isla waagaas waxaa soo baxay...