Qaybta

Diimaha

D

Ilaaha ayay u gafeen

In badan oo kamida Quranka mohamed markaad si miyir qaba u eegto ama aad sameyso waxay tadabarka ugu yeeraan muslimiinta waxaadba is leedahay ilaahay oo iska cayaarayo ayay hadalka ka qoreen waa hadaanba ka soo qaadno inuu jiro wax ilaahay layiraah oo cirka kursi u yaal layiri 8 ayaa sida aan la aqoon waxay yihiin.

Islaamku waa nabad iyo naxariis!

Kuwa wax dilayay Allahu Akbar ayay lahaayeen, kuwa la dilayana Ashahaada ayee ku celcelinayeen. Kuwa wax dilaya warmaha musxafka qur'aanka ayaa u surnaa, kuwa la dilayana gaashaanka qur'aan baa ugu qornaa!

Insaanka iyo xasiloonida

Dadku waxey jecelyihiin xasilloonida. Had iyo goor waxey baadi goob ugu jiraan dareen qabow iyo maskax daggan, kolka ay helaanna waxey diyaar u yihiin inay buuro kaynaan ah seetiyaan si ay ilbidhiqsi dheeraad ah usii hakiyaan. Marna qofku kuma qanacsana qabyo iyo wax dhantaallan. Waaqica noloshu se lid ayey ku tahey dhammeystirnaanta, oo ilaahyo dadku ikhtiraacdeen mooyi e, qof hanka ku qabsadey...

Dhaqan, Diin iyo Anshax Maxaa Isku Soohey?

Caqiidooyinka ba'an ee diimaha laga dhaxley waxa kamid ah in garashada dadku dhantaallantahey, oo hadduusan jirin dastuur rabbaani ah oo dadka celiya dhaqan xumo walba lagu kacayo. Odhaah hore baa waxey leedahey, "Intaad nin xagato, dabadeedna fiirso bahal dhiigaya." Waxa loola jeedaa, anshax wanaagga iyo xadaaradu waa uun maqaarka sare ee ku dahaadhan waxshinimada iyo qubxiga dadka gunta uga...

Diintaadu waa juqraafi

Diimuhu ma laha qiimo iskii u muuqda oo lagu garto xaq iyo baadil kan ay yihiin, ee hadba waa sida qofka iyo bulshadu u aragto. Oo diin waliba dadka rumaysan waxay ugu muuqataa xaq muqaddas ah, oo aan loo baahnayn in sina shaki iyo muran loo galiyo. Laakiin, isla diintaasi kuwa aan rumaysnayn waxay ugu muuqanaysaa waalli iyo doqonnimo isbiirsaday, oo loo baahan yahay in ruuxa garaadka lihi iskala...

Guurka caruurtii Aadam iyo Xaawo

Aadam feertiisa ayaa looga dhanbaley xaaskiisii xaawo, caruurtoodiina waa is guursadeen oo waa iska ilma dhaleen, waa sida ay diinta islaamka sheegeyso. Diimaha kale ee Ibraahimiyada iyaguna sheeko ku dhow tan ayay soo wariyeen. Dad badan oo muslimiin ah ayaa si un u dhibsadey dhigaalkeygii walow aysan doodo maangal ah oo ay iiga soo horjeedaan aysan keenin misna wayrax iyo cargaagtan ayaa iiga...

Abuurkii Aadam iyo Diinta

Waxaan in yar is dul taagi doonaa sidey diinta islaamka u sheegtey waxay u taqaan Aadam oo ay diimaha ibraahimiyadu yiraahdaan insaanka ayaa ka soo unkamey, mar waxay yiraahdaan waxa afka carabiga lagu yiraah "Abul Bashar" ama aabihii dadka oo ay ka wadaan dhammaan wixii insaan ah inay asaga ka soo ufarcameen, waxayna diimahu gaar ahaan diinta islaamku u yaqaanaan ibnu aadam ama faracii Aadam.

Diimaynta Aafooyinka Dabiiciga ah!

Waligeedba wadaadadu waa ay is-xiijin jireen wax walba oo cusub e, kadib soo if-baxii xanuunka Koroonaha, wadaado badan baa xujo-diimeed ka dhigtay xanuunkan aafeeyay dunida, ayaga oo leh; “aaway kuwii awoodda sheeganayay, il-ma-aragto aan loo jeedin ayaa baabi’isay, cilmigii waa fashilmay, xanuunkani waa caro Alle oo waxba lagama qaban karo ...” iyo waxyaabo la mid ah.

Ex-Muslim Misogynist

Hadaan ku hormaro qeexidda erayga "Misogyny" micno badan ayuu eraygaan leeyahay laakiin guud ahaan wuxuu u taaganyahay fikradda liididda ama hoos u dhigista haweenka jinsigooda darteed. Sida uu aaminsan yahay aqoonyahanka dhinaca cilmiga bulshada ee Allan G. Johnson "Misogyny waa dhaqan ku dhisan nacaybka dumarka, dumar ahaantooda oo kaliya". Marka aan fiirino taariikhda, in haweenka la liido...