Qaybta

Falsafad

F

Jiraalka iyo Micnaha Nolosha

Aadan iyo Xaawo, sida diimaha Ibraahiimigu dhigayaan, markuu Ibliis tuhunka ku beeray oo ay geedkii laga mamnuucay cuneen, waxa markiiba u muuqatey cawradooda. Awal ceeb iyo cawraba mayna ka madhneyn, laakiin tuhunka ay isu nugleen ayaa miyir-daarey oo indhaha u fiiqey. Waxa hortooda mudh kasoo tidhi adduunyo dhan oo hore uga qarsooneyd, se hadda jixinjix la'aan indhahooda isku duugeysa oo meel...

Shanqadh waliba waa Shabeel

Suurayso bal akhristow aniga iyo adiga oo maanta ku laabanay kumannaan sano kahor iyo waqtigii awoowayaasheen ay ugaarsatada ahaayeen. Maalin maalmaha kamid ah anaka oo kaynta dhex soconna haddaan maqalno shanqar geedaha ka dhex yeeraysa iyo cawska oo lulanaya Kadib adigu aad tiraahdid war meesha Shabeel baa inoogu dhuumanaya si uu inoo kala gooyo ee inaga dhaqaaji, anigana aan kuugu jawaabo war...

Indho-Shareerka Jahliga

Caddaalad in la sameeyo laba Cali oo isku diida lama arko lkn sidee baan caddaalad u samaynaa oo wax u kala qaybsannaa ayay waligeed dooddu ka taagnaan jirtay. Dadka marka la yidhaahdo caddaalad sameeya midba meel buu ula kacaa oo midbaa qabiil laandheere ah ka dhashoo qabyaaladda xoojiya, midbaa taajir ahoo hantiilayaasha xaqa u badiya. Midbaa intuu isaga xoog is bido yiraahda ninka roon reerka...

Sharciga saddexda heer ee garaadka bulshada

harciga saddexda heer ee garaadka bulshada “law of three stages of Auguste Comte”, waa fikrad uu dhigay faylasoofka caanka ka ah cilmiga bulshada “sociology” ee Auguste Comte buuggiisa la yiraahdo “دورة الفلسفة الايجابية” “The Course in Positive Philosophy”. Fikraddaas waxay daaran tahay bulsho kasta waxay martaa sadex heer oo tadawur fikir ah...

Insaanka iyo xasiloonida

Dadku waxey jecelyihiin xasilloonida. Had iyo goor waxey baadi goob ugu jiraan dareen qabow iyo maskax daggan, kolka ay helaanna waxey diyaar u yihiin inay buuro kaynaan ah seetiyaan si ay ilbidhiqsi dheeraad ah usii hakiyaan. Marna qofku kuma qanacsana qabyo iyo wax dhantaallan. Waaqica noloshu se lid ayey ku tahey dhammeystirnaanta, oo ilaahyo dadku ikhtiraacdeen mooyi e, qof hanka ku qabsadey...

Dhaqan, Diin iyo Anshax Maxaa Isku Soohey?

Caqiidooyinka ba'an ee diimaha laga dhaxley waxa kamid ah in garashada dadku dhantaallantahey, oo hadduusan jirin dastuur rabbaani ah oo dadka celiya dhaqan xumo walba lagu kacayo. Odhaah hore baa waxey leedahey, "Intaad nin xagato, dabadeedna fiirso bahal dhiigaya." Waxa loola jeedaa, anshax wanaagga iyo xadaaradu waa uun maqaarka sare ee ku dahaadhan waxshinimada iyo qubxiga dadka gunta uga...

Falsafadda Siyaasadda ee Spinoza

Wixii ka horreeyay kacaankii faransiiska Yurub iyo adduunka waxaa ka talin jiray maamulo siyaasi ah oo ku dhisan kaligi-talisnimo, kuwaas oo ahaa kuwo u dhaxeeya boqorrada iyo diimaha am raga diinta. sidaas darteed aqoon-yahamiintii iftiinku waxay xil wayn iska saareen in falsafaddu meel u yeesho arrintaas iyaga oo xoogga saaray maadada falsafadda siyaasiga ah ((political philosophy). Hadaba Ba...

Xoriyadda iyo Masuuliyadda

Xoriyaddu waxay ku hoos jirtaa masuuliyadda, waxaa qaba aragtidaan ama laga soo wariyey faylasuufkii Danish-ka ahaa "Soren kierkegaard". Tan iyo intii ay nolosha dadku jirtay xoriyadu waxay ka ahayd nolosha dadka qayb muhiima iyadoo hadba heer soo joogtay. Hayeeshee waxaa loo qaybiyaa saddex qaybood oo muhiima inay xoriyadda dadku soo martay sida laga soo wariyey culumada taariikhda falsafadda uu...

Doodda Dumarka iyo Falsafadda

Inkastoo ragga dumaka liidaa ay ku doodaan in dumarku aysan wax kaalina kulahayn horumarkii laga gaaray cilmiga iyo ilbax-nimada, hadana taariikhdu waxay noo sheegaysaa wax ka duwan sheegashadaas. Waxaa ay taariikhdu caddaynaysaa inay jiraan dumar badan oo kaalin muhiima kulahaa taariikhda, cilmiga, falsafadda, farshaxanka, suugaanta iyo siyaasadda. Hadaba waxaan jeclaan laa inaan muujiyo...

Taariikh nolaleedkii Baruch Spinoza

Spinoza wuxuu ku dhashay magaalad Ameseterdam ee wadanka Netherland sanadkii 1634tii asaga oo ka dhashay reer ka soo jeeda bulshada yahuudda ee ka soo qaxay qarnigii 16-aad bilawgiisii dalka Purtugal kadib makii cadaadis dhanka diintaa ay saartay xukuumaddii Kaatooligga.