Qaybta

Diimaha

D

Nolosha badan!

Diimaha Buddhism-ka, Hinduuga iyo Sikha waxa ay ka simanyihiin aragtida ah in qofku si meerta ah usoo maro dhawr dhalasho iyo nolol kala duwan. Dhalashooyinka kala duwan ee uu qofku soo maro waa kuwo ka baxsan wacyiga iyo garashada qofka. In kastoo laga yaabo in qaarkiin ku qoslayaan aaminaadda noocaasi ah ee aanan la caddayn karin, haddana waa arin ku qoran buugtooda iyo aayaadkooda barakaysan...

#2 Sideen ku gaaloobay?

2007 waxa uu ii ahaa sannadkii isbadalka. Waxaan u soo tillaabay tacliintaydii sare. Inkastoo aan hakad galiyay markii aan dugsiga dhexe ka soo aflaxay oo aan dhanka barashada diinta u soo jihaystay, se waqtigu waxa uu mar kale jaanis ii siiyay inaan dib ugu laabto waxbarashadaydii maadiga ahayd. Waxaa dhammaan is badalay xaaladahaygii nololeed oo ay ugu horreyso qaab noolaanshahaygii ahaa...

Dooro/digaagad qoorqabad biyo kuma cabto!

Rumayntu ama aaminaaddu ma ahan wax la doorto ee waa qanaaco aad ku qanacdo arin, waana wax ka yimaada maskaxda iyo dareenka hoose ee qofeed, kuna dhisan sababayn iyo ku sugnaansho. Haddaba haddii ay lunto aaminaadda uu qof aaminsanyahay dhab ahaanshada diinta Islaamka oo ay u cuntami waydo, diintu waxa ay qabtaa in qofkaasi ay tahay in loo bandhigo in uu ku laabto diinta, oo uu ka laabto...

Goob gooni ah, goob walba mise goob la’aan?

Luuqad ahaan, goob waa madal, bar, bed maran ama boos. Marka aynu leenahay wax baa ‘JIRA’ waxaan ula jeednaa in waxaasi ay dhex joogaan goob ama boos. Ma cadda sida ay wax u jiri karaan goob la’aan. Haddii uu qof yiraahdo wax baa jiri kara goob la’aan, asaga ayaa looga baahanyahay in uu caddeeyo waxa uu ula jeedo markaasi erayga “JIRITAAN”, waayo erayga jiritaan macno ma yeesho goob la’aan...

#1 Sideen ku gaaloobay?

Waa goor fiid ah, waxaan dul jiifaa firaash dhexyaal qol ay laambad daciif ahi ka baxayso. Gacanta midig ayaan moobil yar ku haystaa. Waxaan marba dhan u mushaaxayaa ciwaanada aan ku leeyahay baraha bulshadu ay ku kulanto. Judhiiba ishaydu waxay qabatay maqaal aan dhawr caana maal ka hor qoray. Waakan alaylahe Facebook-gu uu maanta isoo xasuusiyay. Ho'gaaa!! ma afar sanaa ka soo wareegtay? Alla...

Thomas Paine: Faylasuufkii kacaanka

Malahayga ma akhrin faylasuuf ka saamayn wayn Thomas Paine marka ay timaado fikiradda siyaasadda, xuquuqda dadka iyo madax-bannaanida dawladaha hab is xukunka doorashada iyo mataaladda tooska ah ku dhisan. Suuragal maaha inaan halkan ku soo koobo taariikhda iyo fikiraddii Thomas Paine balse waxaan ku hakanaynaa oo si kooban uga hadli doonnaa laba qodob oo kala ah kaalintii uu ku lahaa kacaankii...

Nacaybka Yuhuudda maxaa sal u ah?

Dad badan oo muslimiin ah baa yuhuudda waxa ay ka aamminsan yihiin aragtiyo mucjiso ah oo ay ka mid tahay in ay sida shaydaanka yihiin wax caqli badan oo uu caqligoodu shar keli ah ka samaysan yahay. Wadaaddada sheegta sunniyiintu marka ay ka hadlayaan firqooyinka ay u yaqaanniin ”Kuwa lunsan” sida shiicada iyo murji’ada waxa ay mid kasta oo ka mid ah sheegaan in uu lumiyey nin yuhuud ahi, oo...

Ma taqaanaa saxaabiga quraanku rabitaankiisa ku soo dagi jiray?

Islaamka oo ah diinta labaad ee ugu dadka badan diimaha maanta ka jira adduunka waxa bilowgeeda, dhismeheeda iyo fidinteedaba iska kaashaday dad badan inkasta oo magacu raacay Maxamed oo ahaa aasaasaha diintan. Ka qayb qaadashadaasi waxay ahayd mid noocya badan oo leh naf, maal, muruq iyo maskaxba.Ninka aynu kaga hadlayno qoraalkani waa saxaabi kaalin mug wayn ka qaatay dhismaha iyo fidinta...

Dabar go’ diin dhaqameedyada Afrikaanka

Badi diinaha dunida ka jiraa ma aha kuwo diiwaan gashan oo caan ah, tusaale ahaan qaaraddeenna madow waxaa ka jira wax ka badan 5000 oo diino dhaqameed, haddana ma aha diino u diiwaan gashan caalamka ama caan ah, boqolkii sano ee u dambeeyey waxaa dabargo'ay boqol kun oo diinood, taas oo macneheedu yahay in sannadkii walba ay baaba'aan boqol diinood oo Afrikaan ah. Sababta ay sida degdegga ah ugu...

Wahaabiyada iyo aqoonta casriga ah

Wadaaddada wahaabiyada ahi waxa ay aqoonta casriga ah u haystaan wax uu cadow leeyahay oo duullaan ku ah diinta islaamka. Waxa ay u arkaan in uu cilmigu xaqirayo diintooda oo ay cadowga diintu maleegayaan dhagar dadka diinta laga jeedinayo oo lagu jeedinayo adduunyo. Si ay cilmiga isaga difaacaan bay marmar tartan la galaan oo waxa ay sheegtaan waxyaalo yaryar oo waayo hore caalamka islaamka laga...

Nala Soo Xiriir

Follow Us