
Malahayga ma akhrin faylasuuf ka saamayn wayn Thomas Paine marka ay timaado fikiradda siyaasadda, xuquuqda dadka iyo madax-bannaanida dawladaha hab is xukunka doorashada iyo mataaladda tooska ah ku dhisan. Suuragal maaha inaan halkan ku soo koobo taariikhda iyo fikiraddii Thomas Paine balse waxaan ku hakanaynaa oo si kooban uga hadli doonnaa laba qodob oo kala ah kaalintii uu ku lahaa kacaankii...