Qaybta

Awood sare

A

Diimuhu waa dad samee!

“Waxa jira khilaaf u dhexeeya dadka diinta hinduuga aaminsan, kaas oo ku saabsan ka sareeya labada Eebbe ee kala ah (Shiva iyo Vishnu). Dooddan darteed dad badan baa u le’day, Lingapurana waxuu u balan qaadaa jannada Siva qof kastoo dila ama carabka ka gooya qof kasoo horjeeda Siva” (Klostermaier, 1994). “Dadka Zulus ka loo yaqaano dhexdooda waxa ka caana hadii gabar uur...

Mu’miniinta iyo Maxaysatada!

Ka gadaal xiisaha guud ee aadanuhu u qabo ogaanshaha su’aalo badan oo ku saabsan qaabka adduunku u shaqeeyo, Maxaysatadu (hunter-gatherers) waxay xiisa gaara iyo tix gelin mudan siiyaan suaasha ah; Muxuu xumuhu ugu dhacaa dadka wanaagsan?! Marka loo eego aaminaadda Qoomiyadda Ameerikaanka dhaladka ah ee (Haida) taas oo ku dhaqan cidhifka waqooyi ee badda baasifiga dhul-gariirku waxuu dhacaa...

Adiga yaa ku abuuray? Kownka se yaa abuuray?

Sababta keentay in dadku meel kasta oo ay joogaanba samaystaan sheeko xariireed abuurka ku saabsana sida uu falkiyay David Hume dadku kama fikiri karaan shay bilaa sababa, waana ujeedada ay nolosha iyo kawnka ahaanshahooda fasirka ugu raadshaan, hadday waayana ay mid jeebkooda ah u saaraan.

Jiritaanka waynaha maxaa caddayn u ah?

In la doodo waxna la is waydiiyo ama wax jira oo aan la hubin dood laga keeno ma xuma, doodaa iyo wax is waydiintu garashaday kabtaa laakiin hab loo doodo ayaa jira. Si aad u doodo waa inaad wax qirta, waana inaad miiska saarta waxa aad ka doodeyso caddayntana waa inaad banaanka ka keenta. Marka laga doodeyo jiritaanka awood sare ama Illaahay ma jirto cid caddayn karta inuu jiro, sidoo kale ma...

Noloshii Warmooge iyo la kulankii Eeebbe

Waxaa mudo dhowr bilood ahi ay ka soo wareegtay burburkii dawladii dhexe. Warfaa iyo qoyskiisuna waxaa ay u qaxeen meel baadiye ah oo 50 km dhanka qorraxdhaca ka xigta magaaladii ay ku noolaayeen. Nolosha qoysku waxaa ay ku tiirsan tahay xayn adhi ah iyo beer yar oo xoogay qudaar ah ay ku beereen. Waa habeenimo Isniin ah, qoysku waxaa uu ku hareeraysan yahay dab ay ku shiteen aqalka hortiisa...

Cabsida bannaanka ee nimankii godka

Koox dad ah ayaa qol mugdi ah lagu xereeyay. Waxaa la siiyay shumac yar (oo aan dhamaanayn) si ay iftiin uga helaan; sidoo kale na waxaa ay haystaan sahay ku filan cimrigooda inta ka hadhsan. Qolku waxaa uu ku dhexyaallaa xayndaab weyn oo isaguna gudcur ah, oo ay dhaxan iyo dabaylo darani ka dhacayaan. Waxaa loo sheegay, haddii ay albaabka furaan ama ay damcaan in ay qolka dibada uga baxaan in...

Qorshaha Ilaahay

Ilaahay markuu go’aansaday inuu dhulka abuuro iyo waxa ku noolaan doona wuxuu qoray waxaksta oo ku dhici lahaa ama ay ku kici lahaayeen iyo meeshay ku danbayn lahaayeen abuurtiisaasi, ujeedka hadalkani waxa weeye ilaahay wuxuu go’aan kasii gaadhey waxkasta oo dhici lahaa ama ay tahay inay dhacaan mustaqbalka oo aanay ogeyn cid aan isaga ahayni. Diinta islaamku waxay inoo sheegeysaa inay waajib ku...

Abuurka yaa halleeyey?

Waxaa la inoo sheegay in shaydaanku yahay cadaw xun oo xaasid ah, waxaa sidoo kale la inoo sheegay inuu yahay aabaha xumaanta habeen iyo maalinna heeganka ugu jira siduu dadka u lumin lahaa maadaama ay tahay balan uu la galay Illaahay. Si aan uga jawaabno waydiinta sare ku xusan waa in aan jawaabta ka dhex-raadina quraanka oo ah hadalka Illaahay sida ay muslimiintu aaminsan yihiin. Sida ku cad...

Eebbe inuu nin yahay ma ogtahay?

Markaad akhrisato Quraanka gaar ahaan bisha Ramadaan waxaad akhriskaa ka dheefeysaa abaalmarin iyo bogaadin laguugu kaydiyo bangiga Illaahay si marka aad dhimato nolosha danbe ay kuugu noqoto dhigaal aad ku badbaado. Akhirska Quraanku wuxuu barayaa qofka muslimka ah Ilaaha weynee abuuray, wuxuu baranayaa inuu yahay nin. Meelo badan baad ku arkeysa ereyga isaga (هو) wuxuuna aad u necebyahay in...

Hooyadaa ayaa ka naxariis badan Ilaahaaga!

Dhammaan diimaha samaawiga ahi Ilaahooda waxay ku tilmaameen inuu yahay mid naxariis badan, caddaalad badan oo neceb inuu ku xadgudbo addoomihiisa, sidoo kalena aanan aqoon eexashada iyo qaraabo kiilka, Ilaahay waa mid ku qiimeeya addoonkiisa falalkiisa adduunka oo ku xisaabiya.. Ilaahay waa mid ciqaabta u soo hormariya kuwa amarkiisa qaadan waaya ee ku gacan saydha nimanka uu farriintiisa u soo...